HomeKelmad Waxyigu ku Bilaabmay oo Ku Fadhida Il-baxnimada iyo Xaddaarada Ummadda Islaamka

Kelmad Waxyigu ku Bilaabmay oo Ku Fadhida Il-baxnimada iyo Xaddaarada Ummadda Islaamka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Quranku waa mucjisada ugu wayn ee u Ilaahay soo dejiyay, kuna so dejiyay Nebigiisa (NNKHA), uguna layaabka badan inta u bina’aadamku jiray. Waxa u Quraanku beddelay jaahilnimadii ay ku dhaqmi jireen dadkii waga jiray oo jaahilnimadu meel xun ka maraysay, waxaannu 10 sannadood gudahood sameeyay xadaarad layaab.

 

Haddaba, mucjisada sirta ku duugan waxa ay ahayd oodhaah ama kilmad kalya oo u ku bilaamay waxyigu oo aha “ wax akhri” oo noqotay astaanta kobaad ee il-baxnimada cusub laga soo bilaabayo. Mucjisadan way dhabawday oo way hormartay, marki lagu dhaqmay amarka Alle astaan laga dhigtay akhriska, waxa nay bad baaday marki akhrisku batay iyo in la raaadiyo ummadah kale wax ay ku hurmareen. Waxa la turjumay kutub ciida ka badan, waxana u Nebigu amaray in ummaddiisu ay luqadaaha kale bartaan si ay u faafiyaan diinta, cilmiga ay haystaana ka soo dheegtaan.

Xadaaradani waxa ay lahayd awood badan oo waxa ay qabsatay dhul ballaadhan. Su’asha aan iswaydiiyo waxa ay tahay; maxa kala jabiyay ummada, se maxa ka baxay meesha ?!

 

Waxyaabo badan ayaa sababay in ay baaba’do xadaradani, laakiin waxa ugu muhiimsan in laga tagay wax akhriskii, waxyaabo badan oo kale ku mashquuleen oo noqotay ummaddi wax akhrisku ummad aan waxba akhrin . Daraasado ay sameeyaan qolada horumarinta aqoontu waxa u soo baxaday marka la isku cilcilyo qof reer galbeedka ah waxa u akhriyaa 200 sacadood sannadkii, halka dadka islaamku lix daqiiqadood oo kaliyaa ay wax akhriyaan sannadki, intaasi way si yaraanaysa. Si kale haddi aan u dhigno waxa aan akhrina wax ka yar hal buug halka ay yagu akhriyaan 11 buug taas oo macnaheedu yahay labaatanki qofba ee islaami waxa ay akhriyaan hal buug sannadkii.

Dhanka kalel, Wax –soo-saarka islaamku ma dhaafo 4% marka loo eego bulshada reer galbeedka. Masiibada ugu darran ee haysata Islaamka waa in ay aqoon darrido wali taagan tahay, halka ay Jabbaan aan laga helayn qof aqoon la’aan hayso. Maxa innagu dhacay !! aan ka bilawno ilmaha yar, macnaw waxa yaraanta lagu barto ayaa ka fiican waxa lagu barto wayni, sidaa darteed aan jeclaysiino akhriska ubadkeena kohor intaannu galin wax barsho aan u akhrino buugaagta.

 

Cilmi-baadhis ay sameeyeen khubarada maskaxada waxa ay iftimiyeen in koritaanka maskaxada uu xadeeyo wax u arko ama maqlo. Toddabada sanno ee nolasha bina’aadmka u horraysa ayuu qofku kasbadaa dhaqankiisa iyo mabaadidiisaba, akhriskuna waxa u ka dhiga qofka in u hadalo cadaado, aftahan hadalkiisu xikmad ku dhisan yahayna noqd. . Wax akhrisku waxa Inagu abuuri kara kalsoonida iyo in aan fahanno waxa naga hor yimaada . Wax akhrisku waa cunnada amma rashinka la siiyo maskaxda, waa qofkoo aqoon darrada iska fogeeya, waa ballaadhinta garaadka qofka. Waxa lagu tilmaama waxyaabo u qofku naftiisa ku madadaaliyo waqtigiisan kaga faa’iidaysto, waxbarashadu waxa ay qofka ka xorraysaa cidhiidhiga dhulka.

 

Dhammaanteen waynu jecelnahay in carrurteenu ay ummada hoggaamiyaa, hormarna gaaadha, laakiin waxa naga maqan amma hilmaana in wax akhrisku yahay shayga ay hormarka ku gaadhayaan, maskaxdooduna ay ku furfurmayso, kana mid ah nolashooda horumarka ay gaadhi karto.

 

Ummadaha horumaray waxa ay siyeen aqoonta maalgelin fiican ama way maalgashadaan, halka dadyawga dib-u-dhaca ku ku yimaado lagu garto in waxbarshada iyo aqoonta ay wax yar gashadaan amma geliyaan. Qof walbaa oo taga waddamada reer Galbeedka, waxa uu arkaa meelo loo sameeyay in lagu akhristo oo si fiican loo habbeeyay, laguna talagaly dhammaan da’aha kala duwan ee dadku in ay wax ku akhriyaan, halka aan innagu ku taamno in aan kulba furano meherado ama dhisno fooqyo anfacaadkoodu yahay in lacag laga soo saaro amma caloosha lagu raalligeliyo. Waxa aan aminsanahay haddii aan ku gulaysano soo saarid jiil jecel waxbarshada, wax-akhriska waxa aan u dhiibnay furaha nolasha, maskaxdoodana waynu dhisnay, maskaxda lagu garanayo Alle (SW) sidaana waxa aan ku xaqiijin doona ayda u alle yidhiإِنَّمَا يَخْشَى اللَّهَ مِنْ عِبَادِهِ الْعُلَمَاءُ “”waxa alle ka cabsada adoomihiisa waxbartay, haddii aan doonayno in aan marka kale soo kacno oo xadaaradeeni ku noqono waa in aan ku noqonu Kalmadii u horaysay u Ilaahay Nebigiisa ku soo dajiyay oo ah “wax akhri “ waa kalmad mutaysatay in ay ugu soo horayso waxayiga. Waa kalmadii ugu horysay ee isku xidhay Rasuulka (NNKHA) samada iyo rasuulka dhulka loo soo diray ee nabigeena Muxamed ahaa.

W/Q: Ibtisam Mustafe Maxamed (Garow)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories