HomeKayse Dahir Axmed oo Si Rasmi Ah Loogu Magacaabay Tobobaraha Xulka Gobolka...

Kayse Dahir Axmed oo Si Rasmi Ah Loogu Magacaabay Tobobaraha Xulka Gobolka Gabiley

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Kooxaha heerka Koowaad ee ka Ciyaara Gobolka Gabiley ayaa dhamaantood soo dhaweeyay tababaraha cusub ee…

blank
Tabobaraha Cusub ee xulka Gabiley

Gabiley, (SLpost):-  Gudida isbortiska Gobolka Gabiley ayaa manta si rasmiya Ugu magacaabay  tobobaraha xulka uga qayb galaya tartanka, gobolada dalka jamhuuriyada Somaliland,  gobolka Gabiley Kayse Daahir Axmed oo ka mida ciyaar-tooyada iyo macalimiinta kubada cagta ugu khibrada badan gobolka Gabiley.

Tobobaraha Cusub ee Xulka Gobolka Gabiley oo aan wax ka way diinay Dareenkiisa iyo sida loogu soo xushay inuu hogaamiyo xulka gobolka Gabiley ayaa waxa uu yidhi “Marka hore waxa mahadle illahay. marlabaad waxaan halkan uga mahad celinayaa Wasiirka Wasaarada Ciyaaraha Somaliland oo dadaal badan u galay sidii xulka gobolka Gabiley loogu dari lahaa tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland, waana abaal aan si gaar ah ugu hayno wasiirkaasi, maamulka Ciyaaraha gobolka Gabiley Gaara ahaan ciyaartooyada gobolka Gabiley Dhamaantood yar iyo waynba. Waxaanan aad ugu faraxsanahay sida sharaftale ee ay ii karaameeyeen  ee ay iigu doorteen inaan hogaamiyo xulka gobolka Gabiley.  Waxaanan ubalan qaadayaa inaan masuuliyadaa wayn ee la ii xilsaaray uga soo bixi doono sida ugu fiican ee soo cilnaysa sumcadii ay lahaan jirtay kubada Gobolku iyo kaalintii ay ku lahaan jirtay  ciyaaraha gobolada Somaliland.”

Dhinaca kale mar aanu wax ka waydiinay khibrada u leeyahay habka hogaaminta ciyaaraha waxa uu ku jawaabay “Aniga shaqsi ahaantayda dhamaan ciyaartoyada Gabiley iyo inta daawata kubada cagtuba way ka dharagsan yihiin taariikhdayda kubadeed iyo tababarenimoba mana aha maanta inaan is baraayo ee way ka dharagsanyihiin khibrada aan u leeyahay kubada cagta. waxanan kubada cagta ku leeyahay magac iyo karaamo badan mana aamisani cid kale ayaa maanta ka garanaysa ciyaartooyada ka ciyaara Gabiley,  waayo looma baahna macalin kaliya ee waxa loo bahan yahay cid garanaysa ciyaartoyga khibrada leh ee safan karta isla markaana soo hoyn kara guul ay guud ahaan Somaliland iyo gobolka Gabiley ee ay u safanayaanba ku faanaan. Waxaanan ku dadaali doonaa inaanan waxba ka hagran khibradayda dhinaca ciyaaraha, inta ka horaysana waxaan u bilaabi doonaa casharadii iyo tababarkii ay u baahnaayeen, anigoo la kaashan doona maamulka Ciyaaraha ee heer gobolka ee gobolka Gabiley.

Wakhti xaadirkan  waxa loo bahanyahay qof ku soo dhex jiray ciyaaraha kala garanayana ciyaartooyada ka ciyaara gobolkiisa, anigu waxaan Ahaa hogaamiyihii kooxdii ku ciyaaraysay magaca degmada Gabiley wareegii dagmooyinka Ee  2006kii lagu qabtay casimada Hargaysa.

Kooxaha heerka Koowaad ee ka Ciyaara Gobolka Gabiley ayaa dhamaantood soo dhaweeyay tababaraha cusub ee loo magacaabay xulka ku ciyaari doona magaca Gobolka Gabiley, iyakoo dhamaantood tilmaamay inuu yahay qofkii ugu haboonaa ee kala garanayay ciyaartoyada heerka koowaad kuwa ugu fiican ee la safi karo iyo isagoo ay xuseen inuu hore guulo faro badan ugasoo hoyay mar uu ahaa hogaamiyii kooxdii ku ciyaaraysay magaca Degmada Gabiley tartankii degmooyinka Gobolka Maroodi Jeex.

C/raxmaan Jamac Muuse (dhaylo-aad), C/rasaaq Maxamed Sufi, Yaxye,  Ridwaan Maxmed Cali (ridwaan ilig), yahye Jimcaale, Cumar Cali Maxamed(deco), Rooble Farax Cismaan, Mustafe Ismaciil Cilmi, Siciid Saleebaan, iyo Sharmake Saleebaan Faarax (ilko-dahable) oo dhamaantood ka kala tirsan kooxaha heerka koowaad ee magaalada Gabiley  ayaa waxay si wada jira u sheegeen inay aad ugu farax sanyihiin tobobaraha cusub sidoo kale waxay carababeen in wakhti xadirkan ay guul gadhi doonaan madama bay yidhaahdeen waxa u leeyahay ciyaaraha khibrad saa-ida  si niyad sana waanu U dhawaynaynaa tobobaraha

Tobobarahan cusub ee loo soo doortay inuu hogaamiyo xulka gobolka Gabiley ayaa ah mid wakhti badan kuso jiray ciyaaraha waxaanu ka mid ahaa Ardayda ka qalin jabisay jaamacada hargeisa gaar ahaan political Economics ka, in badana ka soo shaqeeyay jamacada Hargeisa iyo jamacada Berbera  gobolka saxil wakhti xaadirkana  ku  sugan magaalada Gabiley.

 C/rasaaq Axmed Hayaan (ilkacase)

Gabiley Somaliland. 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories