HomeKhasaaraha Dadka ku dhintay Rabshadaha Ethiopia oo kor u kacay iyo Wararkii...

Khasaaraha Dadka ku dhintay Rabshadaha Ethiopia oo kor u kacay iyo Wararkii u dambeeyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Addis Ababa (SLpost)- Gobolka Oromada ee dalka Itoobiya waxa toddobaadkan lagu dilay dad tiradoodu gaadhayso 67 qof intii ay socdaan banaabax looga soo horjeedo Ra’isul wasaaraha dalkaas oo ka dhacay caasimadda Addis Ababa iyo Magaalooyin kale.

blankSaraakiil ka tirsan booliiska oo u waramay Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa xaqiijiyay in dabad-baxyada rabshadaha watay ee maalmahaan ka socday dhulka Oramada ay ku naf waayeen ilaa 67 ruux, iyadoo ay rabshadaahii maanta madaxa la galeen maalintii seddaxaad.

Sidoo kale Booliska ayaa sheegay in laga dilay 5 Askari, waxayna intaas ku dareen 13 ka mid ah dadka la dilay in lagu dilay rasaas halka inta kalana ay ku dhinteen rabshadaha iyo dhagxaantii la isku tuurayey.

blank
Khariiradda Ismaamulka Oromada Ethiopia

Rabshadahan oo markii hore ku bilawday eedaymo uu Jawar Mohammed usoo jeediyay dawlada Abiy Ahmed ayaa haatan isu-beddalay iskudhac qoomiyadeed iyo meelaha qaarkood mid diimeed.

Booliska ayaa gacanta ku dhigay 68-qof oo lala xadhiidhinayo kicinta shaqaaqoyinkii ka dhacay caasimadda ismaamulka Oromada ee Adama, iyadoo duqa magaalada Adama oo warbaahinta la hadlayna uu sheegay in dadka la qabtay looga shakisan yahay dilalkii, boobkii iyo goobihii cibaadada ee lagubay.

Jawar Maxamed oo ah ninka sababta u ahaa in ay qarxaan rabshadaha hadheeyay deegaanada ismaamulka Oromiya ee dalka Itoobiya oo la hadlay Reuters, waxa uu eedeyn u jeediyay Raysal-wasaare Abiy Ahmed oo uu ku tilmaamay Kaligii-taliye.

blank
Jawar Maxamed – [Sawirka: Tiksa Negeri/Reuters]
Jawar Maxamed ayaa ku soo caan baxay khudbadaha iyo bandhigyada uu kaga hadlo siyaasadda dalka Itoobiya, isaga oo weliba qurbajoogta Oromada ee Mareykanka ku nool hormuud u ahaa.

Jawar Maxamed ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay xubinta ugu muhiimsan ee aasaasay ururka dhalinyarada Oromoda ee ‘Qeeroo’ oo dalka gudahiisa ka sameeyey mudaharaadyo sababay isbeddel siyaasadeed oo ka dhaca dalkaas, gaar ahaan waxaa si gaar ah uu ugu soo caan baxay jidgooyooyinki maalmaha socday ee lagu sameeyey jidadka soo gala caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, taasoo sababtay inuu is-casilo raysa-wasaarihi hore ee Itoobiya Haile Mariam Desalegn oo uu xilka kala wareegay Dr Abiy Axmed oo dhalasho ahaan ka soo jeeda qowmiyadda Oromada.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories