HomeKAAFI: Adeeg cusub oo ay iska kaashadeen Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM Iyo...

KAAFI: Adeeg cusub oo ay iska kaashadeen Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM Iyo Bangiga Salaam kaas oo Isku Xidhaya Adeegga ZAAD Iyo Bangiga Salaam

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda isgaadhsiinta ee  TELESOM ayaa soo bandhigtay adeeg cusub oo la magac baxay KAAFI, adeegaasi oo Macaamiisha shirkadda u sahlaya in ay si hawl yar lacagtoodda ku jira Akownnadooda ay ugala baxaan Mobileka.

blankMunaasibadda daahfurkan oo maanta lagu qabtay Xarunta Guud ee Shirkadda Telesom ee  Caasimada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay madaxadda Shirkadda, Masuuliyiinta ugu sarsareysa Adeega ZAAD iyo Salaam.

Ugu horeyn waxa Daahfurka adeegan cusub ka hadlay Maxamed Ibraahim oo ah isu duwaha adeega Salaam, waxana uu warbixin kooban ka bixiyay adeega Salaam uu bixiyo “adeeg cusub ee salaam ku soo kordhiyay waxan jeclaa marka horre inaan warbxin kooban idinka siiyo salaam. Salaam waa xarun ama waa haayad maaliyaddeed oo u shaqaysa sidday u shaqeeyaan rugta xurmaha kale ee caalamka, waxa la furay xaruntu adeega Salaam muddo haatan laga joogo laba sano iyo dheeraad, adeeganina waa adeeg maaliyaddeed marka horre macmiilka waxa uu u fududaa in uu ka aqbalo dhigaal, adeegan markasta wuu qaadan karraa,waadna la socon kartaa halka uu maryo xisaabtaaddu”.

blankWaxana uu intaasi ku sii daray “Adeegyadda uu qabto salaam waxa ka mid ah in uu bixiyo maalgashi, waxana ay siisaa cidkasta oo ka soo baxdda shuruudaha loga baahan yahay, xaruntan waxa kareeban wax kasta oo rimbo ah, waxana uu ku salaysan yahay shareecadda diinta islaamka” Ayuu yidhi Maxamed Ibraahim.

Cabdiqani Xariir Ismacil oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in waxtarka uu lee yahay adeegani ay badan tahay waxana uu sheegay in meel kasta oo uu ka shaqaynayo shirkadda Telesom in aad isticmaali kartid adeegan.waxana uu sheegay in adeegani uu fududayn karro Saf dheer ama Kayuu aad ugali lahayd in aad xawishid lacag.

Cabdiaxmaan Aadan Shire, oo ah Madaxa adeega ZAAD oo ugu danbeyntii halkaasi ka hadlay ayaa waxa hadalkiisii ka mid ahaa “Telesom waxay noqotay shirkaddii Afaraad ee caalamka ku soo kordhisa adeega lacageed ee Mobile”, waxana uu intaasi ku daray “Bangiyadu waxay ay ka shaqan jireen caalamka balse waxa halkii bangiga badalay waxa la yidhaaddo Mobile Money adeegan ee telesom u soo gudbisay macaamiisheeddeena waa horumar ay gaadhay”.

blankGabgabaddii waxa uu madaxa ZAAD baaq u diray shacabka Somaliland taas oo uu ku waaniyay in ay ka faa’iidaystaan adeegan “Waxan jecelahay inaan maanta halkan ugu baaqo shacabka Somaliland oo aan u sheego ZAAD oo aad ku nasateen ayaa waxay idiin keentay adeega KAAFI waxana aan lee yahay ku soo dhowaadda, runtii adeegani waa mid aad ku nasan doontaan” ayuu yidhi C/raxmaan Aadan Shirre

Adeegan  KAAFI ayaa ah mid ku cusub shacabka Somaliland waana adeeg aad si hawl yar u dhigan karaysid lacagtaadda, adiga oo isticmaalaya Mobile kaaga, waxana uu fudadaynayaa in aad wakhti hawl yar ku qaadan kartid lacagtaadda, kuna dhigan kartid lacagaataadda, sidoo kale waxa uu kuu fududaynaa inaad la socon kartid hadhaagaaga iyo inta kuugu jirta khasnadaadda adiga oo jooga gurigaaga ama meel kaleba.

blank

SOMALILANDPOST

Hargeysa News Desk

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories