HomeJohn Drysdal oo jawaabtii Wasiirka Beeraha ku tilmaamay talaabo nacasnimo leh

John Drysdal oo jawaabtii Wasiirka Beeraha ku tilmaamay talaabo nacasnimo leh

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa, (SLpost)- Madaxa mashruuca kala-xadaynta Beeraha Somaliland oo dhawaan xukuumadu sheegtay inay ka joojiyeen ayaa ka hadlay jawaab uu arrintaa ka bixiyay Wasiirka Beeraha Somaliland, taasoo la xidhiidhay inuu Mr. John Dreysdal uu mashruucan sidii loogu talogalay u wadi waayay.

blankMr John Drysdal oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hadalka wasiirka beeraha ka soo yeedhay uu yahay hadal nacasnimo ah oo uu doonayo inuu kula wareego mashruucaas. Sidoo kale, Odey John waxa uu beeniyay inuu xanuunsanayo, balse saddex maalmood oo keliya uu bukay, balse haatan uu caafimaad qabo.

“Warka ah inaan mashruuca wadi kari waayay ee wasiirku sheegay run maaha, saddex cisho ayaan u xanuunsaday dhibaato dhinaca kaadida ah wax kalena may jirin.” Ayuu yidhi John, waxaanu intaa ku daray, “Hore ayaan u dhameeyay kormeerka iyo kala xadaynta beeraha, waxaananu kala xadaynay 15000 oo beerood, hadalkani (Hadalka wasiirka beeraha) waa hadal kale oo nacasnimo ah oo uu ku doonayo inuu sabab uga dhigo inuu kula wareego.”

Dhinaca kale, Cabdisalaan Qalinle Cismaan oo ka mid ah hawl-wadeenadii mashruuca kala xadeynta beeraha oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in afar qof oo wasiirka beeruhu ugu horeeyo mashruucan dano gaar ah ka leeyihiin, waxaanu tilmaamay in afar gaadhi oo ay kala leeyihiin wasiirka, agaasimaha, la taliyaha wasiirka beeraha iyo agaasimihii hore ee wasaaradaasi ay si khaas ah mashruuca kala xadaynta ugu kiraysan yihiin. “Waxaanu doonaynaa waa shaqadayadii oo dan kale oo aanu ka rabnaa ma jirto, laakiin cida danta ka lihi waa wasiirka oo ay muuqataa, waayo waxaanu haynaa baabuurta wasaarada beeraha u shaqaysa ee ay imika mashruucan kala xadaynta beeraha ku qaateen, gaadhiga ugu horeeya wasiirka ayaa si shakhsi ah u leh oo si shakhsi ah ayuu ugu shaqeeyaa, ka labaadna agaasimaha guud ee wasaarada beeraha ayaa leh oo uu si gaar ah ugu shaqeeyaa, ka saddexaadna waxa leh la-taliyaha wasiirka oo la yidhaahdo Ibraahim Carab, ka afraadna waxa leh agaasimihii hore ee wasaarada beeraha Cabdiqaadir Jibriil Tukaale  oo ah ninka mashruucan baabi’iyay, markaa afartaa nin ayaa mashruuca dano gaar ah ka leh, anagu haddii aanu nahay shaqaalihii mashruuca kala-xadaynta beeraha, waxaanu soo saaraynay kaadhka diiwaangalinta beeraha, waxaanuna soo saarnay 15000 oo beerood, kaadhadhkiina way haystaan, laakiin shahaadadii wasiirku saxeexayay ayayna iyagu soo saarin.” Ayuu hadalkiisa raaciyay.

Mr. Cabdisalaan waxaa uu soo bandhigay taarikada afarta gaadhi ee mashruucan uu sheegay in laga kireeyay oo ay masuul ka yihiin masuuliyiinta la soo sheegay, waxaanu ku kala xusay sidan: 22856, 30550, 36036 iyo 41089.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories