HomeKDQ oo daahfuray Qaadashada Kaadhka Codbixiyeyaasha gobollada Saaxil, Sool iyo Sanaag

KDQ oo daahfuray Qaadashada Kaadhka Codbixiyeyaasha gobollada Saaxil, Sool iyo Sanaag

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay qaadashada Kaadhadhka Codbixinta muwaadiniinta ku kala dhaqan gobollada Saaxil, Sanaag iyo Sool oo maalinta Khamiista ee toddobaadkan ka bilaabmi doonta degmooyinka gobolladaas.

Guddiga Doorashooyinka Qaranku waxa ay Isniinta maanta munaasibado tallan-taali ah oo lagu shaacinayey bilowga kaadh-qaadashada ku qabteen magaalooyinka Berbera, Ceerigaabo iyo Laascaanood, waxaana goob-joog ka ahaa xubno ka tirsan guddiga doorashooyinka, hawl-wadeennada komsihanka, masuuliyiinta heer gobol iyo degmo, saraakiisha hay’adaha ammaanka iyo Qaybaha bulshada ee saddexda gobol.

blankHawsha kaadh-qaadashada ayaa la filayaa inay saddexda gobol ee Sanaag, Saaxil iyo Sool ka bilaabmato 11-ka bisha March oo ku beegan maalinta Khamiista ee toddobaadkan, waxaana la siin doonaa muwaadiniintii aan hore isu-diiwaangelin ama kaadhadhku ka lumeen ee guddiga Doorashooyinka fursadda u siiyeen Diiwaangelinta oo dalka ka qabsoontay intii u dhaxaysay bishii November 2020-kii ilaa bishii January 2021-ka.

Sidoo kale, Hawsha Bixinta Kaadhadhka codbixinta muwaadiniintii hore isu diiwaangeliyey, ayaa bilaabmi doonta gobollada Togdheer, Maroodijeex iyo Awdal kaddib marka la soo gebo-gabeeyo hawsha Kaadh-bixinta saddexda  gobol ee Sanaag, Saaxil iyo Sool.

Dhanka kale, Guddiga Doorashooyinku waxa ay maanta shaaciyeen natiijada hordhaca ah ee Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Somaliland, iyagoo soo bandhigay tirada guud ee dadka la diiwaangeliyey, tirada ansaxday iyo tirada dadka laba jeer is-diiwaangeliyey.

Somailandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories