HomeJU-JUUB (GABAY)- W/C: Cabdirisaaq Maxamed (Oday)

JU-JUUB (GABAY)- W/C: Cabdirisaaq Maxamed (Oday)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Gabaygan waxa la yidhaa JU-JUUB, wuxuuna Jawaab u yahay cid kasta oo u haysta inuu qarankani ku dhisanyahay Dhalanteed kuna yimid Caadifad, wuxuuna soo baxay 18/May/2013

  1. abwaan odayJiimlayda gabay waayo dheere, Jeebka kuma hayne,
  2. Jiibtiyo araartii ma ridin, igu jaxaysnayde,
  3. Jumladbaan ku haystaa murta, ina jibaaxoowe,
  4. Jaahiliyo midkii aan aqoon, way jajabiyaane,
  5. Dhagta jalaq u siiyoo bulshooy, Jooja hadalkiina,
  6. Ingiriiska jaanka ah markan magane , jaan gooyay,
  7. Calankiyo kolkaan dawlad jama, Joojay lugihiisa,
  8. Waataan jamaadeey mar qudha, Xamar u jegaysatay,
  9. Waataan jikaaray ka riday, jooflihii qabayae,
  10. Abaalkayga maba jari karaan, jaadkastuu yahaye
  11. Jibadii I haysiyo ma jiro, jidhidhicoodkiiye,
  12. Qalbigaygii kuu jaabudnaa, jeesay waa hora’e,
  13. Calankii jamuudiga ahaa, jeexayoo dhigaye,
  14. Wanaag iyo jacaylkaan qabiyo, nacay jarmaadkiiye,
  15. Walaalnimadii aan koolin jiray, waad jardhamiseene,
  16. Koomaad ku jiideen intaad, jeelka galiseene,
  17. Ka jibraday kolkii aad dhurwaa, jabisay xeerkiiye,
  18. Laabtaydana ka jaray, midaw danbiyo jariska xoorkiiye,
  19. Wixii aan u jeediyo adaan, jalan yahuuntiiye,
  20. Gafna maaha waan kaa jibdhaday, ina jareeroowe,
  21. Jeeroon aqoonsiga hantiyo, sharfta joogeeda,
  1. Jeeroon aduunyada ka helo, ju’asho dheeraada,
  2. Jeeroo dulmigii aad gasheen, jaaha ka cadaado,
  3. Kuu joojin maayee dadoow, jabadinkaa yaala,
  4. Oo waynu kala jeedsanee, jiida naga daaya,
  5. Jeexyada wajeeriyo ilaa, jubada hoosteeda,
  6. Jigjigiyo jabuutiyo ilaa, jararka laas-dhuure,
  7. Jamhuur qudha inay noqotabaan, jaaranoow wadaye,
  8. Jeeskaliya inaan wada dhisnaan , Jaambadoow rabaye,
  9. Waxa aan u jeel qabay in badan, jamaca soomaale,
  10. Jeed-jeedsan maayee runtaan, kuu jalwinayaaye
  11. Kuman jalaqsan, kuman joogle, iyo kuman jamaamuura,
  12. Kuman jilicsan, kuman wada jaljalan, kuman jadeecaysan,
  13. Kuman jiiqle, kuman wada jabiyo, kuman jibaadaya,
  14. Intaasoo kun oo wada jiroo, wada jabaaqaaya,
  15. Ayaabay jimcaaloow naftiyo, kaba jareen ruuxda,
  16. Inatay iga jilaabeen ka badan, jaamacoow tima’e,
  17. Jabkii ay badeenbaa khalqigu, jaah wareeryahaye,
  18. Jarmal iyo itali iyo intii, yurubta jaalkeeda,
  19. Jeenyaha markii laysla dhacay, iyo jilibka baaciisa,
  20. Ee jawdu kala yeedhayee, jidanatay baaruudu,
  21. Ee jixinjixii laga tagiyo, judha walaalawga,
  22. Ee jiriqsigii dawladuhu, jaale dami wayday,
  23. Ee jiimis ina kaaratar, iyo joosaf diriraayay,
  24. Muslaiini joofkiyo wuxuu, ridayaay jaynaanka,
  25. Hidlarkii jiraabasaday wuxuu, ganayay jaajuuska,
  26. Al beeniya wixii lagu jibdhee, lagu jafee layaay,
  27. Seerbiyiyo xasuuqii jixnaday, carabta jaaxuunsan,
  28. Jeejniyo ruwaandiyo kuwii ,jawshka lagu qaaday,
  29. Midkasii xad-jira buu ahaa, kaan u soo jiraye,
  30. Jiibka iyo kaaruhu wuxuu, jala butaynaayay,
  31. Waxay jiiqda reenkiyo, shilkuhu jalaw yidhahdaanba,
  32. Hoobiyuhu wuxuu jiibiyuu, gubayay jiidhkooda,
  33. Baaruuda jolashiyo  wuxuu, suugu jananaayay
  34. Dhishiikuhu wuxuu jalaw yidhuu, jarayay neeftooda,
  35. Sabankii jamuuxiyo, wuxuu miigu jiriqeeyay,
  36. Dubaabdku waatay jareen, ina janaaloowe,
  37. Diyaaradku waxay nagu jibdhaan, saanad kala jaada,
  38. Afantarigu wuxuu jiitamuu, mariyay jaantiisa,
  39. Faalkiyo badh jeexiyo ilaa, suuga jumuqeeya,
  40. Jalfistiyo waxay miidaiyo, xabadu jiidhaaba,
  41. Waatay na jawreen wax badan, janandoodiiye,
  42. Jaliilbaan ku dhaartee, kolnaba teelo may jirine,
  43. Car juuqdhaha, car soo jeestadii, lay jiljilosaaray,
  44. Wixii cago juglayn iyo ahaa, jawliskiyo cayda,
  45. Jidh-xunyahw wixii laygu yidhi, saaka uma jeedo
  46. Juj-uub kuma cabaanoo shimbiro, jaahil baad tahaye,
  47. Mar labaad miyaa laygu jiqi, jaraskii aan yaalay,
  48. Gobanimada waa loo jirwacay, loona jiidh go’aye,
  49. Jihad iyo dhibaa loo mariyo, jaxar colaadeede,
  50. Jabhad iyo kulbaa loo galiyo, jaan kastoo adage,
  51. Jam-jam may ku timid, awgayoow waan u soo jabaye,
  52. Sidii laba daloo jarahoo, nabad ku joogtawda,
  53. Ayaabaan jantee mayla jagi, waa janiyo nuure,
  54. Mise waan is jiid-jiidanaa, maba jukhawdaane,

Abwaan Cabdirasaaq Maxamad Cabdilaahi ( Oday)

Abwaanoday@hotmail.com        4015790/9127757

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories