HomeKalfadhigii Shanaad ee Golaha Deegaanka Berbera oo ku Furmay Khilaaf iyo Awood...

Kalfadhigii Shanaad ee Golaha Deegaanka Berbera oo ku Furmay Khilaaf iyo Awood kala-riixasho u Dhaxay Hoggaanka Golaha Deegaanka iyo Xildhibaannada Dawladda Hoose

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

golaha deegaankaBerbera (SLpost)- Kalafadhigii Shanaad Ee Golaha Deegaanka Dagmadda Berbera  oo la filayey inuu maanta si rasmi uga furmo xarunta Dawladda Hoose, ayaa u dib-u-dhac ku yimi, ka dib markii kalfadhigu ku bilaabmay khilaaf soo kala dhex-galay hoggaanka Golaha Deegaanka iyo Xildhibaannada Qaarkood.

Maayarka Golaha Deegaanka Dagmadda Berbera Mudane Cabdi Shakuur Maxamuud Ciddin, ayaa lagu eedeeyey inuu Majara-habaabiyay Ujeeddadii Kala-fadhiga Ka Dib Markii uu shir-jaraa’id u beddelay Kalfadhiga oo ay goob-joog ka ahaayeen qaar ka mid ah War-fidiyeennada ka hawl-gala gobolka Saaxil oo lagu soo marti-qaaday.

Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Dagamada Berbera Mr. Cidin, ayaa isla markiiba intuu makarafoonka qabsaday, ayaa waa uu bilaabay hadal iyo khudbad ay ka biyo-diideen Xildhibaannadii madasha fadhiyey ee u soo diyaar-garoobay furitaanka Kalfadhiga, waxaana markiiba bilaabmay Sawaxan iyo buuq hadheeyey fadhigii Golaha, isaga oo maayarku doonayay inuu awood ku socodsiiyo Sharraxaadda kalfadhiga uu shirka jaraa’id u beddelay, waxaana mudaneyaashii goobta fadhiyey waraaqo u qaybiyey Xoghayaha Golaha Deegaanka.

Ka Dib Dood Dheer Oo ay Xildhibaanadu La galeen Maayarka kana codsadeen inuu Kalfadhiga keeno Ajandihii Kalfadhiga 5aad, Xisaab-xidhkii Miisaaniyadda Sannadka, Wax-qabadka iyo Mashaariicdii Sannadka Dawladda Hoose fulisay, haseyeeshee waxa taas ka biyo-diiday maayarka Degmada Berbera, taas oo sababtay inay Xildhibaanadu Dibada Uga Soo Baxaan Hoolkii Shirarka.

Haddaba, waxa xarunta Dawladda Hoose shir jaraa’id ku qabtay arrintanna kaga hadlay Xildhibaanadii ka baxay kal-fadhiga, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Maxamed CALI XAAJI AXMED iyo Xildhibaan Muuse Daa’uud Cilmi.

Xildhibaanadu Waxay Sheegeen in Dayn aad U Fara-badan oo xaddigeedu dhan yahay Malyuun iyo Badh Dollar (1.5 Dollar) lagu leeyahay Golaha Deegaanka Berbera muddadii uu Guddoomiye Ciddin maayarka ka ahaa magaalada Berbera.

Waxaa Kale Oo ay Xildhibaanadu Kaga Dhawaajiyeen Inuu Maayirku Jabiyay Xeerkii Iyo Dastuurkii u dejisnaa golahooda isla markaana uu ku takri-falay awooddiisa, qas iyo kala-qaybina ka dhex-dhaliyey shaqaalaha Dawlada Hoose ee Berbera.

Ugu Danbayntii, Xildhibaanadu waxay Baaq U Direen Madaxwaynaha Iyo Wasiirka Arrimaha oo ay u jeediyeen in haddii aan Maayar Ciddin laga qaban Golaha Deegaanka Berbera uu dhici doono Gadood Shacbi Iyo Kacdoon wax ka beddela xaaladda Golaha Deegaanka Berbera.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories