HomeKaalinta Dawladnimadu ay ku leedahay Horumarinta Dhaqaalaha

Kaalinta Dawladnimadu ay ku leedahay Horumarinta Dhaqaalaha

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Inta badan marka laga hadlayo wasiilooyinka ama waddooyinka horumarinta dhaqaalaha loo maro way kala duwan yihiin, waxaanay ku kala xidhan yihiin xaaladaha iyo xeeladaha dhaqan dhaqaale ee waddamada iyo meelaha ay ku kala qanisan yihiin, waxaa se la isaga dhaw yahay hadafka ama hiraalka la bar tilmaameedsanayo oo ah in horumar laga sameeyo dhaqaalaha.

Hadda ba, horumarinta ama kobcinta dhaqaaluhu maaddaama oo ay ku kala gaddisan yihiin waddamadu waxa aynnu qormadeenan ku soo qaadanaynaa doorka tooska ah ee ay dawladnimadu ku leedahay waddamada horumarkoogu hooseeyo ee loo yaqaan (Less Developed countries: LDCs)

Si loo gaadho kobac dhaqaale oo sugan, waxa loo baahan yahay in la qaado qodobadan.

 

  1. In isbeddal qoto dheer lagu sameeyo qaab dhismeedka hay’adaha (Changes in institutional framework). Sida dabiiciga ah, waddamada uu horumarkooga dhaqaale hooseeyo waxa jira dhaqanno iyo caadooyin bulsho iyo mid qaran oo daashaday kuna ah dabar iyo deyr kaga gudban horumarka dhaqaale, sidaa darteed waxa mihiim ah is beddalo taban lagu sameeyo qiyamka bulshada, hanaanka shaqo ee hay’daha dawliga iyo adkaynta siyaasadaha wada shaqayneed.

  1. Is beddalada ururadda (organizational Changes) ururada kala duwani waxay qayb laxaad leh ka qaataan kobcinta iyo horumarinta dhaqaalaha. Si hadda ba doorkaasi loo helo, maamulka dawliga ah waxa laga ma maarmaan ah inuu yagleello uu habeeyo ururada kala duwan ee jira, sida kuwa maaliyadaha, kuwa shaqaalaha, kuwa beeraha Iwm. Taasi waxa ay dhabada u xaadhaysaa in la helo suuqyo iyo afkaaro horumarineed.

  1. Adeegyada bulshada ee dhaqaalaha (Social and Economic Overheads) si loo helo taabagalinta koboca dhaqaalaha, dawladdu waa in ay qaabaysaa oo diyaarisaa qorshe yaasha siyaasadeed iyo kala horumarinta baahiyaha maaddaama oo ay caan ku yihiin wadamada dhaqaalahoogu hooseeyo burbur baahsan oo ka jira, adeegyada aasaasiga u ah bulshada.

  1. Waxbarashada iyo Caafimaadka (Education and Public Health) horumar dhaqaale in laga hadlaa suurogal maaha iyada oo aanay waxbarasho jirin. Sidaa darteed waxa mihiim ah in ahmiyad weyn la siiyo adeegyada iyo horumarinta waxbarashada iyada oo mar walba siyaasadda waxbarasho lagu dejinayo baahida waddanka ka jirta si loo soo saaro khayraadka waddanka. Waxa isna ahmiyad mihiim ah u leh kobac kasta caafimaadka, waxaana waajib ah in la tayeeyo caafimaadka bulshada guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa shaqaalahaba si loo helo bulsho iyo deegaan lagu gaadhi karo horumar tanaada.

  1. Horumarinta Beeraha (Agricultural Development) waddamada uu dhaqaalahoogu hooseeyo waxa dabiici ah inay ku tiirsan yihiin bulsho badani falashada ama qodashada beeraha oo farsamo ahaan ku xidhan tii dhaqanka ahayd ee iska soo dhaxli jireen. Hadda ba si loo horumariyo waxa mihiima in laga shaqeeyo kor u aqaadidada xirfadaha beeralayda, qallabayntooda, samahinta dhulka beeraha ku wanaagsan, xoojinta siidhadhka beeraha, diyaarinta goobaha biyaha, nidaamminta suuqyada beeralayda, fududaynta waddooyinka beeraha, diyaarinta maalgalinta beeralayda.

  1. Horumarinta warshadaha (Industrial Development) warshaduhu waxa ay door laxaad leh ka qaataan horumarinta dhaqaalaha, sida qaalibka ah na waddamada la dariska ah ama la jaalka ah horumar la’aanta dhaqaalaha waxa ka jirta in ay dahsoon yihiin khayraadka dabiiciga ah ee ay leeyihiin. Sidaa darteed na, horumarinta iyo hagaajinta warshaduhu waxa ay mihiim u yihiin kobcinta dhaqaalaha, waxaana mihiim ah diyaarinta deegannada ku habboon warshadaynta, diyaarinta shuruucda warashada, kabka warashadaha mihiimka ah.

  1. Dejinta siyaasadaha lacageed iyo cashuureed (Monetary and Fiscal Policies) siyaasadda lacageed iyo cashuureed ee waddanku door mihiim ah ayay ka qaataan kobaca dhaqaale, waxaanay suurogaliyaan hanaan maaliyadeed, waxa ay ilaaliyaan sicir bararka, waxa ay dhawraan dheeli tiranka suuqyada, waxa ay kobciyaan Dakhliyaadka kala duwan, waxa ay habeeyaan maaligalinta iyo kayddinta.

  1. Kobcinta Dhoofinta Ganacsiga Dibadda (Increasing Foreign Trade/ Promotion Export), waddamada dib u dhaca dhaqaale haysto mar walba wax soo saarkoogu wuu hooseeyaa, taasina waxa ay dhaxal siisay inaanay wax hagaagsan dibadda u dhoofin, inta yar ee ay dhoofiyaanna ay tahay alaabta qaydhin oo qiime hooso ay ku dhoofiyaan hadhaw na iyada oo la soo farsameeyay qiimo sare ay ku soo iibsadaan, sidaa awgeed iyadoo laga duullayo ahmiyadda ganacsiga dibaddu u leeyahay waa in la sameeyaa siyaasad cad oo lagu dhiir galinayo dhoofinta, sida oo kale waa in cashuuraha iyo caqabadaha kale ba laga fududeeyo, waxaana mihiim ah in la habeeyo khayraadka waddanka si looga faa’iideeyo.

 

Marka aynnu soo afmeerno qormadan, waxa aynnu isla garanaynaa in kobcinta dhaqaaluhu uu mihim u yahay jiritaanka dad iyo dal ku jiri karo, sidaa awgeed, waa jiraan habab kale oo intan ka sii falkisan oo lagu gaadhi karo horumar dhaqaale oo dal ku tallaabaso, hase yeeshee, tallaabooyinkan aynu kor ku xusnay haddii la sii tarmiyo oo mihiimad gaar ah la siiyo, wax badan ayey horumarka Somaalilaand ku dari lahayd, innaga oo og hab-maamulka dhaqaale iyo kobaca kaabayaasha uu qaranku leeyahay in uu damsan yahay, ayey hadda na daruurri tahay in si hufan loo firko, loona sameeyo siyaasad cad oo dalkani caggihiisa uu isku taagi karo.

 

Qalinkii: Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi

Email: Liibaanhanad79@gmail.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories