Home"Kala-taggu wuxuu ka go’aa Muqdisho, haddii laysku soo noqonayana Hargeysuu ka go’aa"...

“Kala-taggu wuxuu ka go’aa Muqdisho, haddii laysku soo noqonayana Hargeysuu ka go’aa” – Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Arrimo xasaasi ah ka hadlay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muxuu ku sheegay Sababta ugu weyn ee hortaagan Midha-dhalka Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya?

“Haddii Somaliland noqoto Jamhuuriyad iskeed u madax-bannaan, maxay tahay dhibaatada ama caqabadda ay Soomaaliya ku keenaysaa?”

Hargeysa (SLpost)- Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wada-jir ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa ka hadlay sababaha keenay inay meesha ka baxaan ama sidii loogu talo-galay u socon waayaan wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah murashax u taagan doorashada madaxweynaha Soomaaliya waxa uu sababaha hakiska ku keenay wada-hadallada labada dhinac masuuliyaddeeda dusha u saaray madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya oo uu sheegay inuu dagaal aan kala-joogsi lahayn la galay Somaliland muddadii uu xilka hayay.

blankWaxa uu sheegay inaanu jiri doonin caqabadda ugu weyn ee hortaagan midha-dhalka wada-hadallada labada dhinac tahay tafaraaruqa siyaasadeed ee ka jira Koonfurta Soomaaliya oo uu sheegay inaanay ilaa immika heshiis ku ahayn wada-hadallada Somaliland.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wada-jir oo waraysi uu arrimo badan kaga hadlay magaalada Muqdisho ku siiyey Weriye Maxamed Cabdi Ilig oo ka tirsan Telefishanka MMSomali Tv, waxa uu ka hadlay doorashada Soomaaliya iyo metelaadda Somaliland ee geeddi-socodka siyaasadeed ee ka socda Muqdisho.

Ugu horeyn, Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo wax laga weydiiyey aragtidiisa ku aaddan in Shaqsiyaad Is-qarina oo madaxa soo duubtay la yidhaahdo waxay Somaliland ku metelayaan doorashada Soomaaliya iyo sababtii ka dambaysay, waxa uu ku jawaabay, “Al-shabaab dhibaato badan bay ku hayaan dadka xagga ammaanka, manay fiicnayn oo waxaan jeclaan lahaa Somaliland oo si mug weyn loo metalaayo. Taasina waxay ku xidhan tahay wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya sida uu u dhaco iyo metelaadda ay Somaliland ku yeelan karto. Sidan inay ka qurux badnaato aniga hadday tahay way fiicnaan lahayd oo Somaliland uga soo qayb-gasho doorashan Soomaaliya si mug leh oo Dadkooda u meteli kara si loo helo xataa waxay Somaliland doonayso dad u metela ay u hesho.” Sidaas ayuu yidhi Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Mar la weydiiyey su’aal nuxurkeedu ahaa  inaanay Somaliland metelin Karin shaqsiyaad aan kalsooni ka haysan bulshada ay magacooda wax ku doonteen oo aan xataa tagi Karin deegaamadii ay u dhasheen, waxa uu ku jawaabay, “Wali lama kala bixin, hal dal ayaan isku ahayn, Somaliland kaligeed ayaa tidhi anigaa baxay, markaa qaybtii kale waa inay ku heshiiyaan inay kala baxaan ama wada-joogaan markaa inta ka dhaxaysa sidaas uunbaa laysaga lulnaanayaa sida ii muuqata. Markii horena ogolaanshiyo ayaa laysugu darsaday, haddana haddii la kala tagayo, Kala-taggu wuxuu ka go’aa Muqdisho, haddii laysku soo noqonayana Hargeysuu ka go’aa.

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo la weydiiyey su’aal u dhignayd, ‘Miyaan la odhan Karin Soomaaliya kama go’na inay wax wada-hadal ah la yeelato Somaliland maadaama geeddi-socodkii wada-hadalladu gaabis noqday afartii sanno ee u dambeeyey? Waxa uu ku Jawaabay, “Waa odhan karaa, waana sax. Maamuladii Soomaaliya soo maray qaarkood wada-hadallada ayay bilaabeen, laakiin maamulkan hadda xilligiisu dhammaaday iska dhaaf inuu wada-hadal furee, wuxuu sii fogaynayay Somaliland, taasna waanu ka xunnahay. Laakiin sideedaba waxa loo baahan yahay Soomaalida Koonfurtu iyadaan midaysnayn oo iyagaa u baahan inay marka hore ku heshiiyaan waxay Somaliland kula hadlayaan. Talada Koonfur taallaa waa talo baahsan, talo hal meel taalla maaha. Taladaas baahsan baa marka hore u baahan in la ururiyo oo go’aan midaysan lagula hadlo Somaliland, taasina may dhicin. Markaa intii taas ka horeysa qofkii  yidhaahdaa Somaliland baan la hadlayaa ama wefti u dira, maaha qof go’aan soo qaadi kara sababtoo ah go’aanka waxa kow ka ah marka hore inuu koonfurta ka dhaadhiciyo war Somaliland haddii aan kala tagayno, maxaan ku kala tagnaa, haddii aan wada jiraynana maxaan ku wada-joognaa? Anigu taasaan u aqaanaa wada-hadalka runta ah,” sidaas ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wada-jir oo la su’aalay, “Haddii Somaliland noqoto Jamhuuriyad iskeed u madax-bannaan, maxay tahay dhibaatada ama caqabadda ay Soomaaliya ku keenaysaa?” Waxa uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku jawaabay, “Taasi waxay u baahan tahay Dadka Soomaaliyeed in la weydiiyo oo loo bandhigo, rayigayguna maaha mid wax goynaya. Marka la eego siyaasadda adduunka, sida wax laysugu darsanayo iyo sida loo kala guurayo, waxa laga yaabaa  dadka Soomaaliyeed inay u muuqato ama annagaba noo muuqato, wada-jirkaa ka fiican kala tagga. Midnimada waxa lagu waayey ma u malaynayo in kala-tag lagu helayo,” sidaas ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah siyaasaga u cad-cad ee kursiga madaxweynaha kula tartamaya hoggaamiyaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo doonaya inuu mar kale u tartamo xilka  madaxweynaha afarta sanno ee socda majaraha u hayn doona siyaasadda Soomaaliya.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories