HomeKenya Oo Sharci Darro Ku Tilmaantay Dacwadda Dhinaca Badda ee Soomaaliya Ka...

Kenya Oo Sharci Darro Ku Tilmaantay Dacwadda Dhinaca Badda ee Soomaaliya Ka Gudbisay

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Nairobi(SLpost) – Dawladda Kenya ayaa baadil ku tilmaantay dacwadda Somalia u gudbisay Maxakamadda caalamiga ah ee caddaaladda (ICJ, taas oo ku saabsan ka garnaqida muranka xuduuda badda ee Somalia iyo Kenya u dhexeeya.

 

Kenya ayaa diidmadeeda hor dhaca ah u gudbisay Maxakamadda August, 28, 2014, iyadoo ku doodaysa inay abaal badan u gashay Somalia, sidaas darteedna aanay Somalia uga fadhiyin inay Maxakamad la tiigsato.

 

“Ciidamada Kenya waxay la dagaalameen Alshabaab. Muwaadiniinta Kenya waa dhibanayaasha weerarada Argagixisada. Sidoo kale Kenya waxay marti galisay 25 sannadood in ka badan Milyan badhkii(Half million Refugee) oo qaxoonti Soomaaliyeed ah. Ugu yaraan Kenya waxay ka rajaynaysaa  Soomaaliya  in ay ku cisayn doonto heshiis ay labada dal galeen,” ayaa lagu yidhi bayaanka xeer ilaaliyaha  Kenya.

 

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “  Dacwadan maxakamdda  horteeda way ku adag tahay, wayna caddahay inay ka soo horjeedo heshiiskii 2009-kii. Kiiskan Somalia waa Baadil(mid aan ansax ahayn), Kenya way ku kalsoon tahay in Maxakamaddu raaci doonto soo gudbinta Kenya. Waxaa waajib ah in labada dawladood helaan xal ku dhisan heshiis saaxiibtinimo, si waafaqsan sharciga Caalamiga ah. Waxa waajib ku ah inay sidaas sameeyaan,” ayaa lagu yidhi dooda Kenya.

 

Dowladda Somalia ayaa waxay dacwad ka dhan ah Kenya oo la xidhiidha muranka xuduud-badeedda ee labada waddan u dhexeeya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.

 

Xeer-ilaaliyaha guud ee dowladda Kenya, Githu Muigai ayaa xusay in dowladaha Somalia iyo Kenya ay horay u wada-saxiixdeen heshiis dhinaca badda ah; balse aanay meesha ku jirin in murankaas maxkamad la geeyo.

 

Sidoo kale, Muigai ayaa intaas ku daray in dacwaddaas la geeyay ICJ ay ka hor-imaanayso heshiiskii labada dal ay kala saxiixdeen sannadkii 2009-kii; isagoo xusay in hadda Somalia aanay u habboonayn in dacwad noocas oo kale ah ay geyso maxkamada caddaaladda dunida.

 

Dawladda Somalia ayaa marar badan ku celisay inaanay aqbali doonin wada hadal arrintan lagu xalliyo maadaama hore loogu guul daraystay, waxaanay ku adkaysanayaan in maxakamadda caalamiga ahi ka garnaqdo arrintan.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories