HomeKENYA: Dugsiyadii Oo Maanta Dib Loo Furay Iyo Macalimiintii Oo Shaqadii Bilaabay

KENYA: Dugsiyadii Oo Maanta Dib Loo Furay Iyo Macalimiintii Oo Shaqadii Bilaabay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 

Nairobi(SLpost) — Maanta oo Isniin ah, ayaa waxaa dib uga furmaaya guud ahaan waddanka Kenya waxbarashadii dugsiyada dawladda oo muddo shan toddobaad ah xidhnaa kaddib markii macallimiinta ay joojiyeen  horaantii bishii hore ee September inay wax baraan ardayda, isla markaasna ay dalbadeen in Mushaharka loo kordhiyo.

Waxaana labadii maalmood ee ugu dambeysay soo baxaayay cadho badan oo macallimiintu ay ka muujinayaa joojinta mudaharaadkii ay ku jireen, waxeyna sheegeen in rajadii ay ka qabeen in mushaharkooda loo kordhiyo boqolkiiba 50 ama 60 ay wali tahay mid ayna  hubin fulinteeda.

Macalimiinta, ayaa sidoo kale waxay walaac ka muujiyeen amarka guddiyada Barayaashu ay ku mideysan yihiin ee kala ah; Midowga Macalimiinta Qaranka Kenya ee (KNUT) iyo Ururka Midowga Macalimiinta Dugsiyada Sare ee Kenya [KUPPET] oo ay sheegeen in markii hore ay Mudaharaadka galiyeen kadibna ay ku amreen inay shaqada dib ugu noqdaan ayaga oo aan waxba u sheegin.

Barayaasha qaarkood, ayaa ku tilmaamay shaqo joojintii ay galeen inay ahayd mid wakhtiga looga lumiyay, waxayna ku hanjabeen in ayna mar dambe bixin doonin lacagta tabarucaadka ah ee ururka macalimiinta ay siiyaan, sidoo kalana ayna u hogaansami doonin amaradooda, isla markaasna ayna mar dambe ka qayb qaadan doonin mudaharaadyo loogu yeedho.

Sababta ay markii hore u galeen mudaharaadka ayey ku sheegeen iney aheyd in loo kordhiyo Mushaharka, balse ayna haynin wali wax isbadal ah oo ku saabsan dalabkoodii.

Dib u furista Iskuulada, ayaa ka dambeysay amar dhawaan ka soo baxay maxkamadda racfaanka Kenya oo ku amartay macallimiintu inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo afjaraan shaqo joojintoodii, ayna dib ugu noqdaan Iskuulada. Waxaana sidoo kale maxkamadu ay mudo 90 cisho ah u qabatay Gudiga Adeegga Macallimiinta ee (TSC) iyo dowlada Kenya iney ku xaliyaan muranka Barayaasha.

Dhanka kale, Golaha Qaranka ee Imtixaanaadka Kenya ee magaciisa loo soo gaabiyo (KNEC) Kenya National Examinations Council, ayaa shalay cadeeyay in aanan dib loo dhigi doonin wakhtiga imtixaanaadka la qaadi doono, waxayna sheegeen in xilligii loogu tala-galay ay dhici doonaan Imtixaanaadkaas.

Guud ahaan ardayda wax ka barata Iskuulada dawladdu ay maamusho ee ku yaalla wadanka Kenya, ayaan waxbarasho helin muddo shan todobaad ah laga soo bilaabo horaantii bishii aynu soo dhaafnay ee September, xilligaasoo Macalimiinta Kenya ay bilaabeen mudaharaadyo ay ku dalbanayeen in mushaarka loo kordhiyo.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories