HomeKenya Oo Dalkeeda Ka Mastaafurisay 30 Ajaanib Ah Oo Lagu Eedeeyay Dembiyo...

Kenya Oo Dalkeeda Ka Mastaafurisay 30 Ajaanib Ah Oo Lagu Eedeeyay Dembiyo Kala Duwan

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Kenya_oo_Musaafurisay_93-qofNairobi, (SLP)- Dwladda Kenya ayaa dalkeeda ka tarxiishay in ka badan 30-qof oo Ajinabi ah, kuwaasoo ay ku eedaysay inay ku lug lahaayeen falal dambiyeedyo ka dhacay dalkeeda.

Ajaanibka la tarxiilay oo u kala dhashay illaa todobo dal ayaa dawladda Kenya waxay ku sheegtay mustaafurintooda inay qayb ka tahay dagaalka ay kula jirto Argagaxisada, iyadoo sidoo kalena ku eedeysay dadkaasi ku lugm lahaanshaha ganacsiyo sharci-daro ahaa oo ay ka mid ahaayeen, ka ganacsiga daroogada, foolasha-maroodiga, filimada anshax-xumada ah, tahriibinta iyo samaynta musuq-maasuq.

Dadka la tarxiilay oo tiradoodu ay gaadhayso 30 qof, ayaa waxa kamid ahaa 9, qof oo u dhashay waddanka Nigeria, Lix u dhalatay dalka Guinea, Saddex Itoobiyaan ah, Saddex Jarmal ah, Laba Shiinays ah, Laba Tanzania iyo weliba qof Ukraine ah.

Ajaanibkaas la tarxiilay sidoo kale waxaa ku jiray kuwo bishii June ee sanadkii 2013-kii laga mastaafuriyay Kenya balse dib ugu soo noqday.

Dawladda Kenya oo caddeysay dembiyada dadkaasi ay galeen, ayaa sheegtay in Sagaalka qof ee u dhashay waddanka Nigeria ay badankoodu ahaayeen kuwo ka ganacsanayeen Daroogada nooca loo yaqaano (Heroin), waxaana ku jiray dadkaas nin lagu magacaabo Joe Oladimeji Ojo, oo dawladda Kenya ay ku sheegtay inuu isku magacaabay guddoomiye gobolleedka ururka dadka Nigeria ee Kenya jooga.

Saddexda qof ee u dhalatay dalka Guinea ayaa laba ka mid ah oo magacyadooda lagu kala sheegay, Nfaly Doukoure iyo Cherif Amara waxaa la xidhay bishii lasoo dhaafay, iyagoo lagu eedeeyay ganacsi sharci-daro ah oo la xidhiidha fool-maroodiga. Waxaana sidoo kale la sheegay inay la shaqaynayeen kooxo si sharci-daro ah uga ugaadhsada Kenya Foolasha Maroodiga iyo Wiyisha.

Sidoo kale Mohammed Fofana oo isaguna u dhashay isla dalka Guinea, ayaa lagu sheegay inuu yahay Ganacsade caan ah oo ka macaasho dhanka Mukhaadaraadka.

Saddexda qof ee u dhalatay  waddanka Itoobiya ee Kenya laga tarxiilay, ayaa waxaa kamid ah laba dumar ah oo lagu kala magacaabaa Sara Hassan Ali iyo Askale Lebendo Lodebo. Waxaana labadoodaba lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen tahriibin sharci darrado ah oo ilaa 50 qof oo Itoobiyaan ah lagaga tahriibiyay waddanka Kenya iyagoo la gaynayay dalka Koonfur Afrika.

Sebastyian Kryvskky oo u dhashay Waddanka Ukrain oo la sheegay inuu daganaa Kenya 13-kii sano ee la soo dhaafay, ayaa lagu eedeyay inuu ku hawlanaa Musuq-maasuqida Miishinada lacagaha lagula baxo ee loo yaqaano ATM-ka iyo weliba  tahriibinta hubka iyo daroogada halka Peter Petrausch oo isna u dhashay waddanka Jarmalka, la sheegay inuu ku hawlanaa duubista Filimaan xun xun oo anshax daro ah iyo ka ganacsiga daroogada.

Kenya ayaa ku sheegtay dadka ay mustaafurisay inay qayb ka ahaayeen falal dambiyeedyo ka dhacay dalkeeda, waxayna sidoo kale ku goodisay inay waddankeeda ka tarxiili doonto cid kastoo damacda inay Kenya ku dhex samayso dembiyadaas oo kale.

 

Somalilandpost

Hargeisa Office

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories