HomeKenya oo Maanta Xustay Maalinta Geesiyaasha

Kenya oo Maanta Xustay Maalinta Geesiyaasha

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Nairobi(SLpost)-Guud ahaan waddanka Kenya, ayaa maanta waxaa looga dabaal-dagay Munaasabada 20 October oo ku beegan maalinta geesiyaasha Kenya oo Afka- Swahiliga lagu dhaho “Mashujaa” ahna Heroes’ Day ama maalinta la xuso hal-gamayaashii Kenya u horseeday xorriyaddeeda.

 

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa dad weyne fara badan oo ka qeyb-galaaya dabaal-dagga munaasabaddaan kula hadlay garoonka kubada cagta lagu ciyaaro ee Nyayo Stadium oo ku yaalla magaalada Nairobi.

 

Wuxuuna shacabka Keenyaanka ah u rajeeyay horumar, isagoo ugu baaqay inay iska kaashaadaan wax kasto oo dhibaato u keeni kara dalkooda.

 

Dhanka kale  isku-duwaha gobolka Nairobi oo lagu magacaabo Njoroge Ndirangu, ayaa sheegay in ammaanka magaalada Nairobi kor loo qaaday, feejignaan sarana la galiyay ciidamada Maanta oo fasax guud (Public Holiday) ka ah dalka Kenya, waxaa lagu xasuustaa dadkii madax-bannaanida Kenya horseedka u ahaa oo ay ka mid ahaayeen dhaq-dhaqaaqii Mau Mau iyo hogaamiyaashii loo yaqaanay (Kapenguria Six) ama lixda Kapenguria oo loogu magac daray Xabsigii lagu xidhay oo ku yaalla magaalada Kapenguria ee  deegaanka West Pokot, Kenya xiligii ay ku jireen halgankoodii gobanimo doonka ahaa.

 

Lixdaas shaqsi oo uu ka mid ahaa Madaxweynihii hore ee dalka Kenya, Jomo Kenyatta oo dhalay Madaxweynaha hadda hogaamiya waddanka Kenya, ayaa waxey ka mid ahaayeen shaqsiyaadka Kenya looga qadariyo iney ahaayeen geesiyaashii qaarkood loo-dilay kuwa kalana ay xabsiyo u galeen sidii ay waddankooda uga xorreyn lahaayeen gumeystayaashii Ingiriiska ee ku soo duulay.

Munaasabada 20 October ayaa dhanka kale waxey ku beegan tahay maalintii xabsiga laga sii daayay madaxweynihii horee Kenya, Jomo Kenyatta. Waxaana horay loogu yaqaanay Kenyatta Day balse waxaa markii danbe lagu badalay “Mashujaa day” oo ah maalinta geesiyaasha.

 

Kenya oo hadda xaga horumarka safka hore kaga jirto wadamada ku yaallo bariga qaarada Africa, ayaa xornimadeedii ka qaadatay wadanka Britain 12, December, 1963. Waxeyna si buuxdo dadka Kenyan-ka ah ay ula wareegeen maamulka dalkooda sannad kaddib 12-ka, December, 1964.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories