HomeKani waa Kaaryoonihii Keyse oo Kiro ah! - W/Q: Ceelaabe

Kani waa Kaaryoonihii Keyse oo Kiro ah! – W/Q: Ceelaabe

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Wuxuu Shaqada ku Bilaabey Xoogsi,Inkasta oo Dadka Qaarkii u Heystaan in uu waxbarashada iska diidey haddana waxa Niyad jebisey Dhaqaale la,aan baahsan oo Qoyskooda heysatey una saamixi weydey in uu waxbarasho ku hamiyo.sidii uu u shaqeysan lahaa isla markaasina xaafada ugu raadin lahaa Kabid dhaqaale iyo dheef lacageed oo u noqota quudka Yawmkii Ayuu ku fekiri jirey.Wakhtigaasi xoogsiyo badan oo socdey wuxuu ka doortey Midka la xidhiidha in uu Kaaryoone ku shaqeysto,waxaana go,aanka ku dhiirigeliyey ka dib markii uu arkey iyada oo loo baahi qabo qof dukaamada Alaabta uga qaada xaafadaha ama isaga oo is tusey in Shaqadaasi ay tahay mid si toos ah loogu baahan yahay.Wuxuu isla markiiba soo iibsadey Kaaryoone aad u wanaagsan oo ah kuwa Banjarka ee aan aheyn kuwa shaaga dhagaxa ah leh.Wuxuu kula soo kalahay Banaanka hore ee Dukaamo laga qaato Cuntooyinka iyo Alaabaha kale intaba.Wuxuu garabka saarey Dukaan si weyn u socda Cuntooyinkana aad looga iibsado oo ay leeyihiin Inamo ay is xigaan ama isku qolo Yihiin oo uu ka Helay soo Dhaweyn iyo Shaqo Xawli ah.

Waa Kaaryoone uu ka shaqeeyey oo sida Faraska duulaya,Lacagta inta badan laguma Yareeyo haddana isna gorgortan kama galo oo Wejiga iyo Garashada Xaafadaha iyo hooyooyinka Alaabta loo qaado Ayuu ilaashada kana Jecel yahay.wuxuu bartey xaafad kasta iyo gabadh kasta oo uu Raashin u soo qaadey.Inkasta oo aanu xafiis fadhiisanin,Inkasta oo aanu Keyse Jaamacad ka bixin,Inkasta oo aanu gaadhi cad wadanin haddana wuu Helaa Noloshiisa,Wuxuuna kula soo baxaa Xoogiisa,Waana caan isaga iyo Kaaryoonihiisuba sida kuwo badan oo siyaasiyiin ahi ay caan u yihiin.Kaftanka Hablaha ,dumarka iyo Guud ahaan Haweenka suuqyada ka soo Adeega Ayuu ku dhex Jiraa oo iyaguna Af kaga Dhameysta sidii uu u soo qaadi lahaa Alaabta ama raashinka.

Keyse Dedaal iyo Shaqo wanaag uu ku bilaabey Xoogsigani Ayaa dhaxalsiisey in uu helo Dalab iyo Macamiil badan oo isaga si toos ah ugu Xidhan,Wuxuu ahaa nin maskax badan oo tilmaanta guryaha si fiican u yaqaana Alaabaha loo dhiibahana aan soo kala ilaabin ama Jebin inta uu soo wado.Markasta oo uu baxayo waxa loo raraa sidii gaadhi weyn oo kale,Wuxuuna u shiraaqdaa sidii gaadhii oo kale waase Kaaryoone banaanka ordaya.Waxa guul aheyd in Keyse uu Kaaryoonahan mid kale ka iibsadey oo uu ku Shaqeeyo ninkale,Dhinaca kalena waxa guuldaro aheyd in shaqadani iyo kaaryoonahani ay Keyse bartey Balwadaha sida Jaadka iyo Sigaarka.inta dhaxeysa 1 ilaa 3 Duhurnimo wax Alaab ah ma qaado wuxuuna u fadhiyaa Waxooga caleenta Jaadka loo Yaqaano,Wuu is kuleylinayaa si uu Hadhow xaafadaha Alaabta ugu kala qaado,Wuuse is dilayaa oo Balwada Qiil uma sameyn karno.

10naan sanno ka dib Maxaa haddaba Keyse Xaalkiisu marayaa?Shaqadanise Halkee Ayey ku danbeyn doontaa.Keyse in badan Ayaa dhididkiisu dhulka taabtey oo uu qooyey,In badan Ayuu bacadka iyo Cadceeda wareegay isaga oo Raashin u sida xaafado kala duwan,In badan Ayuu khudaar iyo Alaab ka keenay meelo fogfog,In badan Ayuu Qalab dhisme sida Sibidh ku soo qaadey,In badan Ayuu caanaha kula soo cararey in badan…………….in badan Ayuu ku qaadey wax kasta oo lagu qaado ama looga baahdey.Haddaba maanta Xaalkiisu waa sidee?Laba Arimood Ayaa heysta Keyse wakhtigan,Mida ugu horeysaa waa in uu gaboobey oo uu daalan yahay.Timihiisii Ayaa ka daadanaya, Cirana madaxiisii Ayey buux dhaafisey.

Wuu Gaboobey Maalintaasi wuu Qurux badnaa,Kaaryoonihiisuna wuxuu ahaa mid cusub oo Qurux badan

isagiina waxa ka muuqda gabow iyo daal,Kaaryoonihiisiina inkasta oo marar badan uu kuwo cusub ku badalay haddana isaguna wuu gaboobey.Alaabtii uu la sii carari Jirey isaga oo Kaaryoonaha ka buuxiyey maanta saddex ama afar Jeer Ayuu dhexda kula sii Nastaa.Ninkii Kuleyl iyo Qabow,Galab iyo subax,Maalin iyo Habeenba Ordi Jirey sidii hore maaha oo saacadaha qaar ma shaqeyn karo.Mida labaad Baabuurta Dheynayaasha ah ee Alaabta gura ama tukaamada iyo xaafadaha kale geeya Ayaa soo batey oo Meherad kastaa yeelatey kuwaasi oo suuqa ka saarey Dadkii badnaa ee Kaaryoonaha ku shaqeysan jirey alaabtana ku qaadi Jirey.Xaafadaha qaarna baabuur u gaar ah Ayey ku adeegtaan.Keyse Xaalkiisu halkaasi Ayuu ku danbeeyey hase ahaate weli wuu sii ag Jooga  Tukaamadii si kooban Ayaanu  alaabtii u qaadaa isaga oo aad u daalan tamar badana aan laheyn.

Isku soo wada duub Keyse Shaqadani xoogiisa oo xalaal ah Ayuu bulshada kaga shaqeysan Jirey,Kuna helay nolol maalmeedkiisa oo wanaagsan.Keyse oo amaanaayey Kaaryoonaha Ayaana tilmaamaya kaalintiisa dhinaca shaqada iyo nolosheena sida in biyaha xaafadaha loogu soo dhaamin jirey oo la wadan jirey hase ahaate maanta qasabado iyo booyado ama gaadhi ximaar badalay,wuxuu sheegay in dhuxusha lagu soo qaato,in caanaha lagu kala qaato,in dhismaha iyo ciidaha lagaga shaqeysto,in Khudaarta lagu keeno,in lacagta lagu qaado laguna raro suuqa,in Dukaamada iyo meheradaha lagaga keeno cuntooyinka sida raashinka iwm.

Suuqyada meelo badan iyada oo lagu riixaayo Alaab lagu iibinayo Ayaad arkeysaa ama lagu dul iibinaayo oo lala socdo ama lala fadhiyo.Maxaa la Arkey Keyse oo raran Kaaryoonihiisana ay daba socoto Gabadhii soo raratey oo raashin u saaran yahay.Muxuu garanayaa gabadh ay xaafad isku raaceen isaga oo Raashin u wada.

Cabdifataax Maxamed Axmed

ceelaabe_10@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories