HomeJewigii uu ku furmay Wejiga 3aad ee Wada-hadallada Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka...

Jewigii uu ku furmay Wejiga 3aad ee Wada-hadallada Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka oo maanta qabsoomay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa-(SLpost)- Waxa maanta qasriga madaxtooyada ka furmay wejiga 3aad ee wada-hadallada u socda Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka ah.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay sidan:- “Waxa sidii ballankii shalay ahaa si rasmi ah qasriga madaxtooyada uga bilawday wejigii saddexaad ee wada hadallada u dhexeeya xukuumadda iyo saddexda xisbi Qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI.

Shirkaasi oo ku furmay jawi wanaagsan, goob-joogna ay ka ahaayeen labada gudoomiye ee Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Waxaana shirka furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinaayo Madaxeyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyadoo la gudo galay ajendayaasha laga dooday oo ay si wada jira u soo diyaariyeen saddexda xisbi qaran, intaa ka dib waxa dhinac-walbaaba uu soo jeediyey doodda uu qabo, iyadoo ay dhegeysanayeen Madaxweynaha Qaranka, labada guddoomiye Baarlamaan iyo madaxweyne ku xigeenku.

Waxaana wejigaasi isla maanta uu ku soo dhamaaday isu-soo dhawaansho iyadoo loo ballamay in la soo naaqisho doodaha maanta la jeediyey, berri oo khamiis ahna ay isu yimaaddaan min saddex xubnood oo keli ahi, kuwaas oo ka kala socda saddexda xisbi qaran ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE.”

blank blank blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories