HomeKENYA: Macallimiintii ka Cararay Waqooyi Bari Kenya oo ka Hawl-galay Deegaanka Kilifi

KENYA: Macallimiintii ka Cararay Waqooyi Bari Kenya oo ka Hawl-galay Deegaanka Kilifi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Kilifi_Map_660Kenya (SLpost)- Toddobaatan ka mid ah macalimiintii wax ka dhigi jiray dugsiyada hoose iyo kuwa sare ee gobalka waqooyi bari dalka Kenya, ayaa u wareegay xarumo waxbarasho oo ku yaalla deegaanada ismaamulka Kilifi ee gobalka xeebta Kenya.

Macalimiintan oo markii hore Sannadkii aynu soo Dhaafnay ka Cararay Dhibaatooyin ay sheegeen iney kala kulmeen gobalka North Eastern Kenya, ayaa markii dambe diiday iney dib ugu soo noqdaan gobalkaas kadib markii 2-dii bishii April ee sanadkaan ay Al Shabaab weerar ku qaadeen Jaamacada magaalada Gaarisa oo ay ku dhinteen 147 arday.

Saraakiil ka tirsan Laamaha Waxbarashada Dalka Kenya, ayaa sheegay in Macalimiintu ay shaqadoodii dib uga balaabeen Kilifi, waxeyna intaas ku dareen in bilowgii xilligan ayna qeyb ka aheyn barayaashaas mudaharaadyada iyo muranka macalimiintu ay ku dalbanayaan in mushaarkooda loo kordhiyo.

Sarkaal sare oo Guddiga Adeega Macalimiinta Kenya ee (TSC) u qaabilsan gobalka Kilifi oo lagu magacaabo David Ogutu, ayaa Warbaahinta u Xaqiijiyay in illaa 70 ka mid ah Macallimiintii Iskoolada dowlada ee gobalka Waqooyi bari ay hada ka howl-galaan deegaanada Kilifi.

“Toddobaatankan macallin, 30 ka mid ah waa macallimiinta dugsiga sare halka inta kalana ay yihiin Macalimiinta Dugsiyada Hoose iyo kuwa dhexe,” ayuu yiri David Ogutu oo ka hadlay Munaasabad lagu Qiimeynayay waxbarashada Gobalkaas oo dhawaan ka dhacday deegaanka Makuti Villa ee magaalada Kilifi.

Dhanka kale, Bilihii November iyo December ee sanadkii aynu soo dhafnay iyo bilowgii sanadkaan, ayaa weeraro masuuliyadooda ay sheegteen Al Shabaab oo ka dhacay qeybo kamid ah gobalka Waqooyi Bari Kenya oo qaarkood lagu laayay Barayaal, ayaa waxey sababeen in ilaa Kun Macallin ay ka carareen gobalkaas kadib markii ay sheegeen in naftooda aysan ku aamin karin.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories