HomeKDQ oo la mid noqday kii Kenya 2007, Madaxweyne Kibaaki oo ka...

KDQ oo la mid noqday kii Kenya 2007, Madaxweyne Kibaaki oo ka caqli roonaaday Madaxweyne Siilaanyo iyo Shicibka JSL oo ka xarago qaatay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa la mid noqday komishinkii Dalka Kenya ee ka masuulka ahaa Doorashadii Cod boobka, Musuqmaasuq, khiyaamada, Eexda  iyo Nin Jeclaysiga ku salaysnayd ee Dalkaasi Kenya ka dhacday muddo shan sanadood laga joogo taas oo la qabtay dabayaaqadii bishii December 2007. Komishanka Doorashooyinka Kenya ee maamulayey doorashada waxay ku talaabsadeen falal sharciga ka baxsan.  Waxay qorsheeyeen, kana shaqeeyeen hab iyo hanaan ku salaysan Cadaalad darro oo lagu soo saarayo Madaxweyaha dalka Kenya, Mr. Kibaaki,laguna reebayo ama duudsiyayo Mr. Odinga oo ahaa hogaamiyaha Mucaaridka ee ay tartamayeen. Komishanka Doorshooyinka Kenya markii ay ku dhawaaqeen Natiijada Caddaalad darada ahayd ee ay yidhaahdeen Doorshadaii waxaa heley Mr. Kibaki  ayaa markiiba dalka Kenya waxaa ka bilaabmay Xasilooni daro, Dagaalo sokeeye iyo xasuuq fool xun oo Xukuummadda Kenya ka dambaysay kuwaas oo ilaa kun iyo shan boqol(1500) oo qof ay muddo dhowr wiig gudahood ah ku dhinteen, Dhimashada iyo dhaawaca oo tirabeelay ka sokow waxaa Guryahoodii ka Barakacay ilaa Todoba boqol oo kun oo qof(700, 0000).  Dhimashada, Dhaawaca iyo Barakaca dadka gaadhay waxaa dheeraa khasaare balaadhan oo ah dhinaca Maalka iyo Hantida la baabi’iyey sida bililiqo Baayacmushtar,Guryo iyo Gaadiidka la burburiyey iwm.

Khasaaraha ugu weyn ee soo gaadhay Dalka Kenya waxaa ka mid ahaa Aamin darro dadkii Kenya kaga dhacday Dawladdii iyo Komishankii Doorshada ka masuulka ahaa , sababtoo ah waxay ku tagrifaleen Awoodoodii waxaanay baabi’iyeen Magacii iyo sharaftii Waddanka iyo guud ahaan  wixii Ummadda Kenya inka badan 20 Sanno soo dhisaysay ee xagga Dimoqraadiayadda, Xuquuqal Iinsaanka, Suuqa xorta, warbaahinta iyo Saxaafadda madaxa banaan. Waxaas oo Dhibaato ah ama khasaarahaa balaadhan ee Dalka Kenya gaadhay waxaa keenay oo u sabab ah Cadaalad darradii  iyo Boobkii Codka dadweynaha iyo Dulmigii lagu sameeyey Hogaanka iyo dadka taageersanaa Xisbiyada Mucaaridka ahaa. Dalka Kenya waxaa u soo gurmaday UN waxaanay u soo direen Ergey gaar ah kaas oo loo xilsaaray inuu heshiisiiyo Tartamayaasha u tartamayey jagada Madaxweynenimada iyo taageerayaashooda.

Waxa ka dhacay Kenya waxaa lagu dhameeyey ka dib markii Madaxweyne Kibaaki iyo kooxdiisa oo dulmiga waday uu ka garaabay Caddaalad darrada dhacday isla markaana ogolaaday awood qaybsi Maamulka Kenya iyo in Mr. Odinga noqdo Ra’iisal Wasaare iyo in dib u habayn lagu sameeyo Dastuurka iyo Shuruucda dalka Kenya iwm..Waxa kale oo lagu heshiiyey in Komishanka dalka Kenya ee masuuliyadda danbiga meesha ka dhacay qaybta weyn ku lahaana laga xayuubiyo sharaftii, oo  la eryey waxaana loo saaray Guddi Baarla’maan iyo ha’ayado Caalami ah oo Baadhitaan ku sameeya.

Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland sida kii Kenya waxay sameeyeen qalad weyn oo waxay ka soo bixi waayeen balankii iyo masuuliyaddii ay qaadeen. Sida la wada og yahay KDQ waxay qawlka Ilaahay(SWT) ku dhaarteen oo ay qaateen Masuuliyadda Doorashooyinka Somaliland oo ah: Qorshaynta, Qabashada, Qiimaynta, Qirista Runta, Qaaddinimo iyo Qancinta Tartamayaasha iyo guud ahaan Ummadda Somaliland iyo Daneeyayaasha kale ee Caalamkaba. Doorshadii Golyaasha Deegaanka JSL ee 28 Nov 2012 waxay ahayd Doorasho Cadaaladda ka durugsan oo Qaabkeedu min bilow ilaa dhamaad(from A to Z) Qaldan yahay,maadaama oo Dadka Somaliland 2/3 laga duudsiyey Xaqoodii Dastuuriga ahaa ooh aba yaraatee aan doorsho iyo codayntoona loogu talo galin( waxa la qorsheeyey 1884 goobood/sanduuq oo midkiiba 525 waraaqood ku jiraan taas oo noqonaysa 989100 qof). Waxa nasiib darro kale ah in 1/3 waraaqaha codbixinta loo soo daabacay ee lagu talo galay inay codeeyaanna iyaga laftoodii la musuqmaasuqay.doorashadii iyo Codayntiiba 28 Nov 2012.

Sidaa darteed Doorshadaasi waxay Dalka Somaliland soo gaadhsiisay Qasaare aan hore uga dhicin afartii Doorsho ee ka horeeyey kuwaas oo ay ka mid yihiin Qasaare Nafeed, mid Maal, Aaamin Darro xagga Xukuummadda ah  iyo Kalsooni Darro KDQ, kala Shaki Beelaha JSL, xasilooni darro, Xaalad Abuur  iyo Sumcad xumo Somaliland xagga Caalamka ka gaadhay. Qaar ka mid ah Tartamayaasha iyo Codbixiyayaasha Somaliland ayaa bilowgiiba fashiliyey Komishankana ku qabtay faldambiyeedyo iyo Talaabooyin cadaalad darro iyo Nin jeclaysi ah, kuwaas oo ku salaysan Cunsuriyad iyo U kala-Eexasho Codbixiyayaasha iyo Tartamayaasha.iyo cadaalad daro ku saabsan habka iyo hanaanka loo qaybiyey Sanaaduuqda Goobaha Codbixinta ee Degmooyinka iyo Gobolada JSL. KDQ waxay dayaceen masuuliyadoodi waxaanay xaqdarro kula heshiiyeen uguna hiiliyeen Xukuummadda iyo Xisbiga Kulmiye oo ay ka ogolaadeen faragalin iyo ku shubasho xad dhaaf ah.

Dadka Shicibka ah ee Somaliland ayaa muujiyey dulqaad iyo Degenaansho waxaanay go’aansadeen inay nabad galyada dalkooda ilaashadaan inkasta oo la dulmiyey oo codkoodii iyo doorshadiiba la musuqmaasuaqay. Shicibka Somaliland iyaga oo tixgalinaya dhaqankooda xariirta ah ayey ka xarago qaateen lana yaabeen indho adkaanta  Komishanka Doorshooyinka, Xukuummadda JSL iyo Xisbiga Kulmiye oo dhamaantood la soo taagan Doorshadii Golyaasha Deegaanka ee 28 Nov 2012 waxay u dhacday si Xor ah oo xalaal ah Iyada oo la wada ogyahay  xaqiiqada biyo kama dhibcaanka ah oo ah oo sheegeen Salaadiinta Somaliland, Culimada Somaliland iyo Birmageyda Somaliland ee Dalka Gudihiisa joogta iyo kuwa Qurba Joogga ah iyo Goob joogayaashii Caalamiga ahaaba in Doorshadii 28 Nov 2012 aanay ahayn mid Xor iyo Xalaal ah.

Ugu Dambayntii waxaa qoraalkani caddaynayaa in Shicibka Somaliland iska garteen xaald abuurka isla markaana ka xarago qaateen KDQ Somaliland oo la mid noqday kii Kenya 2007 iyo  in Madaxweyne Kibaaki ka caqli roonaaday Madaxweyne Axmed Siilaanyo maadaama oo uu garwaaqsan waayey Cadaalad darada loo geystay shicibka Somaliland iyo inay tahay Dulmi in Xukuumadda JSL iyo Xisbiga Kulmiye Xalaashadaan Naatiijada Doorsho Xaaraan ku bilaabantay kuna dhamaatay.

 

 

Waa Mahadsan tihiin.

Axmed Naasir Xirsi Maxamed

Bristol, UK

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories