HomeKacdoonkii Isbeddelka ka dhaliyey Masar oo dabayshiisu weji kale u yeeshay siyaasaddii...

Kacdoonkii Isbeddelka ka dhaliyey Masar oo dabayshiisu weji kale u yeeshay siyaasaddii dalkaas ee ku wajahnayd Somaliland

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)– Isbeddelka ka dhashay dalka Masar ee midhihii kacdoonka Shacbigu abuureen ayaa sababay siyaasad weji kale leh oo dalkaasi ku qaabilay macaamilkii iyo xidhiidhkii ay Somaliland la lahaayeen oo labaatankii sannadood ee u dambeeyey lid ku ahaa jiritaanka Somaliland.

Dawladda Masar ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqday inay maalgashi ka samayso jamhuuriyadda Somaliland kuwaas oo ay ka mid yihiin warshadaha iyo isgaadhsiinta.

blankSafiirka dalka Masar u fadhiya Soomaliya Mr Ayman Majid Abas oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Magaaladda Hargeysa, balse maanta warbaahinta la kulmay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay imaanshiyaha Magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa, isaga oo ka sheekeeyay ujeedada uu halkan u yimid.

Safiirka dawlada Masar u fadhiya dalka Somaliya oo fadhigiisu yahay dalka Kenya Mr Ayman Majid Abas oo dhowrkii maalmood ee u dambeeyay ku sugnaa Somaliland isla-markaana kulamo la qaatay masuuliyiin uu ka mid yahay wasiirka arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa waxa uu sheegay in dawladiisu doonayso inay maalgalin ka samayso Somaliland isaguna uu u yimid Hargeysa si uu u sahamiyo arimahaasi “Masar waxay doonaynaa inay halkan ka samayso mashaariic maalgalineed, sida isgaadhsiinta, Masar-na waxay ka mid tahay wadamada Afrika ee ugu horumarsan dhinaca isgaadhsiinta” ayuu yidhi safiirka Masar ee dalka Somaliya, waxaanu intaa ku daray in dawlada Masar doonayso inay Somaliland u soo dirto dhakhaatiir “Masar waxay doonaysaa inay Somaliland u soo dirto dhakhaatiir.”

Mr Ayman Majid waxa kale uu iftiimiyey sida dawlada Masar ay danaynayso inay Somaliland xidhiidh ula yeelato, isaga oo soo qaaday inay wasiirka arimaha dibada ka wada hadleen arimo badan. Dibloomasigan reer Masar oo la waydiiyay sida dawladiisu u aragto faro-galinta dawladaha Kenya iyo Itoobiya ku sameeyeen dalka Soomaliya ayaa diiday inuu arintaasi ka hadlo isaga oo ku jawaabay “Su’aashaasi waxaan ka jawaabi doonaa markaan Muqdisho taggo”

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories