HomeKhasaaraha ka dhashay Dab ka kacay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Somaliland

Khasaaraha ka dhashay Dab ka kacay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Dab ayaa gelinkii dambe ee maanta ka kacay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacy’gelinta Somaliland, waxaana ka dhashay khasaare baaxad leh oo sababay gebi ahaanba shuf beelo Xafiiska Waaxda Is-gaadhsiinta ee Wasaaradda.

 

Radio Hargeysa

Sida uu xaqiijiyey Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Qaranka Sarreeye Guuto Axmed Maxamed Sawaaxili oo saxaafadda la hadlay kaddib markii ay Ciidanka Dab-demisku ka hawl-galeen Bakhtiinta Dabka, dabka ayaa khasaare u geystay xafiiska oo gebi ahaanba shuf-beelay, waxaanu ku sababeeyey khasaaraha baaxadda leh ee soo gaadhay xafiiska oo aanay markaa cidi ku sugnayn isla markaana xidhnaa.

Haseyeeshee, taliyuhu ma sheegin waxa uu dabku ka dhashay iyo haddii ay jirto tuhun ah inay Cid ka dambaysay dabka khasaaraha sababay.

Sidoo kale, waxa uu taliyuhu sheegay in Ciidamada Deb-demiska ee goobta soo gaadhay ay ku adkaatay inay markiiba gudaha u galaan Qiiqa goobta ka baxayay oo aad u weynaa awgeed.

 

Sareeye Guuto Maxamed Sawaaxil, waxa uu intaas ku daray in ciidanka dab-demisku markii dambe ku guulaysteen Xakamaynta dabkaas si aanu ugu sii fidin qaybaha kale ee Wasaaradda.

 

Xafiiska Dabku ka kacay ayaa ah waax cusub oo dhawaan lagu soo kordhiyey Wasaaradda Warfaafinta, kaas oo qaabilsan Xog-ururinta iyo la-socoshada Wararka ay baahiyaan Warbaahinta Madaxa-bannaan ee ka hawl-gasha dalka.

Somalilandpost.net

Somalilandpost@live.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories