HomeKenya Oo Wacad Ku Martay Inaanay Ciidankeeda Kala Baxayn Soomaaliya

Kenya Oo Wacad Ku Martay Inaanay Ciidankeeda Kala Baxayn Soomaaliya

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Nairobi, (SLP)- Xukuumadda Kenya ayaa sheegtay inaanay marnaba kala baxayn ciidamadeeda qaybta ka ah AMISOM gudaha dalka Soomaaliya, ka dib markii ay Al-shabaab dhawaan ka dalbatay inay Kenya ciidamadeeda kala baxdo dalkaas.

Madaxweyne ku-xigeenka Kenya, William Ruto ayaa sheegay in ciidankooda ku sugan Soomaaliya ay la dagaalamayaan argagixisada khatarta ku ah amniga Kenya.Former Kenyan Cabinet Minister Ruto stands inside his house after hearing the news from the International Criminal Court, in Nairobi

“Argagixisadu waxay naga dalbadeen inaanu ciidamadayada kala baxno Soomaaliya, si ay qayb dhulkayaga ka mid ah u qabsadaan. annagu waxaanu usheegaynaa inaanaan ciidamadayada la bixi doonin, waxaananu sidoo kale la yaabannahay madaxda u hadlay sidii ay u hadashay argigaxisada oo kale.” ayuu yidhi Ruto oo ku sugan deegaanka Kakamega ee galbeedka Kenya.

Ruto oo sii wata hadalkiisa ayaa waxa uu intaas ku daray. “Marna uma ogolaanayno in argigaxisadu inay xitaa taako ka mid ah dhulkyaga qabsato. Waxaanan ugu baaqayaa shacabka Kenya inay ka qayb qaataan sugidda amniga.”

Sidoo kale, madaxweyne ku-xigeenka Kenya ayaa sheegay in argigaxisadu aanay ka guulaysan doonin , waxaanu intaas ku daray in la joogo xilligii ay la dagaalami lahaayeen Al-shabaab.

“Waa mas’uuliyad wadarreed in shacabka Kenya ay kawada qayb qaataan xoojinta amniga guud ee Kenya. Waa inaynu joojinno ciyaaraha oo aynu ka wada qayb qaadanno wax ka qabashada caqabadda ammaan ee dalkeenna ka jira,” ayuu hadalkiisa ku daray Ruto.

Ruto wuxuu hadalkiisa ku daray in shacabka Kenya ay isticmaalaan qalab kasta oo ay soo celinta amniga guud ee Kenya kaga qayb qaadan karaan. Isagoo xusay in xukuumaddu ay qalab iyo gaadiid ku bixinayso sidii loo sugi lahaa amniga guud ee Kenya.

Hadalka madaxweyne ku-xigeenka Kenya ayaa kusoo beegmaya, iyadoo ay dhawaan Al-shabaab iyo isbahaysiga mucaaradka ah ee Kenya ODM ay ka dalbadeen xukuumadda Kenya inay ciidamadeeda kala baxaan Soomaaliya.

 

Somalilandpost.net

Hargeisa Office

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories