HomeKa Xorow Uur kutaalada!

Ka Xorow Uur kutaalada!

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Si aad hore ugu socoto, Umad u hogaamiso, Horumar nafsi ah iyo mid umadeedba aad u gaadho, ka xerow urursiga naxliga iyo uurkutaalada.
shakhsi, bulsho ama kooxi waxay hore u socon kartaa, horumar gaadhi kartaa, dadka wax la qaybsan kartaa, bulshadana dhex gali kartaa , dadkana wax tari kartaa ,marka ay ka xeroobaan dhaawacyaddii hore ee soo gaadhay ama aanad ahayn qof ku nool dhawacyada nololeed ee qofka sida maalin laha u soo gaadha. inta aad awood u leedahay inaad dareenka cadhada, xanaaqa, cuqdada iyo calool ku haynta u badali karto fursad iyo wanaag waxaad ku talaabsan kartaa horumar nololeed iyo mid bulsho oo hiigsi leh, waxaad dadka wax dheeranaysaa, inta aad dhaleecaymaha uga faa’idaysanayso fursado nololeed, talo biximahana aad u dhago nugushahay, una dhago furantahay doodaha, calooshaaduna tahay mid xaadhan, waa hubaal inaad ku dhiiran karto khataro badan oo nololeed, horumarna aad gaadhi karto.
Ogow, talaabo nololeed oo aad hore u qaado, waxay kula kulansiinaysaa, bulsho aanad hore uga mid ahayn, waxay kuu abuuraysaa, saaxiibo hor leh, sidoo kalena waxaad ku kasbanaysaa cadaawad iyo in ku jilaafaysa.

Ha u hiilin, inta naxli la yururka ah, ha ka dhigin siday doonayaan inta horumarka neceb, u hiili dhiiranaanta, dhago furnaanta,, kalsoonida, hanka iyo aragtida hogaamineed ee horaysa.

Haddii aad umad rabto inaad hoggaamiso, saamaxaada badi, waxaad awood u yeelan inaad wax abuurto, wax barato, korto caqli ahaan iyo bulsho ahaanba, naxliga, cuqdada, calool ku haynta iyo gaws ku qabashadu waxay la dagaalantaa, horumarka, waxaad ka sheekayn uun hebel, waxaad xasuusnaan uun boogo, waxaad ku dambayn rife, dadkuna way kaa ordi doonaan, waxanad ahaan qof shakhsiyaad koobani ku wareegsan yihiin noloshiisa, dadkoo dhamina ugu kala qaybsan ama ugu kala suntan yihiin, qaar ay maalin is dileen, qaar ay maalin is caayeen, qaar aan aragtidiisa la dhacsanayn oo ka sooo horjeeda, qaar, qaar neceb, shakhsiyadiisa ama isir ahaantiisa…….IWM
Haddii aad rabto, inaad bulsho hormood u noqoto, saamaxaadu waxay ku siinaysaa inaad bulshada dhexdeeda ka hesho ixtiraam, qadarin iyo wanaag, waxaad heli tixgalin badan iyo inaad hore u socoto.

Dadka oo dhan, ma raali galin kartid, ficilkaaga iyo fikirkaaguna dadka ma wada raali galin karo, mana noqon kartid qof ceeb ka saliim ah, mana waayaysid jalaafooyin nololeed ama siyaasadeed, balse dariiqa kaliya ee aad kaga gudbi kartaa waa adigoo saamaxada, talada iyo dhibirsanaanta badiya, waa dariiqa kaliya ee nolosha aad ugu xaadhi karto wanaag iyo horumar.

Siyaasadu waa huq iyo hawl badan tahay, inta aad xirfad aqooneed, bulsheed iyo deegaan, aad leedahay ayaad awoodaa inaanad leexada iyo isbad badalka geedi socodka siyaasada aanad ka dhicin ee aad ku jiri karto

Nuxur qoraaleedkaygan waxaa si kooban u sheegaya una qeexaya, Abwaankii waynaa ee timacade, alla ha u naxariistee

Wadaadow lama hello
waxaan cidi ku hawshoone
naftaa loo hantaaqaaa
waxaad hiigso leedahaye

Macnuhu wuxuu kujiraa, naftaa loo hantaaqaa, waxaad hiigso leedahay, waxaanad u dhib mudan, una guban, una hawshoon, yeelana dhabar adaygeedii, si sahlan, kuma gaadhaysid.

Curfiga, cayda, iyo cid shakhsi ku necebiba, waxaad ku dhaafi kartaa, adigoo saamaxa, wixii ku anfacana ka qaata weedhahooda, waxa kalena iska xoora, dabadeedto hawshaada aad halkeedii ka sii wadato, tirada yar ee noloshaada isku dayaysa inay caqbad ku noqoto yaanay kugu awoodaysan adigoo naxli la yurur ah, sidaa daraadeed ka xerow Naxliga Iyo Uurkutaalada.

W/Q- Maxamed Cabdikariim (M-Maarshaal)

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories