HomeJubba: Kulan Qarsoodi ah oo Dhexmaray Madaxweynaha Masar iyo Hoggaamiyaha TPLF iyo...

Jubba: Kulan Qarsoodi ah oo Dhexmaray Madaxweynaha Masar iyo Hoggaamiyaha TPLF iyo Ethiopia oo ka xanaaqday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Jubba (SLpost)- Hoggaamiyaha Jabhadda xoreynta Tigreega ee TPLF­, Debretsion Gebremichael, ayaa kulan qarsoodi ah caasimadda Koonfurta Suudaan ee Jubba kula yeeshay madaxweynaha Masar Cabdulfataax Alsiisi oo booqasho rasmi ah ku yimi dalkaas Sabtidii todobaadkan.

Lama oga arrimaha ay ka wada-hadleen labada hoggaamiye, haseyeeshee waxa laysla ogyahay in khilaaf siyaasadeed oo salka ku haya biyo-xidheenka weyn ee GERD ka dhexeeyo dalalka Itoobiya iyo Masar, taasina ay keeni karto suurta-galnimada taageero siyaasadeed oo dalka Masar ku taageero Jabhadda TPLF oo dagaal adag kula jirta Dowladda Federaalka ee Ethiopia.

blankKulanka la sheegay inuu dhexmaray Al-Siisi iyo hoggaamiyaha Tigray-ga, ayaa soo if-baxay kaddib markii uu maalintii Sabtidii uu magaalada Jubba ee Caasimadda Koonfurta Sudan si deg-deg ah uga baxay Safiirkii Ethiopia u fadhiyay dalkaas, Fisseha Shawl, iyadoo tallaabadani ka dambaysay go’aan ka soo baxay dowladda Federaalka ee Ethiopia.

Dowladda uu hoggaamiyo Raysal-wasaare Abbiy Axmed, ayaa saacado kaddib xidhiidhkii dibloomaasiyadeed u jartay dalka Koonfurta Suudaan, iyadoo xilligan ay labada waddan la kala noqdeen safiirradii u kala fadhiyey Jubba iyo Addis Ababa.

Madaxweynaha dalka Masar, Abdel-Fattah el-Sissi, ayaa markii u horeysay socdaal ku yimi dalka Koonfurta Suudaan Sabtidii toddobaadkan, waxaana qaabilay madaxweynaha dalkaas Salva Kiir.

Sida lagu sheegay war-murtiyeed laga soo saaray kulanka labada madaxweyne, El-Sissi iyo Kiir ayaa ka wada-hadlay arrimo khuseeya biyaha webiga Nile iyo sidii ay labada waddan si habsami leh uga wada-faa’idaysan lahaayeen. Haseyeeshee, warka laguma xusin inay labada hoggaamiye ka wada-hadleen xiisadda dagaal ee ka taagan dalka Itoobiya.

Masar ayaa ka soo horjeedda dhismaha biyo-xidheenka weyn ee laga hirgeliyey dalka Ethiopia oo laga sameeyey meel u dhow xuduudka u dhexeeya Ethiopia iyo Koonfurta Suudaan, halkaas oo ah marinta biyaha webiga Nile-ka oo biyo-xidheenku ku fadhiyo.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories