HomeKa Dhex-Eeg Noloshaada Maqaalada Kuugu Xiisaha Badan – W/Q: Roda Mohamed

Ka Dhex-Eeg Noloshaada Maqaalada Kuugu Xiisaha Badan – W/Q: Roda Mohamed

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

ASALAMU CALAYKUM, Illaahay Ayaa Mahadleh Ilaaha Qofka Gaadhsiiya Wuxuu Rajaynayo Wax Ka Wayn, Ee Ka Waydiista Siiya Wax Ka Badan Wuxuu Waydiistay, Ee Ku Manaysta Adoonka Toobadkeena Safxada Aqbalkiisa, Illaaha Dadka Abuuray La Doonay Daarta Lagu Waarayo Aduunyadana Ka Dhigay Meel Loo Sii Maro Janada  Ee Nafta Ka Qaada Adoonka Intuuna Gaadhin Wuxuu Rajaynayay Goor Aan Waxba Ayna U Tarayn Waxa Uu Kasbaday Maal Iyo Caruurba, Qofka Wanaagsan Mooyaane Oo Bartana Aduunyada Macna La Aanteeda Ee U Deg Dega Danbi Dhaafka Illaahay Iyo Jano Ka Balaadhan Samada Iyo Dhulka Ee Loo Balan Qaaday Kuwa Muuminiinta Ah.

Sanadahan ugu danbeeyey waxa isa soo taraya aqoonta technology-ga, waxa si balaadhan u kordhay isku dayga qoraaladda, waxa sii balaadhanaya goobaha wararka lagu kala qaato, iyagoo dhagaysi, daawasho, waraaqo, iyo qoraaloba isugu jira.

Subaxda hore marka waagu baryo dadka intooda badani waxay ku quraacdaan dhugashada Jara’idka iyo wartabiyayaasha electronic-ga ah, qaar waxay furan Idaacadaha halka qaarna guriga dhexdiisa Tv. Kala socdaan hadaba dadkani dhamaan tolow maxay Radinayaan ee ka maqan.

Waxan in mudo ah si dhow iyo si dheerba u dhega-dhegeyey baahida dhabta ah ee bulshada dhamaan in akhrida iyo in aregta iyo in maqashaba,waxan dareemay in da’a wayn, tu dhexe iyo mid yarba hal shay u daran yahay dhowr kalena qaarba wax u daran yihiin halka mid loo baahnaana ay wada hilmaansan yihiin intii rabi waafajiyey mooyee. Hadaba kuwaani maxay kala yihiin bal fiiri hoos:

  1. Siyaasada Dalku waa quraacda ugu qalisan: waxa la socda xaladda Dalka qof wayn, ku dhexe iyo mid yarba waxana lagu falan qeeyaa goob kasta, cidkasta iyo cayn kasta oo Bulshada ka mid ah na waxay ku leedahay aregtideedda, in kasta oo ay ku kala duwan yihiin sida loo maamulo Siyaasada Gudaha hadana waxa hubaal ah in ay Mowaaqifta Arimaha Dabada Somaliland ka Midoobeen.
  2.  Sheekooyin/filimo taxane ah: waxay bulshada ugu jiraan kalinta labaad, sina u ah kaalinta koowaad waayo %-ka  ugu badan ee Bulshada ayaa si joogto ah waabaryey iyo gabal dhacaba ula socda,
  3. Ta ugu danbaysa waa maaweelada caruurta oo inta badan Tv yada iyo Edaacadaha laga helo waan inta kali ah ee ay ku amaanan yihiin.

Hadii aan ku yara laabto qodobka labaad, runtii waxa layaab igu noqotay sida dhalinyaradu u daneeyaan sheekooyinka amaba filimada taxanaha ah ama googooska ah, TV yada dalka waxa dhaamaan ka wada socda filimada loo yaqaan musal-sal ka, iyaga oo AfSomli ku hadlaya waxaana jeclaysta oo aad ay u soo jiidataa Dhalinyaro Dumar u badan sidoo kale waxa shaaha lagag cabaa maqaaxiyaha, iyadoo si joogto ah aad uga dheehan karto Hotels ka ugu waawayn Dalka. waxana dhici karta in aan caruurtu ka fogayn,  sidoo kale Jaraa’idadda waxa ka socda sheekooyin taxane ah oo la xidhiidha filimaanta amaba khiyaali ah oo iyana Saamayn tooda leh, waxaan marnaba meesha laga saari Karin Websites ka oo iyaga Qaybta akhridda aan odhan karno waa inta Dalku martida u yahay mustaqbalka dhow, wax yaabaha ay soo dubiyaana mar-mar aad odhanayso malaa kuwan dad caqli-lihi may qorin.

Mid kasta oo kuwaa ka mid ahina waxa uu leeyahay xiisihiisa gaarka ah, dadku inta badan waxay akhriyaan cinwaanka maqaalka, hordhaca Barnaamijka ama Ogaysiska dhacdada tusaale ahaan waxyaabaha laysugu gudbiyo mareegaha, qofku markuu furo sanduuqiisa waraqaha ee electronic-kada intooda badani waxay sii akhriyi karaan oo xasaasi ku ah naftooda maqalada qabyaalada, Siyaasada, Eedaynta ama hadii qof lagu xad gudbo difaacidiisa, waxa kale oo ay aad ugu dhego nugul yihiin isugu yeedhida goobaha Barnaamijyada gaarka ah.

Dhaman waxyaabaha aan soo xusnay waxaan dhaliil uga dhigayaa Warbaahinta nooc kasta oo ay tahay, waxanan dareemayaa in warbaahintu u janjeedho Dhanka aan fiicnayn iyadoo anan marnaba ilaawayn in ay Diinta lafteeda sifiican uga qayb qaataan hadana waxa ka badan inta ay gudbiyaan ee xuman ah, waxyaabaha aad ka iga yaabiyey waxa ka mid ah Tafsiir, Heesi ka danbayso, Alle haynagu anfaco Codkii macaanaa ee heblaayo ka sii danbeeyo, Dariiqii toosnaa oo Dariiqii xumaa Ka danbeeyo (fun iy sugan), iyo waliba kaalinta Diintu kaga jirto Siyaasada Dalka oo iyana dhaliisheeda leh.

Ugu danbayntii waxan ku soo gaba gabayn lahaa in qofk kastaa naftiisa miisaamo isaga oo runta kala hadlaya waxyaabaha uu qorayo, kuwa uu odhanayo iyo kuwa uu akhiryayona ay ka muuqdaan khalaaq diineed. Wakhtiga kali ha ee aynu mustaqbal ka umadeena dhisi karanaana waa waa marka toosnaan laynaga

ALLE SWC sida xaqa ah hayna waafajiyo diinta iyo wanaageedana qalbiyadeena haku xasiliyo.

Roda Mohamed

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories