HomeAfghanistan: Booliis Loo Xukumay Haweenay Qur'aan Gubid loo Dilay

Afghanistan: Booliis Loo Xukumay Haweenay Qur’aan Gubid loo Dilay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Kabul, (SLpost)-  Kow iyo toban  askari oo ka tirsan booliiska Afghanistan ayaa lagu xukumay min hal sano oo xabsi ah, waxaa loo haysataa in ay ku guuldaraysteen in ay badbaadiyaan haweenay ay dad badani ku dileen magaalada Kabul bishii saddexaad.Kabul

Haweenaydaas oo 28 jir ah oo lagu magacaabo Farkhunda jug ama gacanqaad ayaa lagu dilay kaddib markii lagu eedeeyay in ay gubtay kitaab Qur’aan ah, inkasta oo dad goobjoogeyaal ah ay sheegeen in aysan qur’aan gubin.

Horaantii bishan afar nin ayaa dil loogu xukumay geerida gabadhaas, sideed kalana waxaa lagu xukumay xabsi.

Dhacdadaasi waxa ay sababtay mudaaharaadyo balaadhan oo lagaga soo horjeedo sida loola dhaqmay gabadhaas.

Sideed qof oo kale oo booliiska ka mid ah oo lagu eedeeyay dhacdadaasi ayaa arbacadii wax dambi ah lagu waayay.

Farkhunda waxa ay la murantay wadaad ay ku eedaysay in uu qardhaaso ka gado haweenka kaas oo ku sugnaa masaajid caan ah oo loo yaqaano Shah-Du-Shamshaira, kaas oo looga lugayn karo Madaxtooyada , iyo suuqa ugu wayn Kabul.

Qardhaas iibiyuhu waxa uu ka mid yahay dadka dilka lagu xukumay horaantii bishan.

Intii ay wadaadkaas kula murmaysay in uu qardhaaso gado ayaa lagu eedeeyay in ay kitaab gubtay dad badan ayaana markaas ku dhaqaaqay oo weeraray.

Baadhitaan rasmi ah ayaa sheegay in aan wax cadayn ah loo haynin in ay qur’aan gubtay.

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories