HomeJidh-dilkii hooyadii uurka lahayd - Taxanaha Soomaali waa walaalo

Jidh-dilkii hooyadii uurka lahayd – Taxanaha Soomaali waa walaalo

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

blankUur sagaal toddobaad ah ayay lahayd kolkii uu jidh-dilku ku bilaambay. Shan bilood oo xidhiidh ah ayaa hooyo Nuura si bahalnimo ah loo jidh-dilayay, illaa iyo ay gaadhay heer ay miyir-beesho.

Kaligeed ayaa lagu xidhay qol yar sagbad ka samaysan. Wehelka qudha ee ay haysataa wuxuu ahaa qaylada ka soo yeedhaysa dadka sida wuxuushnimada ah loogu jidh-dilayo qolalka kale ee ku hareeraysan.

Cuntadeedu waxay ahayd in marmar loo keeno roodhi engagan oo la soo raaciyay biyo yar. Xiitaa waxa loo diiday inay suuliga isticmaasho, xaajadadeedana waxay ku gudan jirtay isla qolka yar ee ay ku xidhan tahay.

Ciidanka xabsiga haysta ayaa isla qolka ay ku jirto kaadida la iman jiray iyaga oo hooyadan uurka leh korkeega ku kaadji jiray.

Waxay madaxa u gelin jireen bac, ka dib waxay ku muquunin jireen biyo dhexdood illaa iyo ay ku sigato dhimasho. Isla markaas, waxa dhafoorka lagaga qaban jiray afka qoriga.

In ninkeegu uu SNM ku biiray ayaa ahayd marmarsiiyaha qiilka looga dhigtay in sidaas bahalnimada ah loo jidh-dilo qof biri-ma-geydo ah oo cid in uun damiir lihi aanay xagtin u quudheen.

Xiitaa hadday dhab ahayd eeddaasi, iyadu ma ninkii baa? Dambi ay qirayaan inuu qof kale galay sidee ayaa loo dul saari karayay iyada?

Nuura Maxamed waa hooyo 36 jir ah (waraysiga Landhan ayaa lagaga qaaday 1990-kii). Waxay sheekadeeda u soo tebinaysaa si adkaysi iyo sharafi ka muuqato, marka qudha ee ay ilmadu indhaheega qoynaysaana waa kolka ay xasuusato afarteedii hablood ee ay kaga timid xeryihii qoxoontiga.

Tacaddi badan ka dib Nuuri waa ay baxsatay, iyada iyo hablaheeguba waxa ay ka tallaabeen xadka Itoobiya.

Jidhdilkii badnaa ee loo geystay wuxuu ku keenay dhiig-bax gudeed, sida oo kale waxa isugu darsamay xanuunka Duumada iyo rafaadkii ka soo gaadhay baxsadkii dheeraa ee ay soo gashay.

Mararka qaar, dharaaro ayay u socon jireen si ay in uun biyo u helaan, kolka uu roob da’ana waxay kaga gabban jireen isla geedaha hoostooda.

Qoyskaasi wuxuu ku bedbaaday kaymaha dhexdooda oo ay kaga dhuuman jireen askartii dawladda. Dabcan, dugaagga ayay ka dhawaysteen ciidankii Afweyne.

Addis Ababa dhakhtarrada joogaa waxay u sheegeen in aanay waxba ka qaban karayn xaaladdeeda caafimaad, ka dib ayaa ururka “Medical Foundation for the Care of Victims of Torture” uu siiyay Fiise ay ku tagto Boqortooyada Biritan si loogu soo daweeyo, inkasta oo kolkii dambe ay magangelyo heshay. (Ururkaasi hadda wuxuu magiciisa u beddalay Freedom From Torture).

blankImmika qudheeda, nabar buluug ah ayaa ka muuqda garabka bidix ee Nuura kaasi oo ah dhaawac ka soo gaadhay soodhka qoriga.

Cagaheega – inkasta oo ay immika xidhan tahay kabo buudh ah oo huudhaydh ah, haddana waxa ka sii muuqda nabarradii ay ku dhigeen silsiladihii lugaha lagaga xidhi jiray intii ay xabsiga ku jirtay.

Sida oo kale hooyadani kuma dhawaaqi karto xarfaha shaqallada ah ee Ingiriisiga, maadaama oo ay ka dhaawacan tahay lafaha daanka oo si joogto ah loogu garaaci jiray qori-dabadii, feedh iyo dhirbaaxaba.

Hooyo Nuura Maxamed waxay sheegtay in daryeelka caafimaad ee loo fidiyay uu mar labaad dareensiiyay inay weli nooshahay oo aanay rejo-dhigin, waxaana loo ballanqaaday in ciyaalkeega loo keeni doono.

Dabcan dadka sidaas ugu naxariisanayaa waxay u badnaayeen gaalo, halka kuwa sidaas u galay ay ahaayeen Soomaali.

Waraysigan waxa lagaga qaaday dhisme Landhan ku yaalla oo lagu ururiyo dadka dhibbanayaasha u ah talisyada ugu bahalsan ee dunida ka jira (wakhtigaas ka jiray).

Labada sawir ee hoose: Midi waa joornaalkii lagu soo daabacay sheekada Nuura Maxamed 1990-kii. Sawirka kalena waa sawir laga qaaday isla Nuura, tobanlihii hore ee qarnigan 21aad.

F.G: Sheekada Joornaalka waxaan u kala horraysiiyay sidii ay u kala horreeyeen dhacdooyinku.

 

Qore: Maxamed Sharma’arke
sharmaake91@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories