HomeJidka Madaxtooyada Garab-mara oo Roobku Burburiyey iyo dawladda hoose ee Caasimadda oo...

Jidka Madaxtooyada Garab-mara oo Roobku Burburiyey iyo dawladda hoose ee Caasimadda oo ku mashquulsan Baacsiga Danyarta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Warbixin: Weriye Cabdifataax Ismaaciil Caarshe

blankWaddada dhinaca Bari ka marta Qasriga madaxtooyada Somaliland, ayay burburiyeen daadad ka dhashay Roobab waaweyn oo habeennadii u dambeeyey ka da’ay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland iyo nawaaxigeeda. Waxa waddadaas soo gaadhay qasaare weyn oo uu u geystay Roobkii Habeen-hore ka da’ay magaalada.

Sannadkii hore xilligan xiligeedii ayay ahayd markii ay go`day Waddada dhinaca Bari ka marta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland  oo ay jareen Roobakii hore ee xilliga Gu’ga wakhtigan wakhtigiisii, taasoo maalmo ay gonayd iyo sidoo kale dharaaro dhismeheedu socday aan la isticmaalin.

Haddaba, Roob habeen-hore magaalada ka da’ay ayaa dib u jray waddada dhinaca Bari ka marta Madaxtoyada ee qabata ama u kacda dhinaca Maxkamadaha oo geesta koonfur-bari wax yar kaga beegan Qasriga madaxtooyada, taas oo labadii habeen ee u danbeeyay uu Eebbe Raxmaadka inoo shubay ay wax yeelo soo gaadhay waddadaas.

Waddadaas qabata geesta Maxkamadaha, ayaa waxa ka muuqday burbur weyn oo soo gaadhay waddadaas, sidaa daraaddeed, Gadiidka kala duwan ee mari jiray ama mari lahaa jidkaas ayaa ka leexday ka dib markii ay burburka soo gaadhay awgii u mari kari waayeen, iyada oo jidkaasi ka mid yahay waddooyinka aadka loo isticmaalo hadday tahay dadka lugaynaya iyo hadday tahay Gaadiidka kala duwan ee taga Maxkamadaha haday sidaan  Maxaabiis la gaynaayo Maxkamadda iyo hadday gaadiid kale oo si caadia u mara tahay-ba.

Waddadaas ayaa shalay gebi ahaanba wax Gadiida ahi aanay marayn iyada oo halkaas ladhigay Ciidamada Booliska oo waddadaas lagu xidhay dhagxaan ka samaysan Sibidh, iyada oo shalayna Dad mooyee aan loo oggalayn wax gadiida ahi inay maraan, iyaga oo haddii loo oggolaado inay isticmaalaan xattaa aan mari kareen Baabuurtu.

Jidkan ayaa Isku Xidha loona Isticmaala Taliska Asluubta, Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, Xarunta Madaxtooyada, Maxkamadah,  Xeer-ilaalinta, Cusbitaalka Qaaxada iyo Wasaaradda Ganacsiga, sidoo kale jidkani waxa uu samayn ku yeeshay ardayda dhigata Iskuulka sare ee Faarax Oomaar. Iyada oo laagta yare e ay maraan biyuhu ay ka yimaddaan meel fog-fog.

Sidaa daraaddeed, maaha mid Si Hawl yar looga maarmi karo jidkaasi waxaanay ku taallaa meel marin u ah Boqollaal  Baabuur iyo Kumanyaal Dadweyne ah. Jidkan oo bulsho badan iyo Gaadiid badan xannibay, waxaana burburka jidkani sababay in cidhiidhi badan iyo culays laga dareemo jidka wadnaha ah ee hor-mara Madaxtooyada iyo Daarta Baarlamanka dhexdooda.

Si kastaba ha ahaatee, dawladda hoose ee Caasimadda Hargeysa oo masuuliyadi ka saaran tahay inay si deg-deg ah uga hawlgasho jidadka noocan oo kale ah marka burbur ama dhibaatooyin kale ku yimaaddaan, ayaan weli u gacan-qaadin dib-u-dhiska waddadaas, isla markaana aan u muuqan inay si fiican ula socoto dhaawaca jidkaa soo gaadhay iyo xannibaadda uu keenay burburkiisu. Waxaanay taa beddelkeeda dawladda hoose ee Hargeysa u muuqataa mid ku mashquulsan rarista dadka danyarta ah ee ku ganacsada Suuqyada Caasimadda iyo eryashada Hooyooyinka Kolayada Qaadka qoysaska dhan ka masruufa oo tan iyo markii la bilaabay bannaynta hareeraha jidadka caasimadda iyo bakhaarrada magaalada hortooda maalin kasta baacsada dadka isku daya inay dib u fadhiistaan goobaha loo diiday inay ku ganacsadaan.

Hase-yeeshee, waxa habboonaan lahayd inay dawladda hoose iyada oo hawleheeda iyo masuuliyadaha saaran ee kale sideeda u gudanaysa, inay haddana wakhtiyada xilli roobaadka oo jidadka magaalada Hargeysa burbur iyo kala-kac badani ku yimaaddo ay la socoto Roob kasta oo da’aa meesha uu dhaawaca soo gaadhsiiyey, gaar ahaan dhinaca jidadka lagama maarmaanka yahay isticmaalkoodu ee magaalada dhexdeeda. Iyada oo jidkan burburay ee kor ku xusan marka laga tago ay jiraan waddooyin badan oo dhaawacyo sahlani soo gaadheen iyo kuwo daadadku qodeen oo u baahan kab-kab iyo buux-buuxin lagu sameeyo.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories