HomeKADABGOOYE: (Gorfeyn) – W/Q: Khadar Nuux Yoonis

KADABGOOYE: (Gorfeyn) – W/Q: Khadar Nuux Yoonis

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

kadarMuuqaalka Wejahaddaba waxa aad arkaysaa Caleenta dooGga ah ee ay dusha sare kaga taalo (Dhawaaq dhalinyaro). Waxa farwaawayn lagu qorey Kadabgooye, magac bilaash ma baxo, markaad gudaha dhigganaha ku dhaadhacdo ayaad dareemaysaa inuu KADABGOOYE dhab ah yahay oo uu dhalinyaro badan jihada ka lumiyay.

Waa Buug ka kooban 125 bog, kana aragti duwan dhiggannayaal badan oo dhalinyaradu soo saartay; waxa uu uga aragti duwan yahay koobnaan iyo karti badan oo ka muuqata.Waxa ku tabcay oo ifka keenay suxufi Barkhad Maxamuud Kaariye aan u mahadceliyo wacyigalintaasi uu dhalinyarada la wadaagay, awooda qoraa ee ka muuqata Barkhad Buuggan uu inala wadaagay.

Waxa uu ka kooban yahay Saddex qaybood oo mid waliba ta kale ka dareen iyo duur xul badan tahay.Waxa uu koobsaday mahadhooyin iyo hadimo uu leeyahay Aafadan inta badan Somalidu qabatintay,kaasi oo kala fogeeyay bulsho badan,halka uu qaarna ka dhigay bar-laawe.

Qaybta hore ee dhiganahanni waxa uu si qoto dheer u soo bandhigayaa taariikhda geedkan Cagaaran,waxa uu qoruhu inna tusayaa oo diirada inoogu iftiiminayaa wakhtigii uu deegaannada soomalida soo galay,sida loo arkayay wakhtigaasi.Waxa aanu soo bandhigayaa waraysiyo uu la yeeshay dad wakhtigaasi uu soo galay deegaannada Somalida goob joog.Waxa qaybtan lagu cadeeyay magac Somalidii wakhtigaasi ula baxday geedanka qaadka ah kaasi oo markaa ay u arkayeen inuu ku haboonaa.

Dhinac kale waxa uu inaga tusayaa maadooyinka dooriyaha ah ee ku jira,kaasi oo uu si balballaadhan inoogu sheegay inay ku jiraan maadooyin dooriye ah oo midba ka kale ka khatar badan yahay.

Waxa uu qoraha buuggu inala wadaagay Saamayta dhaqaale ee uu dadyowga dhaxalsiiyo,ha ugu sii darraadaan Somaliduye.

Qoraha buuggu haddana dhinac kale ayuu iska taagay saamaynta taban ee kuu leeyahay geedkan qaadku,waxaanu bulshada u soo bandhigayaa waxyeellada uu geedkan qaadku u keeno deegaanada.

Is barbar dhiga cajiibka ah ee uu qoruha buuggu soo tabiyay waxa ka mid ah Dagaalkii Caleenta iyo muuqaalo is shabaha,taasi oo uu ku iftiimiyay is shabahaado kala duwan oo ay iskaga mid yihiin.

Qaybta labaad ee buuggu waxa uu ka hadlayaa qoraalo koobkooban oo uu qoruhu inoogu soo bandhigay dhibaatada dadka qayila uu u gaysto geedkan qaadku,hadalo maandaalis ah oo ay is waydaarsanadaan iyo fikradaha ka soo fula xub wakhtiga uu ku jiro xaalada mirqaanka loo yaqaano.Qoruhu waxa uu inala wadaagayaa sheekooyin run ah oo ka dhacay deegaanada Somalida oo uu intooda badan raga ay ku dhacday uu la kulmay.Sheekaba ta ku xigta ayay ka xiiso iyo xikaayaad badan tahay.

Qaybta ugu dambaysa ee Buuggan waxa ku suntan wixii ay ka yidhaahdeen Abwaanada Somaliyeed geedkan qaadka,siyaabo kala duwan ayay uga hadleen,way u hogotusaaleeyeen bulshada iyagoo u taagan wacyigalin bulsheed.

Waa buug wacyigalineed,waxa uu ifba fur u yahay taxanaha Dhawaaq dhalinyaro oo ah buuggaag dhalinyarada ku socda ayna qoreen dhalinyaro.Buuga Kadabgooye waa mid soo bandhigaya xaqiiqo ka taagan bulshada Somaliyeed dhexdeeda,taariikh dahsoon oo ku taxaluqda geedka qaadka ah.Dhalinyarada waxa uu u yahay waano iyo wacyigalin.

Xogta Buugga:

Cinwaanka: Kadabgooye

Qoraaga: Barkhad Maxamuud Kaariye

Tirada bog: 125.

Sannadka: 2014.

Soo saarid: ponte Invisible.

 

 

Khadar Nuux Yoonis

Email:knyonis@gmail.com.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories