Home"Kenya xafiis diblumaasi kuma laha Somaliland, laakiin waxay aqoonsan tahay..." - Dowladda...

“Kenya xafiis diblumaasi kuma laha Somaliland, laakiin waxay aqoonsan tahay…” – Dowladda Kenya oo ka hadashay Safarka Madaxweyne Biixi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada, ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaddib markii uu marti-qaad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalkaas Uhuru Kenyatta.

Madaxweyne Biixi waxa halkaas ku qaabilay wasiirro ka tirsan dowladda Kenya iyo safiirka JSL ee dalka Kenya, waxaana markii dambe madaxweynuhu wasiirrada dalkaas la qaatay kulan gogol-xaadh u ah kulanka ay maalinta Berri ah wada-yeelanayaan hoggaamiyeyaasha labada ee Somaliland iyo Kenya.

blankWasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya oo ka hadashay socdaalka madaxweynaha Somaliland ee ku tagay dalkaas, ayaa sheegtay in arrimaha ugu muhiimsan ee kulanka labada hoggaamiye kagaga wada-hadli doonaan ay ka mid yihiin arrimaha Amniga, ganacsiga iyo maalgeshiga.

“Kenya xafiis diblumaasi kuma laha Somaliland, laakiin waxay aqoonsan tahay xasilloonida siyaasadeed iyo dhaqaale ee ka jirta, waxayna dooneysaa inay xoojiso oo ay ballaadhiso xidhiidhka ganacsiga badeecadaha iyo adeegyada. iyo sidoo kale maalgashiga oo gundhig u ah iskaashiga horumarineed ee mustaqbalka labada dhinac,” sidaas waxa lagu sheegay qoraal ay barta Twitter ku baahisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya.

Sidoo kale, wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya waxa ay qoraalkeeda ku sheegtay, “Somaliland waa saaxiib muhiim ah oo ku yaalla Geeska Afrika oo aanu iska kaashanno dagaalka lagula jiro kooxaha xag-jirka”.

Safarka ayaa noqonaya kii u horeeyey ee madaxweyne Muuse Biixi ku tago dalka Kenya tan iyo markii uu la wareegay hoggaaminta talada dalka bishii December 2017-kii.

Socdaalka madaxweyne Biixi ayaa noqonaya markii labaad ee hoggaamiye ka socda Somaliland oo marti-qaad rasmi ah ka helay madaxweynaha Kenya uu booqdo dalkaas, waxaana ka horreeyey socdaal madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin ku tagay halkaas 2006-dii isagoo la kulmay madaxweynihii hore ee Kenya Moi Kibaki.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories