HomeKaalintee buu Madaxweyne Siilaanyo kaga Jiraa Liiska Madaxweynayaasha ugu Da’da Weyn Qaaradda...

Kaalintee buu Madaxweyne Siilaanyo kaga Jiraa Liiska Madaxweynayaasha ugu Da’da Weyn Qaaradda Afrika?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost)-Toddobaadkan waxa ay qaar ka mid ah warbaahinta qaaradda Afrika baahisay magacyada 10-ka madaxweyne ee ugu da’ weyn qaaradda Afrika ee haddana hoggaaminta dalalkooda weli haya.

Madaxweynayaasha Afrika ee talada haya, haba u kala hayaan doorasho ay ku yimaadeen iyo inqilaab ay ku yimaadeene, waxa ugu da’ weyn Madaxweynaha wadanka Zimbabwe oo ah siyaasi caan ka ah dunida, waana 91 jir. Madaxweyne Siilaanyo oo inkastoo aanay warbaahinta Afrika liiska ku darin, ayaa haddana wuxuu ka mid noqonayaa hoggaamiyayaasha ugu da’ weyn Afrika ee weli talada haya. Madaxweyne Siilaanyo oo dhashay sannadkii 1936 ayaa ah 79 jir. Haddba, hoos ka akhri madaxweynayaaha Afrika ugu da’da weyn, wakhtiyada ay talada qabteen iyo inta sannadood ee ay jiraan.

  1. Robert Gabriel Mugabe, waa madaxweynaha wakhtigan ee Zimbabwe waxaanu xilka hayay ilaa 22 December 1987, waxaanu dhashay 21 February 21, 1924, waana 91 jir
  2. Jacob Gedleyihlekisa Zuma, waa Mdaxweynaha Koonfur Africa, waxaana la doortay sannadkii 2009 oo lagu doortay doorasho dimuqraadi ah. Wuxuu siyaasigani dhashay 12 April, 1942, waana 73 jir.
  3. Alassane Dramane Ouattara, waa madaxweynaha dalka Ivory coast, waxaanu xilka hayay ilaa sannadkii 2011, wuxuu dhashay January 1, 1942 waana 73 jir.
  4. Arthur Peter Mutharika, waa hoggaamiyaha dalka Malawi oo xilka hayay ilaa 2014 oo ah wakhti aan dheerayn. Wuxuu dhashay 1940, waana 75 jir.
  5. Ellen Johnson Sirleaf, waa haweenayda madaxweynaha Liberia ah, waana madaxweynihii 24aad ee uu dalkaasi yeesho, taladana waxay qabatay sannadkii 2006. Waxay dhalatay Oktoobar 29, 1938, waana 77 jir.
  6. Alpha Condé, waa Madaxweynaha dalka Guinea oo xilka hayay ilaa sannadkii 2010, wuxuu dhashay March 4, 1938, waana 77 jir
  7. Paul Biya waa madaxweynaha dalka Cameroon ilaa sannadkii 1982, waxaanu dhashay 13 February 1933, waana 82 jir.
  8. Mohamed Beji Caid Essebsi, waa Madaxweynaha Tuniisiya ilaa sannadkii 2014, waxaanu dhashay November 29 1926, waana 89 jir
  9. Muhammadu Buhari, waa Madaxweynaha dalka Nayjeeriya ee wakhtigan oo ah madaxweyne lagu doortay si dimuqraadi ah. Wuxuu dhashay December 18 1942, waana 72 jir.
  10. Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, waa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee wakhtigan waana madaxweyne lagu doortay nidaam Dimuqraadi ah. Wuxuu dhashay sannadkii 1936, sida uu ku sheegay taariikhdiisa uu ku galay ololihii doorashada ee 2010. Da’da madaxweyne Siilaanyo markaas waa 79 jir.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories