HomeKANSAS: Shirweyne Aayo-ka-tashi oo lagu go’aamiyey Qodobbo Gun-dhig u ah Masiirka Xisbiga...

KANSAS: Shirweyne Aayo-ka-tashi oo lagu go’aamiyey Qodobbo Gun-dhig u ah Masiirka Xisbiga Kulmiye ee Woqooyiga Ameerika oo Hoggaankiisa la dhaliilay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Kansas (SLpost)- Shirweyne muddo laba maalmood ah socday oo ay isugu yimaaddeen masuuliyiinta, madaxda sar-sare iyo taageerayaasha xisbiga Waddani iyo Woqooyiga Ameerika, ayaa ku qabsoomay magaalada Kansas ee gobolka Missouri ee dalka Maraykanka.

Shirkan oo maalintii Khamiistii ka furmay magaaladaas isla markaana la soo gebo-gabeeyey maalintii Jimcaha ee shalay, waxa ka qayb-galay aqoonyahanno, culimo-awdiin, dhalinyaro iyo haween, kuwaas oo isaga kala yimi 13 gobol oo ka tirsan gobollada Dhexe ee dalka Maraykanka, ayaa laga soo saaray qodobbo muhiim u ah dar-dar gelinta dhismaha xisbiga iyo geedi-socodka nidaamka dawladnimo ee Somaliland.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Xisbiga KULMIYE ee Woqooyiga Ameerika, Eng Farxaan Axmed Maxamuud, waxa shirka laga soo saaray 7 qodob oo isugu jira hawlaha xisbiga iyo dar-dar gelinta nidaamka iyo dhismaha qaranimo ee Somaliland, kuwaas oo sal looga dhigay masiirka iyo dhismaha xisbiga ee Qaaradda Woqooyiga Ameerika gaar ahaan dalweynaha Maraykanka.

Qodobbada shirka ka soo baxay, ayaa laysku raacay in hoggaan cusub loo doorto Xisbiga Kulmiye qaybtiisa Woqooyiga Maraykanka, iyadoo hoggaanka hadda talada haya loo soo jeediyey dhaliilo isugu jira maamul-xumo, qabyaalad iyo lunsiga hanta xisbigu iska leeyahay.

Qodobbada shirka ka soo baxay ayaa lagu sheegay sidan: “Gebo-gabadii shirka waxa laysku af-gartay qodobadan soo socda:

1) In uu mudo dhafay hoganka sare ee xisbiga Kulmiye ee waqoyiga America oo uu dhammaday mudo xilodkii la doortay. Waa in sida ugu degdega badan loo qabtaa Shir Lagu doranaayo hogaan cusub.

2) In xubnaha xilka haya hadda aan mar danbe la sinin fursad ay dib ugu soo noqdaan hogganka. Sababta oo ah waxa ay ku caan baxeen mamul xumo, qabyalad cad, eex iyo qaraabo kiil, diktaatorinimo, lunsi qadhaan laga ururinayey taageerayaasha xisbiga, iyo in ay meesha ka baxday masuuliyadi loodortay.

3) Guddomiyaha Mustafi Cabdi cartan oo si cad oo badhiidh ah ugu gafay qaar ka mid ah Beelaha Somaliland ee miisaanka ku leh isla markaana ah taageerayaasha Xisbiga Kulmiye, isagoo ugu hanjabay inaanay xubno ka noqon karin xisbiga mansabyadiisa sar-sare.

4) laga bilaabo manta oo ay taariikhdu tahay 02/24/2017 in aanu so cad uga soo horjidsanay mamul ku sheega uu Mustafi Cabdi cartan. Waxa sido Kali aano aad u soo dhawynaynaa CID kasta oo ka dam qanaysa dhibatada ka tagan mamulka xisbiga Kulmiye ee waqoyiga America.

5) In aanu ka shaqynayno si xoojinta iyo wada jirka xisbinimo . Iyo mida qaranimoba

6) in sida ugu degdega badan gudi logu saro qaban qabada xaflada 18 may oo sanadka si baladhan uga dhacaysa Denver Colorado.

7) In la balaadhiyo lana joogtiyo shirka bilaha ah ee gobolada dhexee iyo badhtamaha USA ee xisbiga Kulmiye.

Masuuliyiinta Xisbiga ee Goobjoogga ka ahaa Shirka.

1) Dr Jamal Abdi Osman  Gudomiye

2) Abdirashid Abdillahi Magan G/ Ku Xogeen

3) Fawsiya Muse Hasan Xoghayaha Guud

4) Ahmed Ali Nour Obsiye Xubin

5) Mahamed Aw Gedi Ahmed Xubin

6) Yusuf Saleeban Jamac Xubin

7) Nura Diriye Xaad Xubin.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka uu saaray Afhayeenka KULMIYE ee Woqooyiga Ameerika, Eng Farxan Axmed Maxamed.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories