HomeKENYA: Tirada Codadka La Tiriyey oo Muujinayay in Si Weyn laysugu dhowyahay...

KENYA: Tirada Codadka La Tiriyey oo Muujinayay in Si Weyn laysugu dhowyahay Natiijada Doorashada

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Nairobi (SLpost)- Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka Kenya, Uhur Kenyata ayaa hogaanka u haya natiijooyinka hordhaca ah ee ilaa hadda  codadka la tiriyay  doorashadii dorraad ka dhacday wadanka Kenya oo tirinteedii ilaa hadda socoto.

Rala Odinga oo ah Raiisal wasaaraha xukuumada talada Kenya imika gacanta ku haysa ayay tilmaamayaan natiijooyinku inuu kaalinta labaad ku jiro. Waxaana kaalinta saddexaad ku jira murashaxa Mudavadi.

Shacabka Kenya , ayaa maalintii dorraad ahayd u dareeray si ay ugu codeeyaan cidday tallada wadanka gacanta u gallin lahaayeen shanta sanno ee soo socota.

31,981 (Soddon iyo kow kun, Sagaal boqol Siddeetan iyo kow) oo goobood oo loo asteeyey in dadku codkooda ka dhiibtaan ayaa ku filaan waayay inay codbixiye yaashu ku dhamaadaan wakhtigii loogu tallo galla, taas oo kaliftay in lagu daro wakhti dheeraad ah oo ay goobaha codbixintu sii furnaadaan.

kenyan electionsSafafka ayaa aad u dhaadheeraa , iyagoo dadku niyada ku hayay in codbixintan natiijada ka soo baxdaa ka bixiso sawir ka duwan kii doorashooyinkii 2007-dii oo rabshadihii ka dhacay ay ku naf waayeen in ka badan 1,200 qof. Nus bilyan kalena ku barro kaceen.

In kastoo rabshado aan badnayni ka dhaceen wadankaas , hadana  waxa la tilmaamayaa in doorashadan iyo qaabka ay u dhacday uu yahay kii ugu fiicnaa uguna nabadgalyada badnaa tan iyo intii ay Kenya xornimadeeda qaadatay.

Natiijooyinka hordhaca ah  ee codbixintan sida nabdoon ku  soo afmeerantay , ayaa hogaanka u dhiibaysa Kenyatta oo ah 51 jir ah oo jagada Raiisal wasaare ku xigeenka ku fadhiya dowlada Kenya , iyadoo uu ugu soo dhow yahay 68 jirka ay is baacsanayaan ahna Raiisal wasaaraha ah wadanka ee Raila Odinga.

Ilaa hada Boqolkiiba toban (35%) ayaa la tiriyey 14.3 kii million ee qof ee codkooda dhiibtay shalay, waxaanay wararku sheegayaan in tirintu socon doonto ilaa maalmaha soo socda oo dhan, iyadoo natiijadana is bedelo xoog leh laga filayo.

Wadamada reer galbeedka ayaa si dhow u ilaalinaya doorashada , kuwaasi oo siweyn u danaynaya xasiloonida wadankan ku yaala gobol uu ka socdo dagaalka ay kula jiraan argagixisadu.

Natiijooyinka hordhaca ah ee Codadka la tiriyey

Uhuru Kenyatta (TNA) 2,709,305 (53.6%); Raila Odinga (ODM) 2,122,214 (42.91%); Mudavadi (UDF) 136,351 (2.7%) ; Kenneth (Eagle) 17,542 (1%); Kiyiapi (RBK) 10,780 (0.36%) Karua (Narc Kenya) 11,220; Dida (ARC) 8,554

Arimaha Xusida Mudan.

Ninka imika hogaanka u haya natiijoyinka codadka la tiriyey ee Uhuru Kenyatta iyo saaxiibkii William Ruto ayay dacwado ka dhan bini’aadminimadu kaga socdaan maxkamadda caalamiga ee Hague, dambiyadaas oo ah rabshadihii ka dhashay doorashadii lagu murmay ee sanadii 2007dii. Labada ninba si xooggan ayay u beeniyeen eedeymaha.

Iyada oo ay jireen tallaabooyin wax lagaga qabanayo musuqmaasuqa, haddana weli Kenya si xoog leh ayuu uga jiraa gaar ahaan shirkadaha dowladdu leedahay iyo kuwo kooban oo hey’adaha dadka ah sida booliiska.

Doorashadii 2007 waxaa jiray saddex xubnood oo la dooranayay oo keliya, kuwaasi oo kala ahaa Madaxweyne, Xubin Baarlamaan iyo Golaha Deegaanka. Hadda qofka codka dhiibanaya ee Kenyan ah waxa uu dooranayaa Lix qof oo kala ah Madaxweyne, Sanetor, Guddoomiye gobolka, Xubin Baarlamaan, wakiil deegaan iyo wakiil dumar ah.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories