HomeKAFTANKII MUUSE BIIXI IYO CIRRO SAFARKII DIYAARADA EE ETHOPIA.

KAFTANKII MUUSE BIIXI IYO CIRRO SAFARKII DIYAARADA EE ETHOPIA.

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Muuse Biixi Cabdi waa guddoomiyaha Xisbiga tallada haya ee Kulmiye, waana musharaxa Madaxwayne ee xisbigaasi u tartami doona doorashada 2017ka ee lagu waddo inay ka qabsoonto Somaliland.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waa hogaamiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Waa guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland, waana musharaxa Madaxwayne ee xisbiga Waddani uga qaybgalaya doorashada soo socota ee madaxtooyada.

Muuse iyo Cirro waa laba siyaasi oo midba dhinaciisa wax u doonayo siyaasad ahaan iyo maamulba, waa labada nin ee imika ku hirdamaya saxaadada siyaasada Somaliland, waa hogaamiyayaal midba amaantiisa leeyahay oo dalka wax u soo qabtay, waana nimanka ilaa imika sida tooska ah ugu loolamaya doorashada soo socota ee inta badan tartanku ka dhaxeeyo, waa niman u heelan sidii uu mid waliba u hanan lahaa quluubta shacabka reer Somaliland ee iyagu kala doorta hogaamiyaha ay markaasi u arkaan inuu wadi karo dalka oo uu gaadhsiin karo, Horumar, badheedhe, barwaaqo.

Hadaba haddii aynu soo qaadano taariikh kooban oo ku saabsan waxqabadkooda, Aynu ku horeyn Muuse Biixi, Muuse Biixi waxaa la sheegaa inuu ahaa sarkaal ka tirsan ciidamadii cirka ee dawlada jamhuuriyada Somaaliyeed, waa duuliye sare xaga ciidamada cirka, waxaa uu ka mid noqday Jabhadii SNM, waxaana uu ka tirsanyahay Mujaahidiinta Doorka wayn ka qaatay Dib u xoreynta dalka maanta la yidhaa Somaliland, Muuse waxaa uu wasiirka arrimaha gudaha ka noqday dawlada Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Muuse waa guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye waana musharaxa madaxwayne ee Xisbiga Kulmiye.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxaa uu wax ku bartay dalkii la odhan jiray Somaliya, waxaa uu ahaa Safiirka Ruushka u fadhiya dawlada Somaliya mudo dheer, waa dublamaasi ku xeel dheer xidhiidhka arrimaha dibada, waxaa uu muddo dheer-yahay Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland, imika waa Guddoomiyaha iyo musharaxa madaxwayne ee Xisbiga Waddani, Cirro Golaha dhexe ee Waddani ma dooran balse isaga ayaa ah shakhsiga kaliya ee Noqonaya Musharaxa madaxwayne Waxaa jira siyaasiyiin sheega inay la tartamayaan waxaase lagu asturayaa dimuqraadiyada si loo yidhaahdo waalala tartamay.

Musharaxa Madaxwayne ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani waxaa ay safar shaqo isku raaceen dalka Ethopia waxaa ku wehelinayay safarkan Agaasimayaal, xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada oo iskugu jira Waddani iyo Kulmiye-ba, Rag waa kii kaftama meelkasto oo uu jooga’e waa la kaftamay.

Waxaana diyaaradaasi safraysay ku dhex kaftamay Labadaasi nin ee aynu kasoo sheekaynay waa Muuse Biixi iyo Cirro’e

Kaftankoodii waxaa uu u dhacay Sidan:-

Muuse Biixi :Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirrooy waxaad doonaysaa in aad dalkan Madaxwayne ka Noqoto

Cirro: Haa Muuse Biixi Cabdi.

Muuse Biixi: Annigaa kaaga horeynaya madaxtinimada dalka

Cirro: Waayo Muuse.

Muuse Biixi: Waddankan waxaanu usoo cabnay “Kaadidayada” ee waxaad doonaysaa adigoo musaasad jaqaya inaad Ayaar iska gasho madaxtooyada oo guriga aad ka taliso u jirta 20mitir.

Cirro: Muuse Anniguba waxaan usoo Cabay waddankan “Barafka” ee madaxwayne ayaan ka noqonayaa.

Fiiro Gaara: Sheekadan waxaan kasoo xigtay oo iiga sheekeeyay masuul ka tirsan xukuumada Somaliland oo aanan jeclayn inaan magaciisa idiin soo gudbiye, waana kaftan run ah oo Muuse Iyo Cirro ku dhexmaray Diyaaradii ay ugu safrayeen Addis Ababa, Waana mudo imika laga joogo sanad iyo badh.

W/Q: Ilyas Abdi Ali

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories