Khasaaraha Dagaal laba beelood oo Walaalo ku dhex-maray Deegaanka Horufadhi ee Degmada Buuhoodle

Must Read

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011.

Burco (SLpost)- Dagaal sababay khasaare dhimasho iyo Dhaawac isugu jira, ayaa deegaanka  Horufadhi ee degmada Buuhoodle ku dhexmaray Laba beelood oo walaalo oo deegaankaas wada dega.

Deegaanka Dirirtu ka dhacday oo ka tirsan gobolka Buuhoodle ee Somaliland, ayaa waxa ku dagaalamay labada beelood oo ka wada tirsan Beesha Dhulbahante ee deegaankaas kuwaas oo kala ah beelaha Jaamac Siyaad iyo Reer Hagar, kuwaas oo dagaalka dhexmaray galabta ka bilaabmay Nawaaxiga tuulada Horufadhi.

degmada BuuhoodleLama oga khasaaraha dhabta ah ee dagaalkan ka dhashay, haseyeeshee wararka laga helayo xarumaha Caafimaadka ee deegaamadaas, ayaa sheegaya inuu dagaalku sababay dhimashada hal qof iyo dhaawac laba kale.

Ubucda khilaafka labada beelood ee gacan-ka-hadalka isku beddelay, ayaa dhashay dhul deegaan-daaqsimeed y labada beelood ku muran san yihiin kaasoo muddooyinkii u dambeeyey khilaafkiisa laga dareemay deegaanadaas.

Deegaanka Dirirtu ka dhacday ayaa dhanka Woqooyi kaga beegan magaalada Buuhoodle, waxaanu u dhexeeyaa magaalooyinka Ceegaad iyo Qorulug oo ay kaga beegan tahay jihada Bari.

SOMALILANDPOST.NET

- Advertisement -

Latest News

Peter Harris: Somaliland Is the Strategic Ally Trump Needs Now

Peter Harris, writing in the Washington Examiner, argues that Somaliland could be a strategic ally for President Donald Trump as debate over US recognition continues.
- Advertisement -

More Articles Like This