HomeKhasaaraha Iska-horimaad caawa Shacab Hubaysan ku dhexmaray Ceerigaabo, Qaybo ka mid ah...

Khasaaraha Iska-horimaad caawa Shacab Hubaysan ku dhexmaray Ceerigaabo, Qaybo ka mid ah magaalada oo Korontadu ka go’day iyo Ujeeddada uu Salka ku hayo

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Ceerigaabo (SLpost)- Inta la ogyahay Afar Qof ayaa ku dhaawacmay iska horimaadyo rabsho wata oo caawa ka dhacay magaalada Ceerigaabo ee Xarunta gobolka Sanaag, kuwaas ooay samaynayeen qaybo ka mid ah shacabka magaalada Deggen oo ka soo hor jeeda Lacagta Shilinka Somaliland oo xukuumaddu dhowaan si rasmi ah uga hirgelisay magaaladaas oo labaatankii sanno ee u dambeeyey laga isticmaalayey lacagta Shilinka Soomaaliga ah.

Mudaharaadka rabshada wata ee caawa ka dhacay magaalada Ceerigaabo oo markii dambe isu-beddelay in laysu adeegsado hubka noocyadiisa kala duwan, ayaa ka dambeeyey ka dib markii badhtmaha suuqa magaalada ay Weerareen dadweyne gadoodsan oo ka soo horjeeda beddelka lacagta Giimbaarta oo xukuumadda Somaliland dhowaan ugu beddeshay Shilinka  Somaliland.

Dadka mudaharaadka samaynayey ayaa la sheegay inay soo galeen isla markaana weerarro ku qaadeen meherado ganacsi oo ku yaala badhtamaha Suuqa magaalada, kuwaas oo khasaare kala duwan la soo gaadhsiiyey, waxaanay markii dambe magaalada gudaheeda ka bilaabmay isku-dhac dhexmaray dadka mudaharaadka samaynayey iyo ganacsatada iska leh meheradaha la weeraray oo rasaas u adeegsaday inay isaga caabiyaan mudaharaadayaasha rabshadaha la soo galay badhtamaha suuqa, kuwaas oo iyaguna adeegsaday qoryaha noocyadooda kala duwan.

ceerigaabo_Banaanbax
PHOTOFILE: Dadweynaha Ceerigaabo

Maamulka gobolka iyo degmada Ceerigaabo oo aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno si aanu wax uga weydiinno dhacdadan, ayaan noo suurto-galin, haseyeeshee wararka laga helayo magaalada Ceerigaabo, ayaa sheegay in isku-dhaca dadweynaha dhexmaray uu ka bilaabmay mudaharaad ay magaalada gudaheeda ka sameeyeen dadweyne isugu jira Dhalinyarada iyo Haweenka Xaafadaha Koonfurta iyo Bariga Ceerigaabo, ka dib markii ciidamada Boolisku maanta Xabsiga u taxaabeen xubno ka mid ah Ganacsatada magaalada oo ka dhega-adaygay Joojinta isticmaalka lacagta Shilinka Soomaaliga ah ee la beddelay, iyaga oo sida la sheegay ku doodaya Sicir-barar ka dhashay isku-beddelka lacagta Shilinka Somaliland iyo lacagta Giimbaarta ah ee isticmaalkeeda la joojiyey. Haseyeeshee, warar kale, ayaa iyaguna sheegaya in mudaharaadku ka dhashay ka dib markii dadkaasi caawa telefishannada ka daawadeen Guddoomiyaha Baanka Somaliland Md Cabdi Dirir Cabdi oo sheegay inay Xukuumad ahaan soo gunaanadeen isla markaana ku guulaysteen beddelka lacagta Giimbaarta ah, taas oo lagu sheegay inay sabab u ahayd  gadoodka dadka mudaharaadka sameeyey.

Wariye ka hawl-gala magaalada Ceerigaabo oo goor-dhawayd khadka telefonka ugu warramay shabakadda Somalilandpost, ayaa sheegay inay rasaas googoos ahi ka socota badhtamaha magaalada, taas oo sababtay in albaabada loo laabo meheradaha ganacsi ee magaalada, isla markaana qaybo badan oo ka mid ah magaalada ay korontadu ka go’day, ka dib markii rasaasta lays weydaarsanayey ay haleeshay xadhkaha Korontada ee magaalada.

Iska-horimaadkan oo markii dambe ku fiday Xaafadaha magaalada, ayuu wariyuhu sheegay inuu dhexmaray dadweyne Gadoodsan oo Bannaan-baxooda ka soo bilaabay Bariga iyo Koonfurta magaalada, halka dhinaca kalena ay yihiin Shacabka kale ee ku dhaqan qaybaha kale ee magaalada, kuwaas oo Suuqyada Xaafadahooda ku yaala la soo weeraray.

Wariyuhu waxa uu intaas ku daray in iska horimaadkani uu sababay dhaawaca Afar qof oo shacab ah, kuwaas oo wakhtigan lagu daawaynayo cusbitaalka Guud ee magaalada Ceerigaabo, isla markaana aanay jirin wax ciidamo ah oo gurmad ka galay deminta rabshadaha dhexmaray Shacabka magaalada.

Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baanka Somaliland oo dhawaan socdaalka ku tagay gobolka Sanaag, ayaa hawl-gal muddo laba maalmood ah socday shacabka magaaladaas kaga beddelay lacagta Shilinka Soomaaliga ah oo gobolkaas laga isticmaalayey labaatankii sanno ee u dambeeyey, taas oo saamayn ku yeelatay dhaqaalaha iyo ganacsatada Sanaag oo khaati ka joogay lacago been abuur ah oo lagu soo macmalay maamul-goboleedka Puntland ee Somaliya.

Dadweynaha Gobolka Sanaag, gaar ahaan magaalada Ceerigaabo oo go’doon kaga jiray isku-xidhnaanta Ganacsiga ee gobollada kale ee dalka, ayaa si weyn u soo dhaweeyey lacagta Shilinka Soomaaliga ah ee loogu beddelay Shilinka Somaliland.

LA SOCO WIXII WARAR AH EE KA SOO KORDHA

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories