HomeCiidamadda Kenya Oo Sheekh Soomaali Ah U Xidhay Weerarkii Jaamacadda Gaarissa

Ciidamadda Kenya Oo Sheekh Soomaali Ah U Xidhay Weerarkii Jaamacadda Gaarissa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Sheekh_Maxamed_Mahad_XasaanNairobi, (SLP)- Ciidamada ka hortaga argagixisad ee dalka Kenya ayaa sheekh Soomaali Kenyan ah ku eedeeyay inuu ka mid ahaa xubnihii dhanka dhaqaalaha ku taageerayay kooxihii ka tirsanaa Al-shabaab ee weeraray horaantii bishan April Jaamacadda Gaarisa, halkaasoo lagu dilay 148-qof.

Ciidamada la dagaalanka aragagaxisada ee Kenya (ATPU) ayaa todobaadkii hore amar ku bixiyay in la xidho Sheekh Xasan Mahad Cumar oo loo yaqaan Xasaan, kaasoo la xidhay Jimcihii lasoo dhaafay.

Sidoo kale, saraakiisha booliska ayaa xusay in Sh. Xasaan u xidhiidh aad u dhow la leeyahay Sh. Maxamed Kano oo loo yaqaan Dul-yaddeyn oo ay ku eedeysay xukuumadda Kenya in uu ahaa maskaxdii ka dambaysay weerarkii lagu qaaday Jaamacadda Gaarisa.

Weli maxkamad lama horkeenin Sh. Xasaan iyo qof kale oo maanta ay xabsiga dhigeen ciidamada amniga Kenya, kaasoo lagu magacaabo, Cali Xasan Guure oo ku eedeysan inuu ka mid yahay xubnaha dhaqaalaha ku taageeray xoogaggii Gaarisa weeraray.

“Xasaan iyo Guure waa labada qof ee la rumaysan yahay inay ku taageeraan dhaqaale ar-gagaxisada Kenya soo weerara,” ayuu yidhi dacwad-oogaha Kenya oo maanta la hadlayay warbaahinta Kenya.

Booliska ayaa intaas ku daray in wadaadka Soomaaliyeed laga soo qabtay gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Islii [Eastleigh] ee Nairobi, halka Guure isna maanta laga soo qabtay xarun ganacsi oo ku taalla Nairobi, iyadoo sidoo kale ay Kenya ku eedeysay 86-qof oo Soomaali u badan inay taageeraan Al-shabaab, balse weli lama horkeenin wax maxkamad ah.

Waraaqo ay ATPU-da Kenya u gudbisay maxkamadda ayaa lagu sheegay in Sheekha iyo qofka kale ee lala xidhay ee lagu magacaabo Guure ay xidhiidh dhaw la leeyihiin xoogagga Al-shabaab ee ku sugan gudaha Kenya.

“Waxaanu rumaysannahay in Sheekh Cumar uu mas’uul ka yahay dhallinta Kenyanka ah ee gudaha Kenya laga qoro Al-shabaab. Laguna hayo dembi kale oo ah inuu guriga ku haystay laba bam-gacmeed. Balse Guure waxaanu rumeysanahay inuu isna lug weyn ku leeyahay qoridda Kenyaanka ku biira Al-shabaab,” ayuu dacwad-ooguhu ku sheegay qoraalka uu maxkamadda u gudbiyay.

Maaha markii ugu horreysay ee ciidanka Kenya ay ku eedeeyaan Sheekh Xasaan inuu xidhiidh la leeyahay kooxda Al-shabaab, waxayna u xidheen hore isaga iyo xaaskiisa Fardawsa Maxamed.

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories