HomeKenya oo Xayirtay 13 Xawaaladood iyo 86 qof oo Muslimiin ah Xisaabahooda...

Kenya oo Xayirtay 13 Xawaaladood iyo 86 qof oo Muslimiin ah Xisaabahooda iyo Soomaaliya oo ka hadashay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

xaoraadNairobi/Muqdisho (SLpost)- Dawladda Kenya, ayaa xayiraad kusoo rogtay 13 Xawaaladood iyo Xisaabaadyada 86 qof oo looga shakisan yahay inay maalgeliyaan Kooxda Al-shabaab ee ka hawl-gasha Soomaaliya, waxaana tallaabadan lagu sheegay inay tahay mid lagaga jawaabayo weerarkii Jaamacadda magaalada Gaarisa.

Wasiirro ka tirsan dawladda Kenya oo ah Guddi loo xil-saaray Ammaanka iyo La-dagaalanka arrimaha la-dagaallanka argagixisada, ayaa shir ay shalay ku yeesheen Nairobi waxay amar ku bixiyeen in la xayiro xisaabaadka Xawaaladaha iyo Shaqsiyaad magac ku leh Kenya oo ay ku jiraan culimo caan ah.

Sidoo kale, Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Joseph Ole Nkaissery, ayaa ku tilmaamay xayiraadda la saaray Shaqsiyaadka iyo Xawaaladaha inay yihiin kuwo taageera Al-Shabaab, inkastoo aan magacyadooda la shaacin. Wararka ayaa sheegaya in liiska dadka ay ku jiraan Culimo magac ku leh Soomaaliya, waxaanay arrintani ay saameyn xooggan ku yeelaneysaa dadka Soomaaliyeed ee dalka Kenya ku nool, kuwaasoo lacago dibedda looga soo diro.

Dhinaca kale, Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cumar Cabdirashiid Cali, ayaa war ay si wada-jir ah u soo saareen waxay kaga digeen in la xidho Xawaaladaha Soomaalida ee Kenya, iyagoo ka hadlay muhiimadda ay Xawaaladuhu u leeyihihiin Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxda Soomaaliya, ayaa sheegay in haddii la xidho Xawaaladaha ay dhibaato ku noqoneyso nabadda iyo dib-u-dhiska guud ee Soomaaliya. “Si Arrintan looga hortago, dawladda Soomaaliya waxay ka shaqaynaysay in la nidaamiyo habka loo maamulo Xawaaladaha Soomaalida lacagaha ka yimaadda si ay ugu dhacaan gacantii loo baahnaa lacagahaasi Bangiga Dhexe ee dalka oo hadda shaqeynaya kasoo leh Khubaro arrimahaas ku xeel-dheer si loo sameeyo wada-shaqayn ay yeeshaan Bangiga dhexe ee Soomaaliya iyo kuwa caalamka.” Sidaa waxa yidhi Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Daa’uud Aweys oo Saxaafadda shalay u akhriyey qoraal ka soo baxay Madaxtooyada dalkaas.

Qoraalka wada-jirka ah ee Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha Soomaaliya ka soo saareen xayiraadda Xawaaladaha Soomaalida ee ay caalamka u kala direen oo Luuqadda Ingiriiska ku qornaa, ayaa lagu sheegay in haddii ay sii socoto arrintan ay caqabad ku keeni karto dhaqaalaha iyo dedaalka dawladda dalkaasi dib ugu soo celinayso nabadda, maaddaama lacagaha dibedda dadka Soomaaliyeed kasoo diraan ay ku tiirsan yihiin dawladda Soomaaliya iyo Shacabka intooda badan, waxaanay ku dalbadeen inaan la xayirin Xawaaladaha Soomaalida meel kasta oo ay dunida kaga yaallaan, lana joojin wada-shaqaynta Baananka dunida iyo Xawaaladaha ka dhaxaysa.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories