HomeKhasaaraha Dhimashada iyo Dhaawac ka dashay Bannaanbaxyo Gilgilay Magaalooyinka Borama iyo Saylac

Khasaaraha Dhimashada iyo Dhaawac ka dashay Bannaanbaxyo Gilgilay Magaalooyinka Borama iyo Saylac

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Borama (SLpost)- Bannaanbaxyo ujeeddooyin isku mid ah ka duulaya, ayaa maanta gilgilay magaalooyinka Saylac iyo Boorama ee gobollada Salel iyo Awdal.

Mudaharaadyadan oo sababay dhimasho iyo dhaawac kala duwan, ayaa la xidhiidha muranka maalmihii u dambeeyey ka taagnaa Golaha deegaanka Degmada Saylac oo dadweynuhu xukuumadda ku eedeeyeen inay farogelin ku samaysay.

Dadweyne Gadoodsan ayaa maanta gelinkii hore bannaanbaxyo markii dambe rabshado isu-beddelay ka dhigay degmada Saylac ee gobolka Salal, kuwaas oo ka cabanayey sababta golaha deegaanka degmadaasi dib uga dhacay doorashada hoggaannada goleyaasha deegaannada ee ku soo baxay doorashadii dawladaha hoose dhawaan dalka ka qabsoontay.

BANNAAN BAXYO BORAMADadkan mudaharaadka dhigayey waxay socod ku soo mareen qaybo badan oo ay ka koobantahay Magaalada Saylac, waxa kala eryadeen Ciidamada Booliska oo rasaas ay kor u ridaayey ku kala dareeriyeen, mana jiro wax khasaare ah oo rabshadahaas ka dhashay.

Suldaan Saleebaan Cali oo ka mid yahay Salaadiinta waawayn ee Goballada Awdal iyo Salel oo maanta ku sugnaa Magaalada Saylac, ayaa dadweynaha dibad-baxyada dhigayay kula hadlay magaaladaas, isaga oo ugu baaqay inay sinabad-galyo ah cabashadooda u gudbiyaan, “Fadhiista wax allaale iyo wax idinka xumimajirto ee nabadiina ilaashada, wax idinka maqanina ma jiraan ee joojiya mudaharaadka oo cabashadiina u gudbiya sinabad-galyo ah,” sidaas ayuu yidhi Suldaan Saleebaan Cali.

Mudaharaadkan ka dhacay Magaalada Saylac oo ku soo beegmay wakhti Wasiiro xukuumada ka tirsan iyo Masuuliyiin sar-sare ay Degmada Saylac u tageen khilafaadkii ka dhashay doorashadii Golaha Degaankaka ee dhawaan ka dhacday Degmada Saylac.

Dhinaca kale, bannaan-baxii uu weynaa ee ka dhaca magaalada Boorama, ayaa maanta gilgilay magaaldaas oo dadweynuhu kaga cawdeen isbeddel lagu sameeyo gacan-ku-haynta hoggaanka Golaha Deegaanka Degmada Saylac oo muranno xoog leh ka taagnaayeen tan iyo muddadii ka dambaysay doorashadii Dawladaha hoose, ayaa lagu diiddan yihiin in xal laga gaadho muranka ka taagan Maayarnimada Saylac oo xildhibaano badan reer Awdal uga soo baxeen Saylac isla markaana doonayaan inay qabtaan Maayarnimada Saylac.

BORAMADadweynaha mudaharaadka dhigayey, ayaa taayirro ku gubay waddooyinka magaalada Boorama, waxaanay dalbanayeen inaan isbeddel lagu samayn hoggaanka golaha deegaanka Saylac oo xukuumaddu doonayso inay xal ka gaadho, ka dib markii beesha Ciise ee degmada degmada Saylac cabasho ka muujisay qaabkii loo maamulay doorashadii golaha deegaanka ee degmada Saylac. Bannaan baxan ayaa markii dambe si deggen u dhammaaday.

Haseyeeshee, Waxa ay dadweynaha magaaladu dib u billaabeen bannaanbaxooda ka dib markii wefti uu hoggaaminayo madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Ismaaciil (Saylici) uu maanta gelinkii dambe socdaal ku gaadhay magaalada Boorama.

Dadweynaha mudaharaadka dhigayey ayaa weftiga madaxweyne ku-xigeenka bannaan kala hortagay bannaan halkaas oo ciidamada booliska iyo ilaalada madaxweyne ku-xigeenkuna kala hortageen rasaas ay dadkaas ku kala dareeriyeen.

Bannaanbaxan ayaa sababay khasaare nafeed ka dib markii ciidamada ilaalada Madaxwayne ku xigeenka iyo kuwo boolis ah oo iskaashanayaa ay dadka rasaas ku rideen, waxaana ku dhintay hal qof, halka laba kalena ay ku dhaawacmeen. Waxaana markii dambe weftiga madaxweynuhu ku degeen hotel Rays ee magaalada Boorama.

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo ka mid ah salaadiinta gobolka Awdal ayaa ka warramay tabashooyinka keenay mudaharaadka ka dhacaya deegaano ka mid ah gobolka Awdal.

Suldaanka oo qaar ka mid ah warbaahinta dalka maanta kula hadlayey magaalada Boorama, ayaa sababta mudaharaadka keentay ku sababeeyey farogalin xukuumaddu ku samaysay doorashada hogaanka golaha deegaanka Saylac oo muran ka taagan yahay sidii loo dooran lahaa.

Suldaanka ayaa waxa uu sidoo kale dadka mudaharaadka dhigaya ugu baaqay in ay fariintooda gudbiyaan oo aanay wax khasaare keenaya ku kicin.  “Mudaharaadyada Boorama ka dhacay waxa keenay tabasho xukuumadda laga tirsanayo farogalin, taasi oo aan ilaa hadda la dhaarin xildhibaanadii golaha deegaanka Saylac, marxaladaasi oo isa soo tarayso muddo ayaa keentay in mudaharaadkaasi ka dhasho, waxaananu xukuumadda u soo jeedinaynaa wakhtigii lagu dhaarinayey xildhibaanada golaha deegaanka, waxaanay taagan tahay wakhtigii golaha deegaanku qabsan lahaayeen shirka ay ku dooranayan maayarka iyo maayar ku xigeenka, waxaananu faraynaa xukuumadda inay si deg deg ah ugu dirto xildhibaanada maxkamadii dhaarin lahayd,” ayuu yidhi Suldaanku.

Suldaanka oo la hadlaya dadka mudaharaadka sameeyey, waxa uu yidhi, “Dadweynaha mudaharaadaya waxaanu u sheegaynaa inay is dejiyaan oo aanay wixii dhib keenaya ku kicin.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories