HomeKhasaaraha Dagaal Culus oo Duleedka Laascaanood Ku Dhex-maray Ciidanka Qaranka iyo Maleeshiyaadka...

Khasaaraha Dagaal Culus oo Duleedka Laascaanood Ku Dhex-maray Ciidanka Qaranka iyo Maleeshiyaadka Huwanta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Laascaanood (SLpost)- Dagaal sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, ayaa gelinkii hore iyo gelinkii dambe ee maanta duleedka Laascaanood ku dhexmaray Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Maleeshiyaadka Huwanta ah ee is-urursaday.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka maanta oo bilaabmay kaddib markii fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee duleedka Laascaanood ay soo weerareen Ciidamada maamul-goboleedka Puntland oo kaashanaya maleeshiyaadka deegaanka iyo kuwo xidhiidh la leh kooxaha argagixisada ah.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland, ayaa lagu sheegay in Ciidanka Qaranku khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira gaadhsiiyeen kooxaha huwanta ah isla markaana ka gubeen gaadiid dagaal oo tira-badan.

“Ciidamada Maamulka Puntland ee Soomaaliya oo garab ka helaya kooxaha huwanta iyo argagixisada ayaa saaka weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo mar kasta diyaar u ah difaac iyo ilaalinta Qarannimada ayaa ku dhuftay cadawga soo wareeray dhirbaaxo aanay mahadin, waxaa ciidamada Maamulka Puntland ee Soomaliya iyo kooxaha argagixisada ah laga gubay baabuur badan oo tikniko ah, guud ahaana waa la jebiyey.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka oo intaas ku daray, “Mar kasta ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland cidna duulaan kuma aha, balse ciddii soo weerarta waxa ay ka qaadaan tallaabo adag oo lama ilaawaan ah.” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories