HomeKenya oo Qunsuliyad ka furanaysa Somaliland iyo Bilowga duulimaadyada Kenya Airways ee...

Kenya oo Qunsuliyad ka furanaysa Somaliland iyo Bilowga duulimaadyada Kenya Airways ee Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Dowladda Kenya ayaa horaanta sannadka soo socda qunsuliyad ka furanaysa magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, halka sidoo kale kor loo qaadi doono meeqaamka xafiiska dibloomasiyadeed ee Somaliland ku leedahay Nairobi.

War-murtiyeed ay si wada-jir ah u soo saareen madaxweynayaasha Somaliland iyo Kenya oo shalay ku kulmay magaalada Nairobi, waxa ay kala saxeexdeen heshiisyo laba geesood ah oo lagu xoojinayo xidhiidhada dhinacyada ganacsiga, siyaasadda, horumarka iyo iskaashiga adeegyada wax-qabad iyo isdhex-galka shacabka labada waddan.

blankDowladda Kenya waxa ay dhammaadka bisha March ee sannadka dambe qunsuliyad ka furanaysaa magaalada Hargeysa, iyadoo isla wakhtigaas kor loo qaadi doono meeqaamka xafiiska dibloomaasiyadeed ee Somaliland ku leedahay Nairobi.

Marka laga yimaaddo xoojinta xidhiidhka dhinaca dibloomaasiyadda labada waddan, shirkadaha diyaaradaha ee Kenya Airways iyo shirkadaha diyaaradaha ee dalka Kenya, ayaa isla wakhtigaas bilaabi doono duulimaadyo ay isaga gooshayaan magaalooyinka Hargeysa iyo Nairobi, sida ku xusan war-murtiyeed laga soo saaray heshiis dhexmaray labada madaxweyne.

blankSidoo kale, dalalka Kenya iyo Somaliland ayaa iska kaashan doona arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin horumarinta Beeraha, Kalluumaysiga iyo ammaanka mandaqadda Geeska Afrika. Waxa kale oo heshiiska ku xusan sidii ay isu kaashan lahaayeen, wada-shaqaynna u wada-yeelan lahaayeen Dekedaha Mombasa iyo Berbera oo labadooduba halbowle u ah marinnada ganacsi ee dalalka Bariga Afrika.

Heshiiskan ayaa noqonaya kii ugu ballaadhnaa ee dhexmara Somaliland iyo waddamada qaaradda Afrika, gaar ahaan Bariga Afrika. Kenya ayaa ah waddanka ugu Dhaqaalaha badan Bariga iyo Badhtamaha qaaradda Afrika.

Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa Axaddii Toddobaadkan safar muddo saddex cisho ah qaatay ku tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu kula kulmay madaxweynaha dalkaas Uhurru Kenyatta oo marti-qaad rasmi ah u soo diray, waxaanay labada dowladood halkaas ku kala saxeexdeen heshiis labada geesood ah oo lagu xoojinayo xidhiidhka labada waddan.

Madaxweyne Biixi iyo weftigiisa, ayaa gelinkii dambe ee maanta dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana weftiga madaxweyaha si ballaadhan u soo dhaweeyey shacabka Caasimadda Hargeysa.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories