HomeKALA WAR LA’AA MAAYOR SOLTELCO, WAAYAHA DANYARTA IYO WANQALKA KACDOONO HOR LEH

KALA WAR LA’AA MAAYOR SOLTELCO, WAAYAHA DANYARTA IYO WANQALKA KACDOONO HOR LEH

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Dhacdooyinka aduunka ka socda ayaa inoogu filan waxsheeg, dhacdooyinkaa markaa dhugtana waxana fiican inaad ku cibro qaadato, MAXAMED BUU CASIISI waa wiilkii yaraa oo danyartaa ahaa ee tunsia isku gubay markuu ka cadhooday habkii foosha xumaa ee ay ula dhaqantay dawladii hoose ee magaalada SIDII BUUSAYD kacdoonkii ka dhashayna waxay natiijadeedii ahayd inay galaafatay madaxweynihii Tunsia, Libiya,Masar, Yemen. Maxamed markuu go’aansaday inuu is gubo ismuu lahayn waxaas oo saamayn ah ayay yeelan doonta lakiin isaga waxay ka ahayd uun ka dhimo noloshan ciilka ku baday. Abwaan weedhsame waxaa ku jirtay maansadiisii WAREEGTO 

Dulmiga waagii baryaba 

Danyare gaar ugu wahsaday

Markuu wayraxa is yidhi 

Wadkaa dhaamee ka dhimo

Kacdoontii loo wanqalay

Yarkii wadhatada ahaaa

Wadankeena hadaynu u soo noqono, falalka arxan darada ah iyo dulmiga waagii baryaba ay ku hayaan golaasha degaanku, waa mid xanuun keeda leh, bulshadeena danyarta u badan ee la tacaalaysa siday nolol maalmeedkooda u heli lahaayeen,sid ku cad maansada ISKU RARAN ee curiyey abwaan Axmed Cismaan Batuun:

bal dariiqan soo raac

 inta ruux miskiiniyo,

rixinlaawe buuxdee,

dantu ricidho goysee

 risiq eebe mooyee

 qofna roodhi siinayn,

bal xagaa usii raac,

inta hooyo raranoo,

 masaariifta ridatoo

ku rafaadsan milicdaa

cashuurtiina laga rabo

dhiishay riixanaysiyo

kaaryoonka laga rogay,

Danyarta aan ka hadlayaa waxay ku sifoobeen cashuur bixiyayaal wanaagsan, ma fiicna in loogu abaal gudo in laga baabiiyo goobihii ay ku ganacsanayeen, waa mid dhibkeeda leh. Saaka oo u danbaysay ayay ahayd markii anigoo maraya meesha loo yaqaan gobolka ee ay ka dhisanyihiin wasaaradaha dawladu intooda badani, ayaa hooyo iibisa beerka oo cadceed fadhiday ayaa waxa soo garab joogsaday dhayne dawlada hoose ee hargiesa leedahay oo askar la socoto, hooyadii markii ay ku war heshay ayay naxdintii ka baahday waxay samayn lahayd lakiin nasiib wanaag wiil ag fadhiyey aya waxa uu la cararay miiskii beerkii ay jar jaraysay u saarnaa, intii kale waxay tuuraan iyo waxay laagaan ayey ka dhigeen.

Falalka noocaas oo ah oo maayarka hargiesa iyo golahiisa degaanku caadaysteen inay kula kacaan danyarta, waxay keeni kartaa kacaan bulsho oo loo dhanyahay oo ay u badantahay inay galaafto golaha deegaanka hargiesa iyo kuwa dagmooyinka kaleba. Adeerow in yar inoo kaadsha oo dadka sidan ka daaya ayaan leenahay hadii aad bulshadii ka hesheen inay cashuurtii idin siinyaan oo aydaan waxba kaga soo celin ha ugu darina dhib kale. 

Muuse Kaamil

    

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories