HomeJILAAL GARDAADSADAY. Qeybta 1aad

JILAAL GARDAADSADAY. Qeybta 1aad

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

Bari waxaa jiray nin dirawal ka ahaan jiray baabuur caanaha qaadi jiray kaasi oo magaalooyin iyo dhulka miigaha u kala gooshi jiray. Ninkan aad arkaysaa wuxuu kaliyoo ka fikiri jiray lacagta kasoo galaysa dadka iyo caanaha laakiinse marna isaga qorshihiisu muu ahayn dadka wanaaji oo abaal hakuu hayaan. Waxay mudo sidaa ahaataba waxaa dhacday maalin in ninkii oo magaalada soo galaya isagoo sida dadkii iyo caanihii in gaadhigii biriig ba laga waayey, markuu arkay inuu bahalku jar kusii socdo ayuu iskaga booday gaadhigii, gaadhigii oo dadkii wata ayaa jarkii kala dhacay intuu sidaa usii eegay buu yidhi alla maxaa dadkii iyo gaadhigii kala haysta…..

Macnaha waxaan usoo qaatay sheekadan umadan iyo dalkan aan cidiba ka naxayn. Dhibaatooyinka maanta umada haysta waxaa ugu weyni waa sixir bararka. Umadkasta oo jirtaa waxay iska leedahay dad iyagu ku xeel dheer dhibaatooyinka dhaqaale (economic crisis) ee markaa yimaada si ay xal degdeg ah uga gaadhaan laakiinse inaga cidiba dan inagama laha xataa madaxweynaheena la leeyahay wuxuu takhasus u leeyahay arimaha dhaqaalaha.

Arimahan sixir bararku waxay si mug leh u saameeyen ummadda oo dhan kuwii miiga ku noolaa iyo kuwii magaalada deganaaba, markaad sii gudagasho waxay dhulka la jareen dadkii ganacsiga yaryar haystay kaasi oo dadkii wax ka iibsanayeyna ay lacagtii dalka wax kaga iibsanayaan kii bakhaarka weyn haystana doolar wax kaga iibinayo taasi waxay fanax weyn dhexdhigtay isku badalkii lacagaha (exchange rate), ka dibna waxaa mudo yar oo kooban ku burburay malaayin ganacsi yaryar ah oo soo korayey taasina waxay saro u sii qaadi doontaa shaqo la’aanta baahsan ee dadka ragaadisay.

Ka daroo dibi dhal, waxaan mudo layaabana dawlada iyo dadka maanta hogaanka dadka u haya oo ku doodaya lacagta dalka hala isticmaalo iyadoon la maarayn qodobada kalifaya dhibaatadan ooy kaw ka tahay ZAADka iyo lacagta doolarka ah oo lagu yareeyey isku socodka ganacsi. Tusaale ZAADku markii hore wuxuu ahaa doolar kaliye laakiinse waxaa lagu soo kordhiyey kash, markaa halkaasi waxaa kasoo baxaya barar ku dhaca lacagteenii waayo kasoo qaad adigu hada waxaad dhigatay ZAADka 1000000sh (hal milyan) ka dibna iyadoo dhijida ayaad sidataa, halka halkii milyan ee ay telesom kaa qaaday aysuuqa dib usoo galinayso markaa adoo kaliya ayaa labo milyan suuqa soo galiyey taasina waxay sababaysaa in lacagteenii barar ku dhaco ka dibna qiimo beesho. Markaa anigu waxaan odhan lahaa waar aafo ayeynu kusoconaaye dadkan meesha aynu dhiganay umadan ha badbaadiyaan iyo dalkaba haday naleeyihiina waar dadkii iyo dalkiina maxaa kala haystana hanoo cadeeyaan.

WALEE DANBI QARANKA LAGA GALAY KAMA QARIYO WARATADDA

W/Q- Maxamed Cabdi Cabdilaahi (Indha yare)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories