HomeJewigii furitaanka Tartanka Ciyaaraha Gobollada Somaliland oo Madaxweyne Muuse Biixi oo ka...

Jewigii furitaanka Tartanka Ciyaaraha Gobollada Somaliland oo Madaxweyne Muuse Biixi oo ka Qayb-galay (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta daah-furay tartanka koobka gobollada dalka Somaliland oo maanta si rasmi ah uga furmay garoonka kubbadda cagta ee Hargeysa Stadium.

Munaasibad kooban oo lagu qabtay garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium, islamarkaana lagu daah-furayey tartanka koobka gobollada Somaliland, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey xubno kamid ah golaha wasiirrada Somaliland oo uu hoggaaminayey wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Boos Mire Maxamed, masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan xukuumadda, wufuud ka kala socota dalka Jabuuti iyo maamulka Soomaalida Itoobiya oo wasiirradooda ciyaaruhu hormuud u yihiin, saraakiil ka socota guddida caalamiga ah ee Olombikada (Olympic), ciyaaroyga kubbadda cagta ee gobollada kala duwan ee dalka iyo maamulkooda, marti-sharaf kale iyo kumannaan katirsan taageerayaasha kubbadda cagta ee gobollada Hawd iyo Buuhoodle oo maanta ciyaartooda tartanka lagu furay.

blankUgu horrayn wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland, Mudane Boos Mire Maxamed oo munaasibadda furitaanka hadallo kooban ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday dedaalka ay wasaarad ahaan u galeen sidii uu tartankani u qabsoomi lahaa, isaga oo sidoo kale madaxweynahana ugaga mahadnaqay taageerada iyo gacanta uu ka geystay sidii uu tartankani u qaybsami lahaa, waxana uu bahda ciyaaraha ku lugta leh iyo dhallinyarada gobollada ka socota usoo jeediyey inay soo bandhigaan ciyaaro hufan oo ilbaxnimo ku dheehan tahay.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa bahda ciyaaraha ku ammaanay nidaamka ay usoo qaban-qaabiyeen ciyaaraha gobollada, isaga oo sidoo kalena dhammaanba taliyayaasha kala duwan ee ciidamada ammaankana ku ammaanay sida ay amniga u sugeen ee u suurogeliyeen in jawi nabdoon ay ciyaaruhu ku qabsoomaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda furitaanka tartanka koobka gobollada ka hadlay, ayaa guul ku tilmaamay in ciyaaraha gobollada dalku si nabad ah u qabsoomaan, waxana uu ammaanay cid kasta oo qayb ka ah inuu tartankani suurogalo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa farxad inoo ah inaynu isugu nimaadno xafladda furitaanka ciyaaraha gobollada, waana Ilaahay mahaddii Somaliland oo nabad ah, iskeed wax u qabsatay, heerkaas gaadhay in dhallinyaradeedii oo dhan iyo gobolladii ku ciyaaraan si ammaan, nabadgelyo iyo xornimo ah.”

Ugu dambayntii, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kubbadda bilaabashada koobka tartanka gobollada u laaday kooxaha gobollada Hawd iyo Buuhoodle oo maanta tartanka lagu furay, waxana ay ciyaartaasi ku dhammaatay Gool iyo Gool ay labada kooxood isla dhaafi waayeen.

Tartanka Ciyaaraha Gobollada Somaliland, ayaa lagu furay Gobollada Hawd iyo Buuhoodle oo natiijada ciyaartoodu ku dhammaatay barbar-dhac ay labada gobol kala keensadeen 1 gool iyo 1 gool.

blank

blank
default
blank
default
blank
default
blank
default
blank
default

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank
default

blank

blank

blank
default
blank
default
blank
default
blank
default
blank
default
blank
default
blank
default
blank
default
blank
default
blank
default
blank
default

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank
default

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank

blank
default

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories