Home“Kalluunku Waxa uu Faa’iido Balaadhan u Leeyahay Caafimaadka Hooyada iyo Caruurta” Marwo...

“Kalluunku Waxa uu Faa’iido Balaadhan u Leeyahay Caafimaadka Hooyada iyo Caruurta” Marwo Shugri Xariir

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost)-Wasiir-xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta JSL Marwo Shugri Xariir Ismaaciil oo ka qaybgashay bandhigga carwada Kaluunka Somaliland ayaa khudbad ay ka jeedisay waxa ay ka warantay faa’iidooyinka Kaluunku u leeyahay caafimaadka hooyada iyo caruurta.

Marwo Shugri Xariir oo ka hadashay sida uu dalka Somaliland qaniga ugu yahay kaluunka ayaa waxa ay tidhi “Dalkeennu waxa uu safka hore kaga jiraa dalalka ay ku badan yihiin umul aroorka iyo dhimashada iyo caruurta ka yar shanta sanno, waxa taa sababta nafaqo darro hooyada haysa xiliga ay uurka leedahay, xiliga ay nuujinayso iyo xiliga uu ilmaha yari koriinka ku jiro”.

“Nafaqo daradaa waxa sabab u ah aqoon la’aan baahsan oo aynaan aqoon cuntada nafaqada le ee wax u tari karta hoyada iyo caruurta guud ahaan. Taasoo ay ugu horayso hooyada oo qaadata cuntada cagaaran iyo in ay ka faa’iidaysato khayraadka badaha. Inta badan culimada caafimaadku waxa ay talo ku bixiyaan in ay hooyadu qaadato khudradda cagaaran, kaluunka, beedka iyo beerka. Nasiib wanaag innagu waxa aynnu haysanaa kaluunkii oo bilaash ah oo aad u nafaqo badan oo ilmaha korinaya, maskaxdisa korinaya dhammaan macdanihii ay u baahnaayeena ay ka helayaan” ayey tidhi Wasiir Shugri Xariir Ismaaciil

Marwo Shugri Xariir waxa ay hooyooyinka iyo waalidka in ay xoojiyaan isticmaalka iyo cunista kaluunka waxaana ay tidhi “Waxaan jeclahay in aan hooyooyinka ku guubaabiyo in ay caruurta siiso kaluunka oo ay iyaduna quutaan qoyskana ay siiyaan. Aabahana fariinta aan u marinayaa waxa ay tahay in uu caruuta iyo xaaska habeenkii marka uu gurigiisa ku sii socdo uu u sii khaado kiiloo kaluun ah iyo cuntooyinka nafaqada leh”

Somalilandpost, Hargeysa Office.

Somalilandpost@live.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories