HomeJewigii lagu soo gunaanaday Tartanka Kubadda Cagta Gobollada oo Madaxweynaha Somaliland soo...

Jewigii lagu soo gunaanaday Tartanka Kubadda Cagta Gobollada oo Madaxweynaha Somaliland soo xidhay (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo gunaanaday tartanka kubbadda cagta gobollada Somaliland oo maanta lagu soo gebogabeeyey garoonka Hargeysa Stadium, kaas oo ay ku guulaysteen xulkii ka socday gobolka Daad-madheedh.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyaha ciidanka Booliska, madaxda gobollada Maroodi-jeex iyo Daad-madheedh, xildhibaanno, asxaabta xisbiyada qaar ka mida, siyaasiyiin iyo marti-sharaf kale, ayaa daawashada ciyaarta kaga qayb-galay garoonka kubbadda cagta ee Hargeysa Stadium oo ay ku sugnaayeen kumannaan katirsan taageerayaasha gobollada Daad-madheedh iyo Maroodi-jeex, kuwaas oo ay wejiyadooda ka muuqatay xamaasad taageerenimo.

blankCiyaartan oo xamaasad iyo xiise gaar ah lahayd, islamarkaana ay taageerayaashii daawanayey u qushuuceen, ayaa kusoo dhammaatay laba gool oo ay la yimaaddeen xulkii ku ciyaarayey gobolka Daad-madheedh iyo hal gool oo ay dhaliyeen xulkii ku ciyaarayey gobolka Maroodi-jeex, waxana markii ay soo dhammaatay hadallo hambalyeeyey gobolka guulaystay iyo midka kaalinta labaad galay ujeediyey masuuliyiintii kala duwanayd ee goobtaas ku sugnayd.

Ugu horrayn wasiirrada wasaaradaha Dhallinyarada iyo ciyaaraha iyo arrimaha gudaha, Mudane Boos Mire Maxamed iyo Maxamed Kaahin Axmed oo halkaas ka hadlay, ayaa hambalyeeyey kooxda guulaysatay, iyaga oo xulka kaalinta labaad galayna ku bogaadiyey dedaalka ay sameeyeen, iyaga oo sidoo kalena ammaanay ciidanka Booliska iyo cid kasta oo gacan ka geysatay inuu tartankani nabadgelyo ku qabsoomo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa hambalyo uu u diray kooxda guulaysatay iyo midda kaalinta labaad gashay kaddib, waxa uu si guud u bogaadiyey dhallinyarada reer Somaliland, isaga oo mid mid carrabka ugu ballaadhiyey faa’iidooyinka kala duwan ee laga dhaxlo ciyaaraha.

“Waxan u hambalyeynayaa dhammaan dhallinyarada Somaliland meel ay joogaanba, mid ciyaarayey, mid taageere ahaa iyo mid qaban-qaabiye ahaa, waxaynu baranay ciyaaruhu sida ay dadka isu dhexgeliyaan, waxaynu baranay sida nabadda u dhaliyaan, waxaynu baranay sida loogu firfircoonaada oo qaadka iyo balwadaha loogaga dheeraado, waxana aynu bilaabaynaa inay magaalooyinka waaweyn oo dhammi bilaabaan in sannadka oo dhan la ciyaaro oo aanay ciyaaruhu joogsan.”

Intaa ka dib, waxa uu madaxweynuhu koobkii ay ku guulaysteen guddoonsiiyey xulka kubbadda cagta ee gobolka Daad-madheedh, isaga oo sidoo kalena billadihii ay mutaysteen ciyaaryahannadii intii tartanku socday goolashii ugu badnaa dhaliyey, kuwii akhlaa-wanaagga iyo ciyaar-wanaagga la yimi, garsooreyaashii dedaalka dheeriga ah la yimi, tababarihii ugu wanaagsanaa tartankan, qaar kamid ah madaxdii ku dedaashay qabsoomidda tartankan, qaar kamid ah shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta, dawladda hoose ee Hargeysa iyo hoggaanka ciidanka Booliska, waxana halkaas kusoo dhammaaday tartankii koobka kubbadda cagta oo muddo labaatan maalmood ah soo socday.

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank
blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank
default
blank
default
blank
default

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank
default
blank
default
blank
default
blank
default

blank default

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories