HomeJIGJIGA: Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiye Cirro oo Mansabyo kala duwan lagu Marti-qaaday,...

JIGJIGA: Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiye Cirro oo Mansabyo kala duwan lagu Marti-qaaday, iyada oo Hotel Gaar ah lagu kaliyeysiiyey Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Puntland.

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Jigjiga (SLpost)- Xukuumadda Dhexe ee Itoobiya ayaa la sheegay inay guddomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland u soo dirtay martiqaad uu ku tagay Xuska Maalinta Qoomiyadaha Itoobiya oo ka dhacaysa Jig-jiga, halka Madaxweyne Siilaanyo iyo wasiiradiisa ay martiqaadka kaga qaybgalayaan xafladaasi uu u soo diray Madaxweynaha Dawlad Deeganka Somalida Itoobiya.

IMG_0074Xarunta Dawlad-deegaanka Somalida Itoobiya ee Jigjiga, ayaa sannadkan Marti-gelinaysa isla markaana lagu qabanayaa Shirweynaha Qoomiyadaha Dalka Itoobiya, kaas oo la filayo inuu maalinta berri si rasmi ah uga furmo magaaladaas oo ay wakhtigan ku sugan yihiin Dadweyne lagu qiyaasay Boqolaal kun oo isugu jira madax iyo marti-sharaf lagu soo marti-qaaday.

IMG_0044Martiqaadyadan kala duwan ayaa sababay in Somaliland ay laba jeer kala tagto Jig-jiga, halkii ay ka ahayd in ay habmaamuska ay kala leeyihiin iyagoo huwan ay mar kali ah dalka ka baxaan maadaama oo ay huwan yihiin karamadii shacabka Somaliland, haddii kale sida imikaba muuqata waxa ay muujinaysaa karaamo darro iyo nidaam xumo iyo in hay’adaha dawladdu kala qobqoban yihiin.

Siilaanyo iyo Cirro ayaa u Muuqda kuwo khilaafkooda siyaasadeed kala weynaaday dantii qaranka, waxaana banaanka u soo baxay in ay labada Odey ku kala fogaaden khilaafkii ka dhashay isku shaandhayntii uu cirro ku sameyey golihiisa taasoo uu afka dhulka u daray Xildhibaano madaxtooyada gacan saar la lahaa sida uu Cirro ku eedeyey madaxtooyada uu siilaanyo ka arrimiyo.

DSC_0062Dhinaca kale, dawlad-deeganka Somalida Itoobiya oo xuska qoomiyadaha Itoobiya ku martiqaaday Maamul goboleedyada Somaliya ayaa Madaxweyne Siilaanyo Maanta Dajisay Hotelka uu degen yahay madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Faroole, halka wasiirada la socday la geeyey Hotelo kale.

Madaxweyne Siillanayo ayaa  kulamo kala duwan la yeedhay Af-hayeenka Barlamaanka Kililka Shanaad iyo Madax Sar-sare oo kale  kuwaasi oo ku booqday Hoteelka uu degen yahay, hase yeeshe lama oga arrimaha ay ka wada hadlee.

Dhinca kale madaxweyne Siilaanyo ayaa caawa ka qabygalaya xaflad balaadhan oo casho sharaf ah, taasi oo ay ka qayb galayaan dhammaan madaxda lagu soo casuumay Xuska Qoomiyadaha oo si weyn loogu xusayo Jig-jiga Taariikhda markii ugu Horeysay .

Madaxweyne Siilaanyo ayaa maanta markii uu gaadhay Jig-jiga kormeer ku maray goobta xaflada Qoomiyadaha lagu qabanayo, iyada oo la soo mariyey lana soo daawadsiiyey shaaracyada iyo Dhismayaasha Cusub oo magaaladaas laga hirgeliyey, iyada ay madaxweynaha muddo wakhti ugu dambaysay inuu socdaal ku tago magaaladaas.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories