HomeJigjiga: Guddi loo xil-saaray Geerida Prof Galeydh oo Shaaciyey Sababta uu u...

Jigjiga: Guddi loo xil-saaray Geerida Prof Galeydh oo Shaaciyey Sababta uu u dhintay

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

Jigjiga (SLpost)- Guddi uu Madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya u xilsaaray baadhitaanka waxa sababay geerida Prof Cali Khaliif Galaydh oo gelinkii hore ee maanta ku geeriyooday magaalada Jigjiga, ayaa shaaciyay in Marxuumka u geeriyooday xannuunka Covid-19 oo uu maalmahaan la xanuunsanayey.

Wasiir ku-xigeenka caafimaadka dowlad-degaanka Soomaalida ee Dalka Itoobiya Dr. Mukhtaar Yuusuf Muuse oo ku hadlayay magaca guddiga, ayaa sheegay in Cali Khaliif labadii maalmood ee ugu dambeysay uu u xanuunsanayey xanuunka covid-19, balse xaaladdiisu ay soo xumaatay maanta markii xanuunku ku soo saa’iday, ka dibna uu u geeriyooday, sida uu Wasiir ku-xigeenku ku dooday.

blank
Guddiga loo xil-saaray Geerida Marxuum Prof Cali Khaliif Galeydh

“Maanta duhurkii ayuu billaabay naqasku inuu ku dhego, anigoo la jooga ayay naftu ka baxday Prof: Cali Khaliif Galaydh, runtii waa geeri aad u xanuun badan, wuxuu lahaa qufac fara badan iyo xumad.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka ku-xigeenka caafimaadka dowlad-degaanka Soomaalidu.

Marxuum Cali Khaliif Galaydh, ayaa lagu aasi doonaa magaalada Muqdisho maalinta Jimcaha berrito ah haddii Illaahay idmo, eheladiisa iyo dowladda Soomaaliya, ayaa codsaday in meydkiisa Muqdisho loo soo qaado, si halkaas aas qaran loogu sameeyo, sida ay xaqiijiyeen Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Masuuliyiinta dowlad-deegaanka Soomaalidu.

Geesta kale, Garaadka guud ee gobolka Sool Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo Warbaahinta kula hadlay caawa magaalada Laascaanood iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo isna Hargeysa ka hadlay, ayaa dalbaday in Meydka Marxuumka lagu aaso magaalada Laascaanood, maaddaama oo uu ahaa Siyaasi caan ah oo gobolkaas ka soo jeeday dhalasho ahaan, hase-yeeshee, waxay Soomaaliya iyo Dowlad-deegaanka Somaalida Itoobiya, xaqiijiyeen in Muqdisho lagu aasi doono.

Geerida Marxuum Cali Khaliif Galaydh, waxaa ka hadlay Madaxweyneyaasha Somaliland, Soomaaliya, dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Ra’iisal-wasaaraha federaalka Soomaaliya, Ra’iisal-wasaarihii hore ee Soomaaliya, Madaxda Xisbiyada Siyaasadda ee Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaas oo dhammaan ka sheekeeyey doorkii iyo taariikhdii uu Siyaasadda Soomaalida ku lahaa, waxaanay Allaah uga beryeen inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, samir iyo iimaan saadiq ahna ka siiyo, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayba.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories