HomeJoe Biden oo ku Guulaystay Doorashada Madaxweynaha Maraykanka iyo Wararkii u dambeeyey

Joe Biden oo ku Guulaystay Doorashada Madaxweynaha Maraykanka iyo Wararkii u dambeeyey

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Washington (SLpost)- Murashaxa Xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden, ayaa ku guulaystay doorashada madaxtooyada dalka Maraykanka, kaddib markii uu ka guulaystay madaxweynaha talada haya ee Donal Trump oo loollan adagi ku dhexmaray doorashada oo todobaadkii hore ka dhacday dalkaas.

blankMa jiro war rasmi ah oo guddiga gacanta ku haysa doorashadu ku shaaciyeen guusha Joe Biden, haseyeeshee codadka la tiriyey ee gobollada Maraykanka waxa ku guulaystay Madaxweynaha la doortay Joe Biden oo haysta in ka badan Boqolkiiba 50 Codka shacabka oo u dhigan 74 Milyan halka Trump uu ka helay boqolkiiba 48 oo u dhiganta 71 Milyan.

Tirinta Codadka gobollada Maraykanka oo wali socota, ayaa boqolkiiba 99 la soo gebo-gabeeyey, waxaanay warbaahinta Dalkaas iyo kuwa kale ee Caalamkuba saadaaliyeen inuu Joe Biden si rasmi ah ugu guulaystay tartanka, iyagoo ka shidaal-qaadanaya tirada codadka la tiriyey, inta hadhsan iyo farqiga codadka ay labada murshax is-dheer yihiin.

Guusha Doorashada oo natiijadeeda la dhur-sugayay, ayaa ku xidhnayd tirinta codadka Gobolka Pennsylvania oo inteedii badnayd galabta la soo gebo-gabeeyey, waxa uu Mr Joe Biden ku guulaystay inuu helo codadka 284 ka mid ah 538-ka Guddi-doorasho ee dalka Maraykanka, taas oo kor  u dhaaftay 270 Cod ee ay ku xidhan tahay guusha madaxtooyada dalkaasi. Donal Trump ayaa haysta 214 cod.

Mr Trump oo noqonaya madaxweynihii u horeeyey ilaa 1990-kii ee isagoo haya hal muddo-xileed kursiga lagaga guulaystay, ayaa hore u sheegay inaanu aqoonsan doonin natiijada doorashada, isla markaana uu Cabashadiisa u gudbin doono Maxkamadda sare.

Joe Biden oo da’diisu tahay 78-jir, ayaa noqonaya madaxweynihii ugu da’da weynaa ee la doorto taariikhda dalka Maraykanka. Waxa ka horeeyey Ronal Reagon oo 1989-kii xilka ka degay isagoo da’diisu tahay 77-jir.

blankWaxa xusid inuu musharaxu ku guulaysto madaxtinimada aanay ugu weynayn inuu helo tirada ugu badan codadka shacabku dhiibtaan, waxayse tahay inuu guulaysanayo musharaxa hela tirada ugu badan codadka ay bixiyaan Gudiyada Gobollada ee la yidhaahdo Gole-doorasho (Electoral Colleges) oo ah tiro go’an oo gobol waliba leeyahay, taas oo lagu jaan gooyey saamiga shacabka ku nool gobol kasta. Musharaxa hela codadka shacabka ee ugu badan gobol kasta ayaa helay codadka Gole-doorashadiisa, marka laga reebo labada gobol ee Nebraska iyo Maine oo sharcigoodu ka duwan yahay gobollada, kuwaas oo murashax kastaa heli karo taageerada Gole-doorashada uu kasbado.

 

La soco wararka doorashada Maraykanka…..

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories