HomeKenya: Nin Dhowaan shaaciyey inuu Jecel yahay Curadda uu dhalay Madaxweyne Obama...

Kenya: Nin Dhowaan shaaciyey inuu Jecel yahay Curadda uu dhalay Madaxweyne Obama oo Diinta Islaamka Qaatay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Nairobi (SLpost)- Nin dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Kenya, horaantii bishii May ee sannadkan-na shaaca ka qaaday inuu Jecel yahay Inanta Curad ee madaxweynaha Maraykanku dhalay, Malia Obama, ayaa sheegay inuu qaatay Diinta Islaamka.

Felix Kiprono Mategei oo ah Qareen ka hawl-gala Maxkamadaha Kenya, gaar ahaan Nairobi, ayaa magaciisu si weyn u galay warbaahinta Caalamka laba bilood ka hor kaddib markii uu shaaciyey inuu jecel yahay sidii uu u guursan lahaa Malia Obama, isagoo sheegay inuu ka bixinayo gabbaati iyo Yarad ka kooban 50 Sac, 70 Neef oo Ido ah iyo 30 neef oo Riyo ah, adduunkaas oo marka lacag loo beddelo u dhigma in dhow $100,000 (Boqol Kun oo Dollar).

MatageiWaxa uu sheegay inuu ka tagay aaminsanaanta Diinta Kiristaanka oo uu markii hore haystay, kaddib markii haweenay macalimad ahi ku qancisay isla markaana barta Diinta Islaamka dabayaaqada sannadkii 2012-dii.

“Waxaan Diinta Islaamka ku qaatay Masjid Jaamica Nairobi 2012-dii markii ay ii soo bandhigay haweenay aanu meel ka wada-shaqayno, ilaa wakhtigaasna waxaan ahaa Muslim,” Sidaas waxa warbaahinta Citizen Digital u sheegay Felix oo hadda magaca iska beddelay, lagu magacaabo Cadnaan, isagoo intaas ku daray, “Haweenaydu waxay ahayd mid qalbi fiican, waxaanay ku guulaysatay inay igu qanciso Diinta Islaamka,”

Cadnaan waxa uu sheegay inay muddo saddex sanno ah ku qaaday barashada Diinta Islaamka, ilaa wakhtigaasna aanu si rasmi ah u soo bandhigin inuu qaatay Diinta Islaamka.

“Ilaa 2012-kii waxaan baranayey Diinta, manaan doonayn inaan ka hadlo ama soo bandhigo go’aanka aan ku qaatay diinta Islaamka ilaa aan dhammaysto barashadeeda. Immika oo ay waxbrashada iiga hadhsan tahay saddex bilood, waxaan go’aansaday inaan shaaciyo Caqiidayda Runta ah,” ayuu yidhi Cadnaan.

Cadnaan oo warbaahinta Citizen Digital u warramayey Dorraad, ayaa mar la weydiiyey inuu sooman yahay Bisha Ramadan, waxa uu sheegay inuu sooman yahay isla markaana uu ku guda-jiro barashada Qu’aanka Kariimka ah.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories