HomeJoe Biden oo loo cumaaday Madaxweynaha 46aad ee Maraykanka + Taariikh nololeedkiisa

Joe Biden oo loo cumaaday Madaxweynaha 46aad ee Maraykanka + Taariikh nololeedkiisa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Washington (SLpost)- Joe Biden ayaa si rasmi ah u noqday madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka, kaddib markii caawa loo dhaariyay xilka.

Xaflad ay dad yar ka qeyb galeen oo ka dhacday xarunta Capitol ayaa Mr Biden xilka loogu wareejiyay.

Waxaa sidoo kale xilka madaxweyne ku xigeenka loo dhaariyay Kamala Harris oo ah haweeneydii ugu horreysay ee abid jagadaas loo dhiibo, sidoo kalena ah madow.

blankBiden ayaa tartankii doorashada ee dhacay bishii November uga guuleystay Donald Trump oo 4 sano madaxweyne soo ahaa.

Khudbad uu jeediyay Biden markii xilka si rasmi ah loogu wareejiyay kaddib ayuu ku sheegay “in uu ka shaqeyn doono horumarinta Mareykanka iyo mideynta shacabka”.

Wuxuu wacad ku maray in uu ilaalin doono dimuqraaddiyadda, wax dhib ahana aysan jiri doonin haddii la kala fikir duwanaado.

Ddkii aan u codeynin ayuu ka codsaday in ay fursad ay ku dhageystaan siiyaan maadaama uu isagu madaxweynaha yahay.

Inta uu khudbaddiisa waday wuxuu ka qeyb galeyaasha ka dalbaday in daqiiqad aamusnaan ah lagu qaddariyo dadkii u dhigtay cudurka Covid-19.

Waxaa Biden hadda laga dhowrayaa inuu guda galo shaqooyin badan oo sugaya.

Waa Kuma Joe Biden?

Biden waa ninka tartanka adag la galay Donald Trump, wuxuu ahaan jiray madaxweyne ku-xigeenkii hore ee dowladdii Obama, siddeedii sano ee hoggaanka Mareykanka uu hayay.

Waa siyaasi ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga ee Mareykanka, kaas oo Donald Trump uga guuleystay doorashada, wuxuuna noqday madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka.

Sida ay sheegayaan taageerayaashiisa, wuxuu muddo tobonaan sano ah ka soo shaqeeyay siyaasadaha arrimaha dibadda, waana nin aftahan oo soo jiidan kara dadka caadiga ah. Waxaa lagu tilmaamay nin geesi ah oo u adkeystay dhibaatooyin soo maray noloshiisa, wuxuuna muddo 50 sano ku dhow u ordayay siduu madaxweyne uga noqon lahaa Mareykanka.

Halka dadka dhaleeceeya siyaasaddiisa ay ku sheegaan in uu yahay nin u nugul jeedinta hadallada khaladaadka badan uu ka muuqdo.

Biden kuma cusba ololaha doorashada – Wuxuu halgankiisa siyaasadeed ka soo bilowday magaalada Washington, xilligaas oo uu ku biiray Aqalka sanetka, sanadkii 1973-dii, oo hadda laga joogo 47 sano, halka ololaha doorashada madaxtinimada uu bilaabay sannadkii 1987-dii oo haatan laga joogo illaa 33 sano.

blankWuxuu qanciyaa taageerayaasha ku buuqa ama kuwa fowdada sameeya xilliga ololaha doorashada ku jiray, waxaana suuragal ahayd in hal oraah uu ku dejiyo.

Marka uu ka qeyb galayo isu soo baxyada siyaasadeed Biden wuxuu ku anddacoodaa: “Awowyaashey waxay ka shaqeyn jireen goob dhuxusha laga qodo oo ku taalla waqooy bari Pennsylvania,” wuxuuna si caro leh u sheegaa in aysan helin fursadahii ay mudnaayeen in la siiyo.

Balse, xaqiiqada waxay tahay in awowyaashiisa aysan aheyn dad dhuxusha qodi jiray, wuxuuna hadalkaas ka soo xaday siyaasiyiin uu ka mid yahay Neil Kinnock oo ay dad ka mid ah qaraabadiisa ahaayeen dadka dhuxusha ka shaqeysta.

Si uu u xoojiyo danahiisa siyaasadeed, wuxuu sannadkii 2012-kii dad ka qeybgalayay isu soo bax u sheegay: “Waxaan idiin sheegayaa, in aan garanayo ilaa siddeed madaxweyne, saddex ka mid ah waxaan naga dhexeeyay xiriir dhaw”.

Wuxuu nasiib u yeeshay in uu madaxweyne ku-xigeen u noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee madow ah, Barack Obama, wuxuuna ku tilmaamay in uu yahay “qofkii ugu horreeyay oo Afrikaan Amerikaan ah oo reer magaal ah oo aftahan ah oo maskax leh”

Joe Biden wuxuu taageeraa bulshada madowa ah sida ka muuqato haddallo uu ka jeediyay ololahiisa doorashada.

Joe Biden wuxuu si weyn ula macaamilaa taageerayaashiisa, isagoona u muuqda qof ka dhaadhicinaya waxa uu doonayo.

blankWuxuu sheegay in uu jecel yahay in waxa ku jira qalbigiisa uu bannaanka keeno, intuu wax ka akhrin lahaa warqadda ama qalabka kale ee wax lagu qorto oo siyaasiyiinta la hor dhigo marka ay khudbadaha jeedinayaan.

Biden waxaa uu awood u lahaaday in uu khudbad u jeediyo shaqaalaha Mareykanka ee loo yaqaano blue-collar, wuxuuna bilaabay in uu gacan qaado oo uu dhabarka ka taabto, sawirra na la galo.

“Wuxuu ku dhawadaa in uu laabta geliyo, isaga oo la hadlaya ama si toos ah ula macaamilayaa,” ayuu yiri xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Mareykanka, Joe Biden oo la hadlayay jariiradda New Yorker.

Eedaymaha loo jeediyey
Siddeed haween ah ayaa sannadkii la soo dhaafay Biden ku eedeeyay in uu kula kacay falal anshax xumo, sida in uu laabta geliyay ama uu dhunkaday. Warbaahinta Mareykanka ayaa baahisay Biden oo haweenka salaamaya isagoo aad ugu dhaw – mararka qaarna wuxuu sanka saartaa timahooda.

Biden oo eedeymahaas ka jawaabayay wuxuu ballan qaaday “in uu noqonayo qof feejigan” marka uu dadka la kulmayo

Bishii March, haweeney lagu magacaabo Tara Reade waxay ku eedeysay Biden in uu ku ciriiriyay gidaarka xafiis, xilli uu doonayay in uu sameeyo weerar galmo, muddo 30 sano ka hor, waxay haweeneydaas aheyd ku-xigeenka xafiiska xilligaas.

Biden wuxuu beeniyay eedeymaha loo jeediyay oo uu sheegay “in arrintaas aanay dhici karin”.

Xigasho: BBCSomali

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories